XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                     XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 16aad

                                               DAJI IIMAANKAAGA

Sida uu Alle naxariistiisa ugu baahiyay dunida oo dhan ayuu hadana ugu baahiyay, Xanuun oo dhan, Murugo oo dhan, Caajis oo dhan,iyo khatar oo dhan, waxaa lagaa doonayaa in aadan quusan oo ku xirto naftaada iyo rajadaada noloshaba Alleh, aadna noqtid mid Iimaan ahaan dagan, mar walbana wanaag iyo khayr rajeynaya.

Mmusa

                                                   MURUGADA WAA EDBIN

Muruga kuu celisa ama ku xusuusisa Allah waxay mar walba ka khayr badantahay farxadda ku hilmaansiisa nimcada Allah iyo addoonimada aad Alle addoonka u tahay, wax walba oo uu alle kuu doorto waxaad ogaataa in ay yihiin wax khayr leh, haddii wax ku murjiya ay kula kulmaan waa kuu edbin iyo digid lagaaga digayo in aad ku dhacdo dariiqa sheydaanka, haddii nimco lagugu mannaystana waxaad ogaataa in ay kuu tahay imtixaan ama tijaabo lagu tijaabinay inta aad tahay mid shukri badan, ama aad ku noqotid nimcadaas mid kibir badan oo xad gudbkiisu badan yahay.

Mmusa

  HADALKA WANAAGSAN WAA SADAQO

Ku dhawaaq inta awooddaada ah oo ha ka xishoon kalimadaha wanaagsan ee afkaaga iyo qalbigaaga ay soo tufayaan, iskaga dhawaaq wax walba oo wanaagsan oo hadal ah, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in ay tahay daawada qof wax badan sugayay hadalka nuucaas oo kale.

Hadalka wanaagsan waa sadaqo, sidaa darteed waxba hala xishoon ama ha yasin ee ku dhawaaq waa khayree.

Mmusa

                                                  QURUXDA WAJIGA

Wajiyada qaarkood waa kuwa aysan is baddalin quruxdooda xitaa xilliga adag marka ay marayaan, ha noqoto marka la ceebeeyo, ha noqoto marka la dulleeyo, ha noqoto marka la murjiyo.

Halka wajiyada qaarkood uu shaki daboolo xitaa ayaga oo dhoola caddeynaya, Quruxda Wajiga waa mid kasoo burqata qalbiga qofka, sida uu mar walba yahay qalbigaada ayuuna noqonayaa wajigaada, kuma xirna quruxda wajiga inta jeer ee la nadiifiyo ama la turukeeyo.

Mmusa

                                                QOFNA HA XAQIRIN

Ha ku xaqirin qofna dambi uu galay xitaa haddii aad aragto isaga oo Alle ku caasinaya ama galay dambi ka mid ah dambiyada waaween, waad u naseexeen kartaa balse ma xaqiri kartid, maxaa yeelay ma ogid adiga iyo isaga maalinta qiyaamaha qofka u dhawaanaya Allah.

Mmusa

                                            NOLOSHA IYO DADKA

Nolosha lagama yaabo in ay ku siiso wax walba oo jeceshahay, balse qofka aad jeceshahay ama ku jecel waa laga yaabaa in uu ku siiyo wax nolosha ay ku siin weysay, maxaa yeelay iyaga ayaaba nolosheena oo dhan ah.

Mmusa

                                                     QIIMAHA NAFTAADA

Haddaad rabtid in aad ogaatid qiimaha naxariiseed ee qalbigaada, bal eeg sida uu uga damqado dhibaatada dadka kale, jawaabta dhankaas kaaga soo baxdana waxaad ku ogaan kartaa heerka aad ka taagantahay bulshadaada iyo qiimaha naftaada.

Mmusa

                                            HADDII AAD RABTID FARXAD

Haddii aad rabtid in aad ku noolaato nolol farxad leh ku xir naftaada ama yeelo hadaf aad tiigsato, ma ahan in aad isku xirtaa dadka iyo waxyaaba kale , maxaa yeelay waxaa badan qalbi jabka ka yimaada labadaas, inta badan oo aad yareysaa isku xirka labadaasna waa inta badan ay sii kororto farxaddaada.

Mmusa

                                       AAMUSNAANTA WAA HUB QARSOON

Wey u malayn karaan qaarkeen in cafiska ama Saamaxadda ay tahay qayb ka mid daciifnimada qofka, sidaas si la mid ah waa loo fasiran karaa qofka aamusan in uu yahay qof dhooahan ama garashada ay ku yartahay, balse waxaa jirto laba shey oo aysan dadka inta badan ku fakarin kuwaas oo kala ah saamaxaadda iyo aamusnaanta.
Macna ahaan dadku ma dareensana qiimaha ay leeyihiin labadan ficil ama dhaqan oo uu qofku qaato, hadaba bal aniga oo soo koobaya aan macna kooban ka baxsho mid walba, waxaana u dhigi lahaa sidatan.
1 Saamaxaaddu awoodda ay leedahay waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay quwad ama awood ka xoog badan Aargudashada, hadaba haddii aad ku fakari lahayd ama ku fakarto in aad aargudato waxaad ogaataa in saamaxaaddu ka xoog badantahay in aad aar gudato.
2 Aamusnaanta iyana waxaan ku macnayn lahaa mid ka xoog badan hadalka, qofka marka uu aamusanyahay macna ahaan lama garan karo waxa uu yahay ama damacsanyahay, balse tusaalooyin waa laga bixin karaa, dhabta ayaasa ah in qofka aamusnaanta badan uu yahay qof ka difaac wacan kan hadalka badan, maxaa yeelay hadalada qaar waxaa ku jira kuwa ku xira, balse haddii aadba aamusnatahay maxaa ku xiri kara ama lagaa fahmi karaa? ugu dambayn waxaan dhihi lahaa aamusnaanta waa awood aan muuqan, kana taya wanaagsan awoodaha la muujiyo.
Mmusa

SALAADDA HAKA TAGIN

Maalinta aad ka tagto Salaadda waxaad ogaataa in ay adna kaa tagtay Farxadda, Raaxada, daganaanta qalbiga ama qanacaada qalbiga,iyo barakada wax walba, ayna kuu bilaaban doonto wax walba oo xun ama murugo ah.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN