Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q20AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q20AAD

Markii la tukaday Salaaddii Maqrib waxaa mawlacii iska soo raacay dhawr oday ay ku jiraan Xaaji Hilowle, Maxaad Cali iyo Cali Gaab. Waxeey wax iska weydiihaayaan dooddii ku saabsaneyd Sunnada salaadda inta u dhexeysa Casarka iyo magribka, Maxaad Calise isaga meel kalaa nal uga shidanyahay oo maba la socdo, dhugna uma haayo dooddaas. (Waa adduunyoo nin walbaa tiisaa dabartay.) Arrinka sidii kolba meel loogu wadayay aa iyadoon la isla meeldhigin la soo gaaray bartii odayadu ku kala leexan lahaayeen, waxeeyna ku ballameen in bal kutubta dib loogu noqdo arrinkaas ama lala aado cidda cilmigeeda leh.( Fas aluu ahludikr inkuntum la taclamuun.) Kolkii la kala dhaqaaqay ayaa Cali Gaab ka daba qaylshay Xaaji Hilowle : ”Xaaji Hilowle bal Kaalay xoogaa Soo noqo!” Waxaana muggaan maha wada taagan waa Maxaad Cali, Xaaji Hilowle iyo Cali Gaab.Waxaana warkii bilaabay Cali Gaab oo leh :“Xaajiyoow, balaan
Wareysanno eebowgeyn wixii ku soo kordhay”. Waxaana warkii qaatay Adeer Hilowle oo leh : “Waa rune , Maxaadoow xaa kugu soo kordhay arrinkii Canugga?”
Maxaad Cali: “Horta waad mahadsantihiin, adeeryaal jira, arrinki canuggi waa Iska sidiisii, waxaanan fahmeyna maantaa la ii soo sheegay oo la leeyahay, arrinkiisu waa naga gudbay, xeerilaalintuu jiraa; midda kale hee alaabtii maqneydna war iyo wacaal ma leh, tii islaantuna weli waa maqantahay, waa kaasaa  xaalku!!”.
Xaaji Hilowle: “Bisinka iyo macbuudka! Canuggaan ogaaye xeey tahay arrimahaan kaloo cusubna?”
Cali Gaab : “Adeer Hilowloow saanaa wax u jiraane, see wax la yeelaa?”.
Xaaji Hilowle: “Horta cidda waxa ka maqan xeeyyihiin, islaantase xaa helay?”
Maxaad Cali: “ Adeer Hilowloow, Cidda tuugaa helay… Gurigoo laga maqan yahay ayuu soo dhaafay, waxii ow qaada karayna waa la tagyay, habartana waxa ay la baxday caro.” Waxa maqan waxaa iigu culus waa Soproloogooyinkii guryaha.”
Xaaji Hilowle: “Kuwaas dhib ma lahane, xaa kaloo maqan?”
Maxaad Cali: “Aniga iyukaa wax kasta iiga daran. Habarta waxeeda yeelkeede, intaanhee wax ka daynaa, haddeyna dhiblaheyn?”
Xaaji Hilowle: “Uyuka waxaa laga jeraa Minishiibiyada waaxda qaabilsan dhulalka.”
Cali Gaab: “Adeer Hilowloow, ununka warkaas iyo meel loo raadsho ma naqaanee, foogta adiga iyo Maxaad is raaca ee la soo xallibal.”
Xaaji Hilowle: “Caliyoow, aniga Foogta xoog ma helo, canug yar oo cidda ka jirran aan u wadeynaa Habar Ansalooti deggen oo dhajiska soo dhuuqdo, ee adeeryaaloow haddaan layga dhammeyn nooga dhiga Sabtida, Foogta waa khamiis, foogta tan xigtaana waa Jimco e.”
Cali Gaab: “Waa tahee, Maxaadoow arrimaha kale xaggeen wax ka qabanaa?Mase dabakacday Kutubo oo Xaajigi la dhashay ma soo aragtay?”
Maxaad Cali: “ Eeboow Caliyoow, middaas lur badan igumaheyso, waa ka daba tegey, anoo dhaqanka ilaalaayo, waase layla garan waayay middaas, muggase aniga waxaa iigu daranaa ah canuggaan gardarrada loo heysto.”
Cali Gaab: “Yaayaa, xeeytahayhee Odaygaas xilkas oow ahaaye, mise adigaaOr iyo qaylo ulategey?” (Cali Gaab ayaa waxoogaa aamusay, isagoo aad mooddo in ow fikiraayo. Wax yar kadib ayow hadalki raacshay, “dhibse ma leh anaa xaggiisa kuula qummaayo.” )

La soco qaybaha kale
Waxaaqoray:
XuseenM.Cabdulle “WADAAD”
huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN