Tuuladii Tisqaadday W/Q: Farxiya Maxamuud Cumar

 

 

Tuuladii Tisqaadday

Waxaan aheyn koox dhallinyaro ah oo saarnaa gaari xamuul ah. Goor barqo ah ayaan ka soo ambabaxnay magaalada Balad Weyne. Safarkeennu wuxu ku wajahnaa dhanka bari. Markii aan mareyno meel u dhow tuulada Garasyaani ayuu gaarigii naga cilladodbay.Halka uu baabuurku nooga damay waxay aheyd meel cidlo oo aysan cidi degganeyn. Welwel iyo walaac baa soo food saaray dadkii socotada ahaa ee aanu gaariga isla saarneyn.Geed ku yaal waddada dhinaceeda galbeed ayaan baalkiisa fariistay. Waxan la sheekeystay nafteyda oo aan weydiiyey su’aalo dhowr ah. Waxa kamid ahaa “nafyahay dunidan maxaad kusoo kordhisay?”. “Maxaase lagugu xusuusan doonaa kolkaad u hoyato hoygii lama huraanka ahaa iyo intaad nooshahayba?”.

Waxan durba helay warcelinno waafaqsan weydiimahaas. Waxan ku fekeray arrin ay adkeyd in la ambaqaado lagana dhabeeyo. Hase ahaatee waxa aan isku qanciyey, wax walba oo maanta jira laguna guuleystay ka miro dhalintooda in ay yihiin riyooyinkii shalay.Waxan garwaaqsaday in wax aanan loo dhibtoon dheeftooda la heleyn abid. Laakiin han kasta oo aad leedahay waxad u baahaneysaa garab-istaag, taageero iyo niyad-dhis aad ka hesho dadka jecel horumarka. Inkastoo ay jiraan qaar dib kuu dhigaya kuuna diidaya in aad tallaabo qaaddo. Waxa dhici karta in dadkaasi ay kuu sheegaan in aadan awoodin rumeynta riyooyinka iyo rajooyinkaada.

Dhallinyaradii aanu isla soconnay baan ku iri “ka warama haddeynu halkan tuulo ama deegaan taariikhi ah ka aas-aaso?”. weey igu wada qosleen balse uma joojin fikraddeydii waanan ku adkeystay. in cabbaaar ah kaddib, aniga iyo labo kamid ah barbaartii ila socotay waanu isla lug helnay. Wax aan u dhaqaaqnay qodda koonfureed.Reer deggen meel waxoogaa u jirta halku gaarigu nooga hallaabay ayaan u tagnay. Soo dhaweyn diirran kaddib ilmo guriga joogay ayaan weydiiyay dadkii waaweynaa ee reerka. Waxa la ii geeyey odaygii reerka oo ahaa nin timaha madaxiisa iyo garkiisa ku yaal ay cadyihiin (cirro).Arrinkii ay igula yaabeen dhallinyadu ayaan u sheegay. Wuxu ahaa nin waaya-arag ah, ogna meel kasto oo la deegaameeyo in hore loogu fekeray. Si heer sare ah ayuu usoo dhaweeyey rajadeyda. duco iyo guubaabin ayuuna iiga dhigay tabantaabo.Sheekooyin ku saabsan sooyaalka magaalooyinka dalkeenna qaarkood ayuu iiga warramay, sidii loo degay iyo goortii la degay intaba. Waqti aan badneyn ayaan isla qaadannay. Anigoo u bogaaya sheekadiisa ayey dhallinyaradii kale igu yiraahdeen “Waan habsaannay, waxa laga yaabaa in gaariga la hagaajiyey’e ina mari”.

Ninkii odayga ahaa intan kasoo tagin ayuu ii sheegay magaciisa. Waan xusuustaa wuxu ahaa Dhaqane, anna keyga ayaan u sheegay. “Adeer dhaqane nabad iyo nooli kulante” iyo “Haye maandhaay barakoow, guuleyso if iyo aakhiro” ayaan kusoo kala tagnay.Waxaan ku soo laabannay bartii uu baabuurku ku cilladoobay. Nasiib baanu laheyn oo waxan kasoo gaarnay darawalkii iyo kirishboygii oo isugu wacaya dadkii safarka ahaa kuwaasoo geedo hoostood iyo meelo kale oo doog ah ku damaashaadaya.Durba waanu dhaqaaqnay. Wax aan si nabad-galyo ah ku tagnay magaalada Buulaay oo markii horeba uu qorshuhu ahaa inan gaarno.

Arrinkii ahaa deegaameynta meeshii uu gaarigu ku jabay ayaan qorshihiisa billaabay. Markii koobaad waxaan raadinnay sida ugu habboon ee biyo lagu heli karo. Ilaah baa inoo fududeeyay. Waxa leynoo sheegay qolo ku hawlan la tacaalidda biyo la’aanta.Muddo kooban kaddib, Ceel biyo macaan oo aad xareed mooddo ayey noo qodday hay’ad qaabbilsan arrimahaas oo mashruucyo ceel-qodis ah ka wadday gobolka.Isla sanadkaas waxa la dhisay masaajid iyo iskuul (dugsi) iyo malcaamado lagu barto qur’aanka kariimka ah ayna iska kaashadeen dad samafalayaal ah oo bogaadiyey hawlaha ka socdo tuuladan.

Waxa jirtay xarun caafimaad aheydna goob lagu xannaaneeyo hooyada iya dhallaanka. Aniga ayaana ka noqday umuliso.Maadaama ay tuuladu heshay adeegyadii bulshadu u baahneyd, waxan billownay inan dad kale oo dheeraad ah soo dajinno si ay uga mid noqdaan bulshada deegaanka.Horta wali makuu sheegay magaca tuulada? Waan ka xumahay, kuumaan sheegin illeen. Aniguba dhowr jeer baan is weydiiyey arrintan. Laakiinse tani waxay aheyd riyadii xalay. Anigoon ogaan halkey sheekadu ku dhammaatay ayaana leyga toosiyey hurdada.

W/Q: Farxiya Maxamuud Cumar

 



         

Top