MURUGADU WAA MACALLIN KU DIYAARSHA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                         MURUGADU WAA MACALLIN KU DIYAARSHA.

Dabacan marka aad murugo maqasho eray farxad leh uma fasiran kartid, wax macaana dhadhankeeda uma ekaan karo, raaxana warkeedaba daa, waa ciqaab iyo caqabad aysan naftu jeclayn maqalkeeda iyo muuqeedaba.

Hadana waxaad ogaataa in wax walba uu Alle sameeyay aysan ahaan karin wax xun oo aan u wanaagsanayn nolosheena, Abuuraheena isaga ayaa ina ahaysiiyay inaga oo waxba ahayn, isla isagaas ayaana inooga xog ogaalsan xaqiiqda waxa inoo wanaagsan iyo waxa la doonayo in aan wax ka barano.

Qormada waxaan kugu tusayaa dhinaca aad ka aragto murugada ee xanuunka iyo xaraarkeeda nololeed mid ka duwan oo ka macaan in ay murugadu leedahay, wax walba Alle marka uu abuurayay laba laba ayuu u abuuray, wax walbana dhinac wanaagsan iyo dhinac xunba waa leeyihiin.

Inaga Aadana ahaan murugada dhankeeda wanaagsan ma eegno ee dhankeeda qaraarka ah ayaa mar walba inoo dhadhama, taasise waa dabeecadda Aadanaha oo mar walba oo uu xanuunsado wuxuu hilmaamaa caafimaadkii uu qabay inta uusan xanuunsan, nimco kaste oo naftiisa ay lahaydna ma sheego waxna kama soo qaado, waxa uu la taaho ayaa ah xanuunka makaas ku dhagan.

Balse dadka oo dhan kama wada sinna dareenkaas ayaa la dhihi karaa oo mar walba waxaa jira in yar oo uu Alle u nimceeyay oo fahmi karta isku dheeli tirnaanta xanuunka iyo fayoobidaba, mar walbana dadka waxaa ku yar inta wax garata, sida ku cad nusuusta Quraanka.

Hadaba waxaan qormadan kugu tusayaa dhowr tusaale oo dhanka wanaagsan oo ay murugada leedahay, la yaab waa kugu noqon kartaa marka aad maqasho in aan isku dhex sheegayo wanaaga iyo murugo oo waa laga yaabaa in aad is waydiiso halka ay is ka soo galeen murugo oo xumaan u sawiran iyo wanaaag oo isagana u sawiran si ka duwan sida aan u naqaano Murugada.

Murugada waa mid kuu diyaarisa faraxad oo mar walba oo murugo lala kulmo waxay astaan u tahay imaatinka khayrka ama farxadda, waxay kaloo murugada xaaqdaa oo nadiifisaa goobta aad ku nooshahay oo waa mid macallin u noqota noloshaada dambe waana mid ku edbisa oo ku tusta wax badan oo dhabta ah waana mid kugu dhiiri galisa in aadan galin ama samayn khaldkii ama ficilkii shalay sababay in aad sidaas u tiiraanyooto.

Murugada waa midda gogol xaarka u noqota farxaddaada dambe, oo waa midda ruxda caleemaha digniinta ee ku dhex yaala qalbigaada, kuwaas oo mar walb cabsi ama digniin ay wax ka baqayaan ku jira, murugada waa midda ku baraarujisa qalbigaada wax uusan horey u ogayn, waana midda ku barta in aad taxaddar dheeraad ah samayso, waa midda ku tusta qof aadan xumaantiisa arki jirin, waa midda ku barta qofka shaqsiyaddiisa dhabta ah, waa midda ku dareensiisa in naftaada hor u socod ay samayso loo baahan yahay.

Murugada waxay jiridda u siibtaa xanuunka iyo xumaanta gudaha kaaga aasan, si ay waddo u helaan, laamaha farxadda iyo khibradda ee markaas doonaya in ay soo muuqdaan ama koraan.

Waxaad ogaataa mar walba oo ay qalbigaada murugo ruxdo in booskeeda uu gali doono farxad maxaa yeelay waa diyaariyaha farxadda iyo wanaaga, waxaa kalo garasho mudan in la ogaado in murugado aysan lahayn maqaam joogta ah oo ay timaado mar loo baahan yahay si aad u hesho edeb iyo xasilooni dheeraad ah.

Murugadu waa macallin kuu diyaarsha waxa aad wajihi doonto waqtiga xiga waqtiga aad taagantahay, oo waa mid ka abuuranta qaabka falcelinteena iyo xitaa hadalkeena, wax walba waxay ka samaysmaan hambsami u socodka waqtiga nolosheena.

