SAAXIIBKAAN EERSADEY Q9AAD W/Q: Cusmaan Qanyare

SAAXIIBKAAN EERSADEY Q9AAD

Looyaan ayaa yiri: “Markay billowdey inay ku caydo oo ku aflagaadeyso ayaa telefoonka ku damiyey, telefoonkeediina waaba tirtirey” Isagoo difaac ka sii gelaya in la weydiiyo arrimahaas oo la yiraahdo keen telefoonkeeda. Luul ayaa iyadoo xanaaqsan albaabka ka boodey oo isla hadleysa, Looyaana isagoo wadnaha farta ku haya, inay ku soo noqon doonto iyo in kale ayuu niyada iska weydiinaya ayay albaabka ka baxday iyadoon xitaa macasalaama dhihin.

Ladan waxaa u suurta galay inay Liibaan u hesho Qareen aad looga wada yaqaanay deegaanka oo magaciisa la yiraahdo John Wilson kaasoo takhasuskiisu ahaa sharuucda dambiyada ‘’Criminal law’’ Waxa uuna ballanqaadey qareenku inuu la dadaali doono isla markaasna uu raadin doono macluumaad kasta oo ka saacidaya in danbiga laga cafiyo ama ugu yaraan ciqaabtiisa loo fududeeyo. Mr John Wilson wuxuu ku soo booqday Liibaan xabsiga,wuxuuna ka soo diyaariyay warbixin (Statement) ku aadan sida ay wax u dhaceen iyo sababaha keenay.

Looyaan waxaa aroornimadii loo kaxeeyay dhanka saalada qaliinka si loo haggaajiyo loona kabo lafihii ka jajabay,waxaa Looyaan laga saxiixay waraaqihii ogolaanshaha cirbada suuxiska iyo qaliinka waxaana durbadiiba u yimid dhaqaatiir xiran dhar midabkoodu cagaar iyo buluug isugu jiro,oo ay qaarna qaabilsan yihiin suuxintiisa halka qaarka kalena yihiin dhaqaatiirtii qaliinka ku sameyn laheyd iyo kuwii kabi lahaa.

Qaliin iyo kabniin socday mudda saddex saacadood ku dhawaad ah waxaa qolkiisii la keenay Looyaan oo aad moodid inuusan weli si fiican uga soo baraarugin suuxdintii lagu sameeyay. Iyadoo sariir ay riixayaan kalkaaliyeyaashii caafimaadka lagu wado ayaana qolkiisii la keenay. Looyaan mar alaale iyo markii uu si buuxda huradadii suuxdinta uga soo baraarugay wuxuu indhaha ku dhuftay Ladan oo kursi qolkiisa dhexyaala ku fadhida oo sugeysay inta uu ka soo naaxaayo. Ujeeddada rasmiga ah ee Ladan ma aheyn inay soo booqato Looyaan si ay u ogaato marxaladiisa caafimaad, balse, waxay ahayd oo kaliya inay kala hadasho inuu Looyaan ka noqdo ama uu wax ka beddalo dacwada lagu qaadi doono Liibaan oo isla toddobaadka gudihiisa lagu balansanaa inay bilaabato. si ay ugu yaraan wax uga badasho xaaladda Liibaan uguna badbaado xabsi dheer oo lagu xukumo. Ladan ma eysan dooneyn inuu Looyaan dareemo inay arrintaas ugu timi, waxayna iska dhigeysay inay walaalnimo iyo soomaalinimo daraadeed u soo booqatay umana eeysan furin wax hadal ah ku saabsan Liibaan waqtigaas. In muddo ah markii ay la joogtay cisbitaalka, ayay macsalaameysay, waxayna u sheegtay inay mar kale soo booqan doonto.

