Gabayba Quruxso weedhaada(Jawaabta Gabaygii Qawad) W/C: Hodan Sheekh Cumar

GABAY 234

 

 

Gabayga Quruxso weedhaada waa Gabay Jawaab u ah gabaygii QAWAD ee uu tiriyey Laashin Ibraahim Nolosha, haddaba Laashimadda Hodan Sheekh Cumar oo ka jawaabaysa, kana garnaqaysa Saluuga galay Ibraahim iyo sidaanu haweenka uga maarmin waxay tiri:

 

  • Afraxoow qa’leeydaadi gabay, Qaadan Kari waaye
  • Qiimeeyayoo eegayoo, Qoray jawaabteed’e
  • Qalbigeygu wuu diiddayaa, Qabarka kaagaaye
  • Wacyi dhiganna qarin maayo oo, Wuu jiraa qalade
  • Qaabkaad usoo tabisaybaa, Qoonsimaad galaye!
  • Qurbahaa fogaadiyo dhammaan, Qaarada adduunka
  • Xamar qaybeheediyo, Berbera, Qalawga Laasoole
  • Qoryooleey, Hargeysiyo wixii, Qorrexeey loo gaaro
  • Qodqodiyo Buuraha Qabnood, Qandala meesheeda
  • Qamar soo baxaayiyo hablahaad, Qorraxda moodeysay
  • Waxa qalanja Soomaliyeed, Jooga qarankeenna
  • Haddii aad qof iyo labo ogtahay, Qaawshay baddankooda
  • Ood qaar is diiriyo taqaan, Qiimo kuwa beelay
  • Anigoon u qiil dayahayeen, Qaabdarrna aasin
  • Oon kuu qirsana dhawr xabboo, Jabiyay qaanuunka
  • Barbaa jira qajilayoo xishood, Qariya foolkooda
  • Oon qaarka daylane jirkood, Qaalib maro saaray
  • Qaaf iyo kuwaa badan aqriya, Suuradaha qawfka
  • Waa qabiilo dumarkuye ninyohow, Quruxso weedhaada
  • Afartaas qallooc lama rabee, dow ma qabadsiiyay?
  • Ma u daray qabaalkooda dumar, Baw qareen ahaye?
  • Waxbaad xuub ku qarisee bannaan, Qayd ma kaga diiray?
  • Qamadhacada oo diirranoo, Qafilin caadkeedu
  • Baan sacabku qarineynin jeer, Qaddarka mooyaane
  • Habluhuna ineey quursadaan, Qubbidda diintooda
  • Ooneey qardaha jeexinoo, Eebbe burin qawlki
  • Waxaa qiray adduun waynahoo, Galiyay qaamuuse
  • Waxa aad qaboonadii walbaba, Sugi qoraalkooda
  • Ood shaatiyaal qaaliyiyo, Qoorxirkiyo suudka
  • Inti aad isugu qoofashood, Timaha qaabeysay
  • Qumaatiga tallaabada waxaad, Qaab u soconeysid
  • Ood abidna qooraansaneysood , Dhab u qashuuceysid
  • Oo salaanta gacan qaadkaliyo, Qosolka kaa keena
  • Oo qaraamigii Samatar iyo, Qalinle kuu daaray
  • Waa qalanja faysbuugga aad, Qoqob wadaagtaane
  • Waa qabiilo dumarkuye ninyohow, Quruxso weedhaada!

 

Hal qabsiga: fannaaniinta kala ah Muuse Ismaaciil Qalinle

Iyo Xasan Aadan Samatar

W/C: Hodan sheikh Cumar

SHEEKOOYIN