Murugada waa baraarujiyaha waaxyaha dareenkaaga waa midda huradada ka kicisa qaybaha hurda ee dareemadaada waana midda ku garansiisa in mararka qaar loo baahan yahay in aad wax ka baddasho qaab dhaqankaaga iyo waxa aad aaminsantahay.

Qof aan murugoon ma farxo, sidaas si la mid ah qof farxo isagana wuu murugoodaa, waa laba xaalad oo isku xiran mid walbana waqtigeeda ay timaado, waa xaalado runtii ay nolosheena u baahantahay.

Bal cabir nolosha haddii ay farxad kaliya iska ahaan lahayd oo aysan jiri lahayn caqabo looga gudbo xaaladaha qaar, mala heli lahaa maanta dunidan dhinac walba ka camiran, qof walba oo farxad helaa micnaheeda waa in uu raaxeesanayo, wax walba oo lagu raaxeesnayana waxay asal ka yimaadeen rafaadka qof kale.

In xaaladuhu sidaa isku dhaafaan waa waxay ay u samaysantahay nolosha, qof tiiraanyadiisa waxaa ka abuuranto farxadda qof kale, halka farxadda qof kalana ay ka abuuranto tiiraanayda qof kale.

Waa run in dhamaanteen aan farxad wada doonayno haddii aysan murugo iy caqabado jiri lahayn maba jiri lahayn farxad iyo raaxo, laba walba labada kale ayey dhalaan, sidaa darteed ma jirto murugo lagu waarayo, qof walba waxaa la gudboon in waqtiga adag ee uu marayo uu u arko waqti muhiim u ah noloshiisa oo la doonayo in wax badan oo ka maqnaa uu barto.

Ficilada nafteena ay geysato ayaa loo aanayn karaa xaaladda aan galno, ha ahaato xaalad murugo iyo xaalad farxadeedb, ficil walba wuxuu leeyahay natiijo ka dhalato inta badan oo aad wanaajisaa afcaashaada waa inta badan oo aad ka fogaataa wax walb oo ku murug galin kara, balse mid aan xusuusnaano in aanan u samaysnayn in aan taxaddarno oo bani aadam aan nahay gafkana uu qayb ka yahay abuuristeena.

In aan gafnaa oo ay markaa timaado xaalad aanan la mahdin mincnaheeda maahan in aan mar walba ka taxaddarnaa gafka si aanan ula kulmin xaaladaha khalafsan ee nolosha, gafka iyo khaladaadka nafteena ay samayso ayaa ah mararka qaar wax loo baahan yahay, maxaa yeelay gafka ama khaladka uu qofku sameeyo waxay dhex geeyaan xaalado uusan war u hayn dhadhankoodana uusan waligiis dhadhamin.

Sidaa darteed, qofka marka uu dhadhansho qaraarka ama xaaladda adag ayuu digtoonaada taxaddarkiisuna bataa, qofka marka uu taxaddarkiisu batana waxaa abuurma jawi wanaagsan kaas oo sabab u noqda farxadda qofka.

Hadaba murugada ma ahan in aan ka cararnaa xilliga ay ina soo wajahdo ee waa in aan u wajahnaa si mas’uuliyad ku jirto si aan wax uga barano wax walba oo naga hallaabay si aysan barito inoogu soo laaban.

Ogaalka qofka wax walba oo kiciya waa Macallin, maxaa yeelay, wax walba oo dareenkaaga soo jeediya way ka wanaagsan yihin waxyaabaha raaxada laga raadsho ee lagu nasiyo ama lagu seexiyo dareenka qofka.

Marka uu dareenkaagu kacsan yahay waxay ka dhigantahay in aad taxaddar muujinayso oo wax badan aad ka feejigantahay, balse marka uu dareenkaaga jiifo waxay ka dhigantahay in aad raaxeesanayso wax badan oo jirana aadan war u hayn, marka aad wax badan ogaalkooda ka jiiftidna micnaheeda waa in aad is dhigatay oo khataro badan ay jaanis kaa helayaan in ay kusoo hujuumaan.

Hadaba murugada aan u qaadano in ay tahay mid ka mid ah abuuraha ama hormoodka sababa in aan dib u faraxno ama u raaxeeysano, sidoo kalena aan u garano in ay inoo tahay macallin nagu barbaarinaya in aan wax badna ka ogaano qaabka ay nolosheena u socoto.

W/Q: Mohamed Musa. Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com     

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN