Farxadda Carruurtaada ha u bedelin Murugo! W/Q; Nasra Abid Osman “Nasra Bakaal”

Farxadda Carruurtaada ha u bedelin Murugo!
bakaal1
Axmed iyo Mustaf waa wiilal yar yar oo 11 jirra ah, sanadkanna u gudbaya Dugsi Dhexe, jecel iney ku dadaalaan waxbarashada. Xilli barqa ah iskuullada qaarkoodna loo fasaxay munaasabadda Ciidda ayaa Axmed iyo Mustaf waxay iska soo raaceen meel xaafadda Axmed u jirta in cabbaar ah, oo kubadda Teeniska ay ku wada ciyaarayeen.
Axmed ayaa hadalkii furay kuna yiri saaxiibkiis Mustaf;
“Ciidda maxad ku ciideysaa?” Mustaf ayaa in cabbaar ah ayaa indhaha mirrig mirrig ka siiyey, qiyaasi waayayna habka uu ugu jawaabi lahaa weydiinta saaxiibkiisa Axmed, Mustafse wuxuu ugu soo koobay;
“Hooyadeey oo Holland jirta ayaa imaaneysa berri, kolkaas ayaan aniga iyo walaashay muna yariisey naloo iibin dhar cusub” Axmedse ma sii sugin hadalkii uu watay saaxiibkiise wuxuu afka ku kala qaaday;
“Mustafoow aniga ayaa kaa fiican, Hooyadeey iyo Aabbahey waxay ii soo gadeen dhar isku nuuc ah, Qori weyn iyo baaruuddiis si aan ugu ciyaaro”.
bb
Hadalkaas Mustaf waxay ku reebtay gocosho iyo ciil, waxeyse hadal iyo qosol wadaanba waxay soo gaareen meeshii ay ku kala leexan lahaayeen, mid kastana wuxuu wajhadda saaray halkii Hoygiisu ahaaa.
Maalintii xigtay Garoonka waxaa ka soo dagtay Mustaf hooyadii, maba sii daahine waxay durba abbaartay suuqii, iyadoo horey u sii kaxeysatay Mustaf iyo Muna yariseey.
Dhar iyo alaabo yar yar oo carruurta farxadgaliya ayay soo iibisay Hooyada Mustaf, balse, Mustaf ayaa hooyadii ka codsaday in ay u iibiso Qori ka raaracay dukaanka, oo indhuhiisu ay raaceen.
Mustaf Hooyadii kama dhaadhicin codsiga wiilkeeda, waxaase ka yaabiyey markii ay aragtay Hooyooyin dhoobnaa sandaqad yar oo lagu iibiyo agabyo ay kamid yihiin Bastooladaha Kuusha iyo baarudda, kuwaas oo carruurtooda u iibinaya.
Hooyo Canab oo ah Mustaf Hooyadii ayaa wiilkeeda iyo gabadheeda ag fariisay dukaan ay macmiil ka tahay una dhawaa sandaqadii ay habluhu taagnaayeen, dhowr tallaabo ayay horey u soo qaadday, waxay soo gaartay halka ay habluhu taagnaayeen, 2 ka mid ah hablaha oo ay is tiri haddaad isla hadashaan waad is fahmeysaaan ayay ugu baaqday in ay u baahan tahay la hadalkooda, maba ku sii daahine waxay billowday in ay ujeedkeedka uga hadasho, kuna baraarujisay dhibta ay leedahay agabka Baaruudda ah ee ay carruurta u iibinayaan,
Mid ka mid ah hablihii baa aad ula dhacday Hooyo Canab hadalkadeeda, midda kalena waxay hadal ugu soo koobtay;
“Waxaani waa maalin qura carruurta lama cabburiyo” waa maalmahooda iyo hadalo kale oo intuba xoojinayay in Carruurta loo iibiyo waxay doonaan ayaa hadalkii ku biya shubtay. Hooyo Canab oo soo milicsaneysa halkii ay ku ogayd carruurteeda aragtayna in islaantu kaga qancin waysay dhibta ay leedahay Baarudda ayaa ku tiri Islaantii; “Farxadda Carruurtaada ha u bedelin Murugo!”
