Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q1AAD W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q1AAD

Hordhac

Suugaanta Soomaaliyeed waa mid ka mid ah waxyaabaha saldhiga u ah dhaqanka, bulshada soomaaliyeedna waa kuwo ku tilmaaman murti iyo suugaan qotodheer oo hadalka lagu iidaamo, Suugaantu waa kala gedisantahay, waxayna leedahay abtirsiinyo kala duwan.Suugaanta waxaa isugu yimaad oo wadaaga si guud waa   Murtida, Maahmaahda, Hal xiraalaha, Carab jalqinta, Googaalaha iyo Maansada kala duwan.Maanso waa suugaan kasta oo leh habraac iyo Halraac( Khaafiyad iyo Xarafraac) waxay ka bilaabataa kuna jaan go’antahay xarfo isku xiran oo leh halbeegyo iyo cabbiro kala duwan waxaana Abtiriska Maansada isku raaca: Gabay, Guuroow, Geeraar, Shirib, Saar, Jiifto(Hees) Masafo iyo Buraanbur. Sidaan soo tilmaamay Shiribku waa god ka mid ah ama laan ka mid ah Maansada, waana tix leh halbeeg iyo cabbir u gooni ah.Ugu horreyn dhammaantood waxay ka soo tafiirmeen kana soo farcameen HADAL, Hadalkii ayaa loo kala saaraa, HAL ABUUR IYO HAWRAAR, AMA TIX IYO TIRAAB.

Hal abuurku iyo Tixda:

Waa wax kasta oo la curiyo kuna jaan go’an halbeeg laysla yaqaan oo ka mid ah qaybaha Suugaanta, Hal abuurku wuxuu noqon karaa mid leh Halraac iyo mid sida murtida leh habdhac isku qotoma, Halka Tixdu ay lagama maarmaan u tahay inay yeelato Habraaca iyo Halraaca labadaba

Hawraar iyo Tiraab

Hawraar ama Tiraab: Tiraab waa qeyb hadalka ka mid ah ee aan lahayn halraac iyo habraac u gooniya ee isku taxan sida aad doontana aad ugu dhawaaqi karto, eraygaad doontana ka bilaabi karto, waana hadalka aan had iyo jeeraale adeegsado, dhihid iyo dhigidba.

 Shiribka iyo Xeerkiisa.

Shiribku god ka mid ah Suugaanta Soomaalida, Aadna u kooban. Sidaan hore u sheegnay wuxuu leeyahay, Habdhac, Habraac iyo Halraac intaba, Shiribku waa ka koobanyahay suugaanta kale waxyaabaha uu kaga duwanyahayna waxaa ka mid ah in laba lugood oo ka mid ah keligood meel istaagi karaan, halka aysan suuragal ahayn suugaanta kale.Tus:
  • Ninkii barbaarshay bahalnool
  • Ka baxsay ama boqno gooy
Intaan waxaa laysku yiraahdaa Lug shiriba, haddana waxay u sii kala baxdaa lug hore iyo lug dambe, waxaa lagama maarmaan ah, sida xeerka gabayga ay wadaagaan Shiribka, Halraaca ama erayraaca oo lug walba laba jeer laga rabo, ugu yaraana saddex jeer inuusoo galo labada lugood ee shiribka tan hore iyo tan dambe. Halbeegan hadduusan lahayn shiribku waxaa la dhihi karaa waa jabanyahay ama waa deelqaaf.

Habdhaca shiribka

 Shirib Hal-leey ah

Shirib, Halleey ah(Lug keliya) inta badanna Shiribku ku baxyo waa laba “Tuduc” ama laba “Lug” laakin Aad dhumuc weyn dhadhan macaanna leh iyo dhihitaan meel dheer, meel fog, ka dhacayaa miisaan ahaan, iyo macna ahaanba. Tusaale Ahaan,Shirib waxaa jira Laashin Cabdinuur Xasan Cali (Waddani) leeyahay oo dhahaya,
  • Facaa ku dhaaf nin wow farriin
  • Faduulnna nin kaloow fahmaa!
 Ujeedka iyo dulucda Shirbkaan isla markiiba waa kala dhex baxaysaa tix kooban oo aan waxba reebin kuna habboon halqabsi iyo mahmaahba, waa murti wax weyn koobtay. Waxaa jira Shiribka halleeyda ah (Lug keliya)oo aan ku iri:
  • Dhiigo baxo dadoow dhintee
  • Dhaqanka hiddihiisa dhowr!
Halkaas waxaad ka fahmee isla markiiba waxa laga hadlayaa ineey yihiin hannaan meel fog dhacaya iyo Suugaan wax badan koobeysa, waa curis yar laakin cilmi weyn cabbireeysa!

Shirib Labaaley ah.

Shirib waxaa jira lammaaleey(Labaaley) ah Laakin aan aad loo adeegsan Laashimiintuna badanaa aaney curin, Shiribkaan lamaaleyda la yiraa Seddex qeyb Ayoow usii kala baxaa; 1.Waa mid inta badan laashimiintu adeegsadaan, Waana Shirib markaad Goobta gasho(Gole ka fuulka) ee shirib la baxdo, isla adoon wali goobta ka bixin kugu soo dhacaya kuna jaan go,an Shiribki aad hore u bixisay: Tusaale ahaan waa sidaan;  
  • Dalkeeynaa loo danleeyehee
  • Digniinya hadal deeqa Sheeg?
  • Ama dantaada soo duwee
  • Dagaal usoo diyaar garoow!
Macnaha waa laba Shirib oo isku xiga Laakin hal Shirib ku xisaabsan, Laashinku markoow goobta soo galo “Lugta hore” ayoow Bixinayaa Markaas asoo wali goobta ku jira haddii Shirib kale ku soo dhaco Waa la bixi karyaa, waase inoow kaaliye u yahay ama xoojiye “Lugtii” hore ee ow la baxyay. Haddii kale lama aqbalayo inaad laba mar Shirib isku Bixiso kala jaad ah illeyn goobta kaligaa ma joogtid waana lagula jooga, deelqaafka iyo ilduufkuna waaba fursada laysku gaadayo. Sidaa darteed waa laba Lug oo is reed taal, Laakin is kaabaya is xoojinaya is tilmaamaya:   2.Qaybta labaad iyaduna waa hab laba dhac ah laakin ka Xisaaban Laba “Lug” oo min Labo ah( Yacni isku Cadfan 2×2) waana Sidaan:
  • Dunidu laba waa dagtaa
  • Labana iyagaa dagaan
  • Dunidu dad is diidanoo
  • Dantoodi seegay waa dagtaa
  • Diin EEBBE qoom daliishadee
  • Isu damqaana waa daga
  • Dad nool qofki inoow dillaa
  • Loosoo diraana waa dagtaa
  • Dowluu adeegta danta guud
  • Dadkiisku raaca waa dagaan.
“AFMEER”
  • Haddii nin walba meel degee
  • Lees duuxo ninna hoog ma deyn” 
  Xasan Kaamil (Shirib-maal) W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

         

Top