Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q17AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

Sheeko taxan: Quraafaadka Faaliyaha Q17AAD 

Cali iyo Maryan kalgacaylki ay isu hayeen in uu sii kordha maahine marnana hoos uma dhicin mana yaraan,waxaana gurrigoodi maalmahi u horeeyay ka muuqanayay sidi ay muddadi ay isjeclaayeen,shukaansigana ku jireen aqal-galkoodi ka hor ku ahaayeen niyadooda oo ahayd in uu gurrigooda noqdo mid ay ka tusaala qaataan jiilkooda wanaagga yaal iyo sida quraxda badan oo ay isula dhaqmayaan.Cali nin aad u shaqo badan ayuu ahaa ,haddana mar walba wuxuu ku dadaali jiray in aynan Maryan guriga ku cidloon, waqtiga uunan shaqada jirinna in uu la joogo iyada.

Cali hooyadiina aad bay u jeclayd Maryan ,waxayna ka heshay dabeecadda wanaagsan ee ay dadka kula joogto ilaaheyna ku deeqay.waxaa kale oo ay wiilkeeda ku ammaani jirtay marki ay la sheekaysanayso asxaabta da’deeda ah in uu soo guursaday xuural-caynti lagu sheegay jannada gudaheeda in ay joogaan mid ka mid ah.Cali mudda bil ah marki ay ka soo wareegtay aqal-galkiisa wuxuu mar kale baskiisa oo maran isagga oo wado magaalada Xamar gudaheeda kula dhacay bas kale oo sido rakaab aan tiridiisa badnayn,wuxuuna isaga dhacdadaas kaga jabay bowdada,waxaa kale oo jirkiisa gaaray dhaawacyo yar-yar, baski kalana waxaa wax ku noqday saddex ruux oo ka mid ahaa rakaabki saarnaa oo aan iyagga dhaawac weyn ka soo gaarin dhibkaas nasiib wanaag.

Cali waxaa la dhigay isbitaalka Digfeer,dhacdadan la soo gudboonaatey Cali ee shilka ah, Maryan iyo ehelkiisana aad bay uga nixisay. Cali iyada oo uunan waqti badan ka soo wareegin aqal-galkiisi, Maryan iyadda waxaad mooday naxdinta ay ka naxday dhaawacaa soo gaaray ninkeeda in ay ka fara-badnayd xitaa naxdinta ay ka naxday hooyadiis oo uu Madi ku ahaa.Maryan waxay maalin walba ugu tegi jirtay isbitaalka iyada oo mar walba horay ugu sii qaadayso raashin ay si khaas ah u sameysay oo ay islahayd wuxuu uga soo kaban karaa dhaawacaa ka gaaray Bowdada, waxaa kale oo cali isbitaalka ugu tegi jiray goor walbo oo booqashada isbitaalka furantahay hooyadiis oo aan lahayn wiil kale madina uu ku ahaa iyo ninki Baska lahaa oo ahaa abtigiis aadna u jeclaa Cali niyaddana iska lahaa mar walba oo uu hortago wejiga Cali “Maxaa helay ,xaggee looga yimid Cali oo ahaa mid ka mid ah shufeeradda lagu tilmaamo kuwa ugu deggan magaalada Muqdisho xagga kaxeynta gawaarida”.

Cali dhowr iyo toban maalmood marki uu isbitaalka ku jiray wuxuu reerka u sheegay in ay ka saaraan isbitaalka ,gurigana ay geeyaan halkaana uu ku baanto inta uu ka bogsanayo,intaa keddibna wixi dawo ah in uu u soo raadsan doono isbitaalka. Cali waa laga saaray isbitaalki isaga oo ay bowdadda jeeso ka saaran tahay halki laga kabay. Mudda bil iyo dhowr maalmood ah marki lagu baaninayay gurriga way isku raysteen lafahi ka jabay bowdadda,waana bogsooday Cali,waxaana dhaqtarki ka furay jeesadi keddib marki uu u sheegay Cali in uu bogsooday,marki laga furayna waxay reerka uu Cali ka dhashay qaleen xoolo rabbi bari ah, waxayna isugu yeereen dhowr wadaad oo Cali ku aqriyeen khidmo quraan si ilaaheey uga koriyo in uu la kulmo shar kale.Cali isagga oo ku jiro maalmahi nasashada , doonayana in uu shaqo bilaabo maalmo keddib ayaa hooyadiis ku tiri maalin ka mid ah maalmahaas uu nasashada ku jiray ,”Maandhow waxaa inoo yeeray abtigaa ,wuxuuna igu yiri adiga iyo wiilka oo kaliya ii imaada berri galab”.

Cali wuu ka aqbalay hooyadiis farriintaa uu u soo faray abtigiis assaga oo u haysto in uu ku dhihi doono “kol haddii aad bogsatay shaqadi waa bilaabi kartaa,gaarigina waa laga sameeyay meelihi uu ka halaabay”. Cali iyo hooyadiis waxa ay tageen guriga abtigiis galabti ay ballanta ahayd,si wanaagsan ayaana loogu soo dhoweeyay ,waxaana loo keenay shaah khaas ah oo iyaga loogu soo tala-galay,waxaana mudda marki ay wada sheekaysanayeen uu abtigiis soo jeediyay arrintan,wuxuuna Cali ku yiri.“Cali,waxaan filayaa in aad ogtahay in aadan waxba iiga duwanayn wiilkaygi ,maantana waxaan rabay in aan kuu soo jeediyo arrin aan ogahay in ay kuugu adagtahay laakin aniga iyo hooyadaa waxaan kaa rabnaa in in aad noo dhega-nuglaato ,fulisana arrintaa aan kuu soo wada jeedinayno, fikradana waxaa iska lahaa hooyo ,anigana waa ku raacay”.

Cali oo aad uga yaaban arrintaa uu abtigiis u sheegay in ay adagtahay fulinteeda ,welina uunan shaaca ka qaadin ayaa yiri:“Abti arrinta maxay tahay intaanan ku dhihin waa fulin karaa ama ma yeeli karo oo way ugu adag-tahay,illayn ma aqaano waxaad soo waddo”.

Abtigiis oo weli gerka u haayo hadalki ayaa yiri:“Wiilkaygi ,maalin dhoweeto marki aad isbitaalka ka soo baxday keddib waxaa halkan iigu yimid hooyo ,waxayna ii sheegtay in ay doonayso in ay kaaga faaliso kuwa wax faaliyo,faalkana si fiican u yaqaan,annigana waa ku raacay fikradaas waayo waxaa aad iiga yaabisay anniga oo og degganaantaada marki aad gaariga wadeyso sidi aad u la kulantey laba shil muddo yar oo isku dhaw, inti aynan laba bilood ka soo wareegin aqal-galkaada.Cali markaan hoos kuugu dhigo xaqiiqadana kuu wada sheego ,markaa keddib waxaan aniga iyo hooyo u wada tagnay faaliyayaal dhowr ah si fiicanna u faalin yaqaanno ee dadka oo dhan yaqaaniin,badanaana waxa ay sheegaan ay rumoobaan,waxayna kulli isku raaceen faalka in uu sheegay.Cali shaqa alla shaqadi uu ka shaqeeyo inta uu qabo gabadhaa hadda aqalkiisa ku jirto in ay yihiin waxa hor-yaalo dhimasho aan meel fog u jirin ,haddii uu ka baxsadana dhimashadaa inta naagtaas xarigeedu ku xiran yahay halis iyo hurgumo huri maayo”

Cali waxaa loo sheegay in digniin in ku filan uu haysto, laba jeerna sigtey oo qilqiil galay, waxaa loo sheegay inay haweenaydani hooddo u lahayn. Waxaa kale oo faaliyuhu sheegay in Cali iyo xaaskiisa si fiican ayey u wada noolaanayaan laakin balse aysan wax ubad ah isu dhalayn oo xidigoodu kala sarreeyo,haddii uu ku dhintana alla ha u naxariisto ubad la’aan ayay kaga dhimanayaa”.Abti Axmed oo hadalkiisii wata ayaa sii raaciyey: “Cali wiilkaygi faaliyayaasha waxay isku raaceen arrintaa ,saas darteed waxaan kuu soo jeedinaynaa aniga iyo hooyadaa in aad gabadhaa dalqadeeda siiso iskana furto, adigana waad garanaysaa guriga ay soo gasho in aynan nabad jirin oo ay wax baas iyo kaymadow tahay,fiiri ehelkay ka dhalatay iyada kaliya ayaa nolol uga soo hartay, kuwi ay nolashooda ku soo biirtayna ,gacantana soo qabtay ,waad ogtahay in uu ka baxay sida la sheegayay wiil aynan jirin wax la siisto wanaagiisa.Cali,macnahayga ma’ahan in Maryan dabeecadeeda xuntahay,waana ogahay in ay ku jeceshahay, adigana aad jeceshahay laakin waxaa oo idil duruufta noo saamixi mayso waayo ma jiro wiil kale oo ay ku tashanayso hooyadaa in uu gacan qabto haddii ay adiga kula tagto masiibada Maryan gadaal ku wadato Caliyoow arrinkan maxaad ka dhihi lahayd? Sideese u aragtaa? Waana talo waalid.”