bb1
Mustaf hooyadii waxay ka qancisay in aan baaruud loo iibin, Mustaf waa baarri barbaarin fiican helaye aqbal iyo guuddoon wacan ugu ajiibay hooyadii.
Waxaa la gaaray Ciiddii, meel walba damaashaad iyo reyn reyn baa ka socota, Farxadda Carruurtu kawa ballaaran tan dadka waaweyn, waxay wadar wadar iyo kali kali u gaafwareegayaan xaafadaha, suuqyada iyo isygoysyada gawaarida dadweynaha.
Axmed oo ah Mustaf saaxiibkiis wuxuu wataa Qori la moodo kii runta ahaa ee AK 47, laba bastooladna waxay uga jiraan Simaha, sidii in la yiri waxaad gali dagaal aan saanad lahayn.
Meel xaafaaddiisa Axmed u jirta seddax looto (dhinac) ayuu isaga oo koox kale oo saaxiibbadii la jaanqadaya ay arkeen koox carruur ah oo iyaguna isbahaystay xambaarsanna Bastoolado kuwa kuusha iyo baruudda, kooxdiiba kooxdii kale ayay indhaha ku kuurtay.
Axmed oo horboodayay kooxdiisa ayaa dhowr xabbo oo kuul iyo baaruud is raacsaday ku riday dhinaca kooxdii carruurta ahayd ee ka soo horjeeday, waxaa goobtii ka billaabtay in midba midka kale ceyrsado, kuna tuuro wixii gacmihiisa ku jiray.
Axmed oo meel ku dhakanaya indhahana ku haya dhaqdhaqaaga carruurta kale ayaa mid aanu fileyn oo carruurtii ka mid ah geesta ka yimid markii uu indhaha dhiniciisa soo aaddiyeyna kaga hormaray mid kuulihii ay is weydaarsanayeen ka mid ahaa sidaasna ku abbaartay ishii midigeed ee Axmed.
Axmed wuxuu si hal haleel ah ugu dhacay dhulka, carruurtii ay kuusha iyo baaruudda ku dagaallamayeen halkii bey orad ka galeyn, kuwii saaxiibbadii ahaana waxay wargelin u aadeen reerkii dhalay Axmed.
Isbitaalkii ugu dhawaa xaafaddooda ayaa la dhigay Axmed, oo maalintaas is lahaa Farxad ku ciid, balse, murugo iyo oohinse ciddii ay ku sagootisay, taasi oo ay ugu wacnaayeen waalidiintiisa u iibiyey agabkii sababtiisa lahaa in dhibtaasi gaarto.
Dhowr beri ka dib markii isbitaalka laga soo saaray Axmed, wuxuu dib ugu laabtay iskuulkiisii oo fasaxii ciidda laga soo laabtay, waxaase uu wax ka arki waayay ishii Baaruuddu ka asiibtay ee midig.
Dadaalkiisii hore ee waxbarasho waxaa ku yimid gaabis, asaaggiisii warbarasho ee uu Mustaf ka mid ahaana horey bey u dhaafeen.
Xaaladda Caafimaad ee Isha Axmed aad ayey ula murgoodeen Waalidka dhalay Axmed, dhaqtarkii ku howllanaa daweyntiisa ayaa u soo bandhigay Qoyska Axmed in Isha la saaro si aysan saameyn ugu yeelan neerfaha taasi oo ugu dambeyntii keentay in laga saaro loona galiyo IL Macmal ah.

Talo:-
Carruurtaada ha ku mathilin Malleeshiyo, Farxaddoodana ha u bedelin Murugo!

Nasra Abid Osman “Nasra Bakaal”
nasrabakaal@gmail.com

SHEEKOOYIN