Gabayga Qaadan waa! Jawaabtii Gabaygii QAWAD, W/T: Layla Ladan Shadoor.

untitledkjnkjkj

Gabaygan Qaadan waa waxaa tirisay Leyla Ladan Shadoor, Waa Gabaygii saddexaad,   wuxuuna Jawaab u yahay Gabaygii QAWAD  Laashin Ibraahim Cusmaan Afrax(Nolosha) Waxaa hore uga Jawaabtay Hodan Sheekh Cumar oo tirisay Gabaygii magaciisu ahaa Quruxso weedhaada, Haddaba labadaba Gabayba waxay dib weydiimo ugu soo celiyeen Laashinkii dooda Furey,   Ka bogasho wacan Gabaygii QAADAN WAA.

 

 

 

 

 

  • Qaafka gabay hadaan qaabiyoo, Aayar kala qaado
  • Ma qodbeynin maansada beryahan, qaas ahaan gabaye
  • Wehsi baa I qaaddo ma qorin, Qabar ogaanteeye
  • Caawana waxa igu qasboo, Lulay quluubteyda
  • Quudkii waxan uga go’ oon, Qaada Kari wayay
  • Inankaan qormeeyee hablaha, Gees walba u qeexay
  • Ee qiilna aan raadsanine, Qodaya ceebaalka
  • Ee qowl fayow iyo an Oraniyo, Hadal qabow toona
  • Qalbigaan ka jaray kii na yiri, Een wax noo qarinin
  • Inankaa qamaamuday intii sharaf, Ku qoolneeday
  • Anna aan qiyaas bal u dhigo, Qeexo dulucdeyda
  • Ku qotomiyo dulucdana halkaan, Qoontu uga taalo
  • Qaladkii raggana sheego iyo, Qodob ma dhaafaana.
  • Wiilyahoow qardoofada dhigee, Belada qiiqaabshay
  • Raggoo idil mawada qaabsamoo Qaar xun baa jira’e
  • Annaguba dhibaatadaan qabnay, Qarinnay guudkeede
  • Yaan leys qadarin maad dhahdeen, Qulubyey xaalkiiye
  • Raggii aan u qiil dayi jirnoo, Qarinnay ceebtooda
  • Dabadii raggaa qaawiyoo, Dadaya qoobkooda
  • Qooleey sideedii raggaa, Qoorta wada xiirtay
  • Qalinkiyo ragga qoorta suray, Qaaligii dahabka
  • Qoorya xero raggaa beelayoo, Qubaya diinteenna
  • Dhaqankii qurxoonaa raggaan, Qonofay sooyaalka
  • Qudba siro raggaa ina bariyo, qaabdarada guurka
  • Kuman qalad ayaa jiro dadyahaw, Aan qalinku koobeyne
  • Maba qeyli jirinoo raggana, Qowl lamaan furine
  • Qabiir Ina ismaanoow maxaad, Nagu qaniineysay?
  • Qaladkaad sameyseen adoo, Qiranin oo sheegin?
  • Maxaad qalanjayaashii u tiri ,Waad qaribanteene
  • Qalqalkana u galisood qalbiga, Qaanso kaga taagtay?

W/T: Layla Ladan Shadoor.

SHEEKOOYIN