Cali oo dhidid waaweyn oo fara badan ka yimid inti hadalkaa xanuunka badan loo waday ,wax uu ku hadlana garan la’ muddana la aamusay jawaabta uu ka celin lahaa hadalkaa abtigiis ka soo yeeray hooyadiisna ku raacsan-tahay, oo ay madaxa u jiljileyso sida ay wanaag ugu aragto ,ayaa yiri. “Abti ma rabo in aan hadalka kuugu celsho laakin waxaay igu tahay khasab in aan ku iraa furimaayo Maryan,waayo wejiga wanaagsan oo ay igu soo gashay waan garanayaa, midda kale amarka nolashayda iyo xaaladayda guud ahaan wuxuu ku jiraa gacanta Ilaaheey ee kuma jiro gacanta faaliye ilaaheey ka dheeraaday ,waxaana iska daaya iyo faaliya ayaa yiri ,waa laga roon yahaye”.

Cali Abtigiis oo aad uga careysan diidmada uu Cali ku diiday in uu qaato naagtaada fur ayaa yiri.”Cali adiga uguma horraysid wiil loo soo jeediyay arrintan oo kale ee diido,waxaana maqal igu ahayn arrinta la yiri ka leexo ballaayo ayey dabada ku wadataa in ay ku dhacday kuwaa diiday talooyinka ay u soo jeediyeen ehelkooda. warkaygana maandhow waxaan ku soo koobayaa in aad qaatado taladeena ,yeeshana arrintan aan aniga iyo hooyadaa kuu soo wada jeedinay,waxaadna ogaataa in aanan kuu sheegayn wixi adiga aan dan kuu ahayn”.

 Cali oo mudo ku fakirayay jawaabtiisi hore ayaa ku soo celiyay hadalkiisi hore ,wuxuuna yiri.“Abti taa iyo wixi xun oo dhan ilaaheey ayaan ku daayay in uu iga badbaadiyo, xaaskaygana ku furimaayo faaliya ayaa yiri ee arrin kale ma ii heysaa”.

Marki uu Cali intaa yiri ayaa hooyadii oo ah ruux waayeel ah ku adkaysatay in uu furo Maryan,waxayna tiri:“Wiilkaygi waad ogtahay sida aan kuugu soo dadaalay iyo dhibka ay adduunyada ila gaartay inti gacantaada wax ka qabanayso iyo in aanan wiil kale lahayn,saas-darteed waxaan maanta kuu soo jeedinayaa adigana kuu dan ah ,Maryan fur ,haddii aad diidana warkayga wuxuu ku kooban yahay “go’aa labadiisa baal,midna habaar yahay midna duca yahay, mid qabso”, tan labaad haddii aadan furin Maryan ,anniga waan kaa soo guurayaa maantaba ,hana imaan meel aan joogo adiga oo ay Maryan gurigaaga dhaqeyso”.

   Cali oo uu soo koray culays xooggan oo dhanka hooyadiis kaga yimid ,aad iyo aadna ay ugu adkaatay arrinta halka ay madaxa la gashay ayaa isagga oo doonayo in uu qaboojiyo hadalka,maslaxana hooyadii ,yiri: “Hooyo ha fududeysan arrinta ,mana aha sida aad wax u aragtay. Waxaan ilaaheey ii keenina iima imaan karaan ee ha igu xiran hooyo macaan“Habaar iyo duco mid dooro”.

W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

SHEEKOOYIN