Ladan markii ka baxday qolkii oo ay sii hor mareyso xafiiskii kalkaaliyeyaasha ayaa waxaa u yeeray inan madax u ahayd koox kalkaalisooyin ah oo shaqada ku qornaa maalintaas kana mid ahaa kuwii ku qornaa inay daryeelaan bukaan Looyaan waxayna weydiisay su’aalo ka yaabiyay Ladan waxaana dhex maray Ladan iyo madaxii kalkaalisooyinka hadalkan:

Kalkaalisadii: Maku weydiin karaa magacaaga adigoo iga raali ah?

Ladan: Waxaa la i yiraahdaa Ladan

Kalkaalisadii: Ladan waxaan rabnaa inaan wax ka ogaano bukaanka qaraabadiisa iyo ciddaan kala hadli karno arrimihiisa

Ladan: Ma wax dhibaato ah ayaa jira?

Kalkaalisadii: Xoogaa jahwareer ah ayaa jira kaa soo ku aadan cidda Looyaan dad u xigta ee aan la xiriiri karno hadii arimo deg-deg ah dhacaan, wuxuu mar na siiyay magaca iyo taleefanka qof dumar ah oo uu noogu sheegay inay xaaskiisa tahay, balse iyaduna markii ay nasoo wacday tiri ‘’ Xaaskiisa maahi ee qaraabadiisa ayaan ahay, waana u timaadaa maalin kasta.

Ladan: (oo dooneysa inay wax sii ogaato) magaceed naagtaas ?

Kalkaalisadii: Luul Jama

Ladan: Naagtaaas waa naagta ka danbeysay in ninkan dhaawacu soo gaaro, waana naagta isku dirtay ninkan bukaanka ah iyo kii dhibbaatada u geystay oo isaguna xabsi ku jira!

Kalkaalisadii (oo naxsan) fadlan ma ii sii faahfaahin kartaa si aan u ogaano marxaladaha ku hareereysan bukaanka ee caafimaadkiisa saameynta ku yeelan kara.?

Ladan: (oo fursad ay ku hadasho heshay) Luul waxaa qabay ninka Looyaan dhaawaciisa sababta u ahaa wuuna xiran yahay oo maxkamaddiisa waxay dhaceysaa sitimaankan,Looyaana ninkaasuu saaxiibkiisa koowaad ahaa,

Kalkaalisadii: (oo yaaban) haye!

Ladan: Luul xirriir hoose oo qayaano ku dhisan (affair) bey la sameeysatay Looyaan, sidaas ayaya u wada qayaami jireen ninka xiran.

Kalkaalisadii: (oo dhakafaarsan) war bal ileyn tanoo kale haye!

Ladan: Liibaan wuxuu ogaadey arrintii waxayna ku abuurtay degenaasho la’aan xagga maskaxda ah in saaxiibkiisii koowaad ee uu aaminay iyo xaaskiisii uu jeclaaa carruurtana isku lahaayeen si wada jir ah u qiyaamaan!

Kalkaalisadii: War bal amuurahaan eega!.. haye

Ladan: Markii uu Liibaan arrinkii ka xumaadeyna ee uu buuq sameeyayna ,Luul askartii bey ugu yeertay sidaasaa Liibaana looga mamnuucay inuu guriga Luul iyo carruurtiisii ku noolaayeen uu tago. Dhibaaatooyinkii dhaawacyadaas soo gaaray Liibaan saameyntii ay ku yeesheen ayaa keenay inuu middi ku eryado Looyaan , mana uusan dooneyn inuu ku dhufto ee wuxuu is lahaa ka cabsii oo kaliya , intuusan soo gaarina Looyan ayaa is buurtay oo kuraas ka dul dhacay iyo jaranjarooyin meesha ka dhawaa.

Kalkaalisadii: Si fiican ayuu hada macnaha ii dhacay waadna ku mahadsan tahay macluumaadka aad I siisay, adiga iyo isagana maxaad isku tihiin?

Ladan: saaxiibo ayaanu wada aheyn

Kalkaalisadii: Ku mahadsanid warbixinta aad na siisay.

Ladan: hal asxaan maku weydiisan karaa?

Kalkaalisadii : Haa

Ladan: intaas ma caddeyn kartaa hadii loo baahdo ,in Looyaan isbitaalka u sheegay in gabadha Luul Jaamac la yiraahdo tahay xaaskiisa?

Kalkaalisadii : Haa mar kasta oo loo baahdo waan sheegayaa haddii arrinka maxkamadu iga codsato.

Ladan oo albaabka ka soo baxaysa ayaa waxaa dhinaca kale ka halacsatey Luul oo iyaduna soo gelaysa, balse Ladan iyadu uma jeedin oo waxay ku mashquulsanayd boorsadeeda oo ay ka baareysay telefoonkeeda si ay u wacdo Qareenkii ulana socodsiiyo warbixinta cusub ee ay soo heshay iney caawineyso.

Luul gudaha ayay gashay, waxayna u tagtay Looyaan oo cabitaano iyo bac lagu soo adeegey meesha u taalo, wey dareentay in la soo booqday. Is wareysi iyo xaalad warran kaddib, Luul ayaa weydiisay:

“ Gabar Soomaali ah ayaa ka baxaysay isbitaalka oo shaati cad iyo sidata goona madoow, waxay ahayd gabar dheer oo cad qurux badanna” Markay luul intaas tiri ayuu Looyaan la soo booday:

“Waa tii xumeyd ee Ladan markaan soo naaxay ayaan arkey, ma ogi waxay waday mindhaa sun bay ii keentee waxaas meesha yaalna qashinka ku rid”

Luul oo ka qoomameysay ammaantii ay ku rartay ayaa tiri: “ Belaayada Lugaha dheer ee aad geriga moodo qaabdarrada badan, waxaan is lahaa malaha waa qaraabadiisee qurux iyo taasi kala dheer, oo maxay kaa soo doontey”

Luul hoostey iska leedahay ileeyn ninku waxbuu helay markuu kula guursaday, aragtay oo ogaatay in laga qurux badan yahay, balse, waxaanay ogeyn in laga dadnimo wanaagsan yahay iyo in laga marweysan yahay, in laga aqoon badan yahay?? Su’aalahan ayay is weydiineysaa.

Looyaan bay ku soo jeesatay markaasay tiri: “ Looyaanow laba wajiile ayaad tahay, maalin hore way isoo wacday ayaa tiri, haddana waa ku soo booqatey maalin walbana waa kuu timaadaa ee ileeyn daalin daneyste ah ayaad tahay, waxaan ku moodayay nin ila jira ee ninku naagta ma adiguu kaa qaaday oo kaala wareegay markaasaad adiguna filinkiisa qarxisay? Maxaa adiga iyo naagtan idinka dhexeeya, qofna isagama yimaado qof eeysan xiriir iyo wadahadal kala dhaxeynine?”

Looyaan ayaa weydiimo sida gantaalaha ah isaga daba yimaadeen, mana hayo warcelintooda saxda ah wuxuu ku marmarsiiyooday dhaar iyo been isagoo aad moodo ilma yar oo aabbihiis qalad ku qabtay ilmo beerlaxawsi ahna iska keenaya.

Luul waxay tiri: “Haddaan wacayaa Kalkaalisada waxaanan u sheegayaa ineysan mar dambe iman Karin, naagtaasna ay naftaada halis ku tahay.”

Looyaan oo cabsaday ayaa yiri: “Maya iska daa anigaa la hadlaaya ee adigu waxba hala hadlin, anigaana u sheegaaya ineysan mar dambe ii imaanin agteydana soo marin”.

Luul waa isku dhexyaacday, mar labaad ayay irida ka booday, waxaaney kulmeen gabartii Kalkaalisada ahayd ee ay hore Ladan u kulmeen, markaasay u sheegtay in loo baahan yahay qof lagala xiriiro arrinka ninkaan jiran, haddii wax ku soo kordhaan ama wax is beddelaan.

Luul ayaa tiri: “Anigu qaraabo iyo ehel ayaan nahay waana ila soo xiriiri kartaan”

Kalkaalisadii: Wuxuu hore noogu sheegay inaad tahay xaaskiisa, adiguna waxaad noo sheegtay inaadan ahayn xaaskiisa, waxaa sidaas oo kale booliisku noo sheegay in dhibka ninka geeystay yahay ninkaaga, marka ninkaaga ma ogyahay inaad u timaado bukaankan?. Kalkaalisada ujeedkeedu waa inay xaqiijiso sheekadii ay u sheegtay Ladan.

Luul ayaa la soo booday ninkaas inuu iyada lafteeda halis geliyey, ninkana ay saaxiib ahaan jireen, ninkaasina xaalkiisu waali yahay, maadaama ninkan ay qaraabo yihiina ay sidaas u kaalmeyso una xiriiriso, haddana ay raadin doonto dad kale oo uga dhaw, iyadoo sii calaacaleysa si ay boor isugu qariso ayay tiri:“Waddankan umaanan dhalan dadkayagu ma wada joogo, mararka qaar waxaa dhacda inuu yimaado qof an lahayn saaxiib maahane ehel kale? Waayo waa arrinta hadda haysata Looyaan aniguna waxaan ahay intaan ogahay qofka ugu dhaw”.

Kalkaalisadii waxaa usoo baxday in Luul ay ninkeeda ka soo horjeedo lana safantahay ninka kale, taasoo hubaal uga dhigtey inay naagtaani tahay tan dadka madaxa isu gelisay. Ninkaasina yahay Liibaan ninka la khiyaamey ee loo heshiiyey, waxay ku tiri: “Mahadsanid sida wanaagsan ee aad warbixinta ii siisay waana kula soo xiriireynaa wixii aanu kaaga baahano.”

Luul oo is celin weyday ayaa la soo booday: “ Naagta maanta u timid waa halis, wax walbana waa laga filan karaa, yeysan mar dambe soo booqan, waayo waxay xiriir la leedahay ninka ninkan dhibaatada u geeystey”

Kalkaalisadii oo iney dhaqaaqdo rabta ayaa soo jeesatay si wanaagsan oo qumaati ahna isu taagtay ayay tiri: “ Sidee ayay xiriir u leeyihiin maxaase ka dhaxeeya? Arrintan ka warran haddaan booliiska u gudbino ama bukaanka weydiino?”

Luul ayaa isku dhex yaacday oo aragtay iney bad gashay markaasey tiri: “Maya iska daa booliiska hala xiriirin, bukaankana ha weydiin aniga ayaa wacaya oo u sheegaya.”

Kalkaalisadii halkaas waxaa uga soo baxay in Ladan tahay qofka runta sheegaya, labadaanina yihiin, laba dhagar qabe oo miskiin u heshiiyey, waxay si dhab ah u go’aansatay inay arrinkii Ladan ka codsatey samayso gudatana xil ibnu aadanimo, una sheegto waxay la kulantey Maxkamada goor kasta oo loo baahdo.

Ladan waxay u gudbisay qareenkii arrinkii Isbitaalka, aad ayuuna usoo dhaweeyey isaga oo weliba ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay hawshaas ugu kuurgashay, wuxuu yiri, ,maseyr (hinaase) ayaan arrinta ka dhigeynaa, waana qaabka ugu fudud ee xukunkiisa lagu fududeyn karo, waayo waxaa loo haystaa Liibaan, qaadasho hub sharci darro ah, isku day dil, iyo argagixin bulsho, maadaama meel meherad ah uu wax ku weeraray, arrintaas oo xukunkiisa adkayn karta, hadda waddo wanaagsan ayaa noo baxday, Maxkamadda ayaan u gudbinayaa arrinkan isla hadda, haddii gabadhaasi maraga fureyso.

 

La soco qeybaha danbe

W/Q: Cusmaan Qanyare

SHEEKOOYIN