Gabayga: Dirireey adigaa leh! Curiye; Maxamed Cilmi Dhicisow

11

Gabayga: Dirireey adigaa leh!

 

Gabaygan wuxuu tilmaam guud iyo garaadcelin ka bixinayaa ceebaha dirirta iyo dhaxalka dagaalka. Wuxuu si kooban u dulxaarinayaa wixii dadkeenna ku dhacay ee leh; dhimasho, dhaawac, qax, burbur iyo belo aan colaadda ka horrayn. Warka yaanan idinku badine, oo anan gabayga dheeh diline, waa kane, ka bogosho wacan:

 

Gabayga: Dirireey adigaa leh!

 

Murti doorran gabay lagu dindino, Eray daliileeyo
Dibnahayga waataan ka jarey, Inaan dammoodaaye
Waxan daayo waxaan dayriyoo, Doolal ka ahaado
Ma jirkaa damqadey doociyoo, Erayga soo daayey
Nin damiir leh wuu daahiyaa, Xaajadii dadane
Dad-qalkiyo dilaagiyo dangaar, Dooxatada uunka
Ilmo qubatey dhiig daatey oo, Dunida yaacaayo
Danbastiyo dabkaa ololiyoo, Gubayo duulkeenna
Maydka digan Qabriga daahanoo, Lagu daboolaayo
Daaraha burburay dililka dhacay, Danabka yeeraayo
Cuqubada la duugduugayoo, Lagu dekaynaayo
Dad is-diiddan oo kala durkoo, Midiba daan aaday
Dabadhilifka noo duuganoo, Nagu dan-gaaraayo
Daydaygiyo dulmeerkiyo dulliga, Daasadaha joogo
Waa duni dadkeedii la’deen oo, Dabbaal-degiye
Waa duni dagaagoo la diray, Diracyadeediiye
Waa duni dariiq iyo lahayn, Dabin la raacaaye
Waa duni dawgeedii dumoo, Laga dureeraaye
Waa duni la daash-daashayoo, Daahna saarreyne
Dayaciyo dayowgiyo dulmiga, Dayro iyo hoogga
Deddadiyo dikaankiyo dadkaan, Diilalyada saaran
Darib hiliba Daqay iyo dambiil, Dayrka laga daadsho
Dabuub eraya dood dacarisaa, Dawliskiyo heesta
Digdigtiyo dinnaaggiyo wixii, Laga dullaalaayey
Anaa dooran anigaa dawini, Aniga ii daaya
Dambarkeedi maantaan helnoo, Daawo laga waaye
Waa cudur na daashadey haddaan, Laga durraamayne

Ha daryeelin ubadkee dawari, Dirireey adigaa leh
Uur dooxma naafiyo darxumo, Dirireey adigaa leh
Dacwo joogta dembiyaan la qaban, Dirireey adigaa leh
Dad khafiifa maan diirataa, Dirireey adigaa leh
Qori daylan daab iyo mindiyo, Dirireey adigaa leh

Dakanooyin aan laga dallacin, Dirireey adigaa leh
Dab la shido dagaal aan idlaan, Dirireey adigaa leh
Degel qooshan daandaansi guud, Dirireey adigaa leh
Dad dayooba qurbo iyo dallaaf, Dirireey adigaa leh
Deeq baan kuu sidaa iyo dagnaan, Dirireey adigaa leh
Duhurkii dariiqyada ha marin, Dirireey adigaa leh
Dareen iyo digniin culus ku joog, Dirireey adigaa leh
Dabci xumo dajaal iyo mallaal, Dirireey adigaa leh
Dabadhilif walaalkii deldela, Dirireey adigaa leh

Qaxootiga degnaaw dacar ka tuug, Dirireey adigaa leh

Nin dimbiran daduuf lagu degdhawo, Dirireey adigaa leh

Dib-jir iyo daciifnimo diihaal, Dirireey adigaa leh

Danaaniyo darrow iyo dangaar, Dirireey adigaa leh
Dinnaag iyo dareen iyo ku duul, Dirireey adigaa leh
Dowlad diide daa’iro ku joog, Dirireey adigaa leh

Daltabyiyo hawaan sii duxnayn, Dirireey adigaa leh
Dal doorsooma duunyaan la dhaqan, Dirireey adigaa leh

Kun baa dilan kun baa duumataa, Dirireey adigaa leh
Kun dumaalan kuman dooshiyaa, Dirireey adigaa leh
Dorraatiyo shaloon dooh lahayn, Dirireey adigaa leh

Afartaa oraah dayranoo, Darajo waawayn dhe
Daliil culus dayowgii horiyo, Daranyadiisii dheh
Nin damiir leh deelkayga gabay, wuu damqinayaaye
Ha yeeshee, haddaan dabin xiroon, Erayga soo duubo

Ceebteenni baa dibadda taal, Oo la dadi waaye
Daciif iyo duflaal iyo waxaan nahey, Daraawiishe
War bal daya ka gees iyo ka gees, Daqayga Soomaali
Oo bal daya dalxiiskiyo halkay, Dunidu ay gaadhey
Oo bal daya dastuurkiyo sharciga, Duni wadaaggooda
Oo bal daya dawaafkooda iyo, Dabaqaddaan joogno.

Dhammad. 

Maxamed Cilmi Dhicisow

elmi_0@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN