Gabayga tahriib iyo tala Xumo W/T: Laashin Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

img_1942 Gabayga tahriib iyo tala Xumo  Gabaygan waxaa tiriyey Laashin: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal” Waa gabay uu uga warramo dhacdooyinka joogtada ah ee ay la kulmaan bulshada Soomaaliyeed,  sidoo kale waa Gabay  baraarujin iyo hogga tusaaleyn ah, wuxuu ku boorrinayaa bulshada inay dalkooda iimaansadaan oo ay dalaggiisa beertaan isagana wax ka qabsadaan. Waxtarka ugu weyn ee  suugaantu leedahay waa  marka loo adeegsado dhinaca horumarinta bulshada iyo horseedka wanaagsan haddaba  gabaygii “Tahriib iyo Talaxumo” ka bogasho wacan.

 

1. Ta’dii gabayga waa taanan tirin Toban gu’ oo tegaye
2. Tebintiisi waa taan ka tegay taniya waagiiye
3.Tuducdiisa waa taanan gelin hoga tusaaleeyne
4. Tubahiisa waa taanan furin Ta’ iyo wowgeere
5. Tabashana warkeed daa dad waa tala is weeydiine
6. Tahriibiyo waxaan jirey inta, Tacab qasaareede
7. Tamashle muu ahayn xaalkuyoo, Toobiyaan maraye
8. Tijaarana ma wadin jeeblanimo, Lagu tanaadaaye
9. Ta’kiid aan ku siiyee dadyahoow qaado taladeeyda!

10. Nin tashaday Haddii loo tagee tarran la waydiisto
11.Tummin maw kusiiyaya minoow taako bixiyaaba
12. Tuugsiyaad ku nooshay ogoow Wuuna kuu taline
13. Tii Allana ma dheeroo Waqtigu Waa tartamayaaye
14. Tab kaloo faashaa kaaga wacan yurub tahriibkeeda.

15. Tookadi wareegtaba marbeey kugu timaadaaye
16. Turaabtii Carfeeysaya Dhulkii aan ku tabaraabay
17. Tala waalid anigaa ka tegay hadalkii toosnaaye
18. Tala xumada yurub loo tegaa tacaddiyaa yaale
19.Tubta Caddale taallada Hobyood Taniya Boosaaso
20. Taleex iyo Sanaag iyo Dhulkaan geela lagu teedo
21. Togdheer iyo Berbera ilaa taniya Boohoodle
22. Tayeegloowya Beledweyn ilaa taniya Buur dhuubo
23. Baydhabo u taban taabsadoo Gedo u taageerta
24. Taagaggaan Kismaanyiyo dhulkaan Webigu tooxtooxmo
25. Tacbashada Dhulkeeynaa ka Wacan yurub tahriibkeeda.

26. Toowfiiqda oo kaa tagteey tala ku seegtaaye
27. Tafaraaruq Kheyr maleh dadkuna ways tix galiyaaye
28. Todobbo iyo toban malyuun tiro dadaan gaarin,
29. Kala taagan oo tuhun dhexyaal, tabarna loo waayay
30. Tira qayb haddii laga dhigee, Sulus dhan loo tiirsho
31. Laba tudul ineey soo tagaan tacaddi sow maaha?
32. Tahriib dheer ineey soo maraan tacaddi sow maaha?
33. Toowxiidka ineey qaar tufaan tacaddi sow maaha?
34. Shaloon taag lahaa talo mahayn tacaddi sow maaha?
35. Maantoon tala helayaana tasoow, tacaddi sow maaha?
36. Tikree kuugu tali tuullada tacaddi sow maaha?
37. Toolmoonti qarankaan dhibsaday tacaddi sow maaha?
38. Inta taashka madaxweyne xirran tacaddi sow maaha?
39. Tobaneey kor sii dhaafayaan calallo tuuleede
40. Turraab kuma heshiiyaan haddaan gaal u talineeyne
41. Toban maamul gobaleed miyeey tabar i gaarsiisay?
42. Turki iyo waxeey soo jiraan Tuunis iyo Jaade
43. Teroristi laga tegeey facood uga tilmaameene
44. Tolkeeygoow haddii aad dal kale nabad ku taameeysay
45. Tacbashada Dhulkeeynaa ka wacan yurub tahriibkeeda!”

 

 

  W/T: Laashin Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN