Sheeko gaaban:Immisa jiraa tahay.?! W/Q: Abdifatah Abaal

 

 

Immisa jiraa tahay.?!

Shafiiq Jaabir waxa uu ahaa mid safar badan, kaas oo jeclaa in uu soo arko Umaddo kala duwan si uu waano iyo waayo aragnimo uga soo helo hab nololeedkooda iyo dhaqamada ay la gaarka yihiin.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu booqday Deegaan ka mid ah deegaamada waaweyn ee Taariikhda leh, waxa uuna ku arkay dhaqan ka yaabiyay,  dhaqankaas oo ahaa in dadka degaanka ay si joogta ah u aadaan Qabuuraha magaalada iyagoona kus oo dul fakira kaddibna ka soo laabta.!

Waxbadan kuma qaadan in uu go’aansado raacidooda iyo in u soo eego waxay falayaan, kolkii uu wax ka booqday qabuuraha ayuu arkay in Qabri kastaahi leeyahay Tabeele Ama Boor yar oo lagu qoro qofka dhintay magaciisa,taariikhduu dhashay,hoortuu dhintay, iyo markuu dhimanayay da’da uu jiray.!

Waxaase La yaab ku noqotay markuu arkay qabri ay ku qorantahay ” Hebal waxa uu dhashay 1950 waxa uuna dhintay 1990, hayeshee waxa uu ku dhintay isagoo Cumri ahaan jira Hal Sano.!, isagoo isleh malaha waxa qaldamay qoraalka,ayuu haddana arkay midkale oy ku qoran tahay ” Hebal Waxa uu dhashay 1910 waxa uu dhintay 1980 Cumriguu ku dhintayna waa 20sano.!!

Shafiiq qaadan kari waa arrinkii, waxa uuna u holaday in uu su’aalo mid ka mid ah dadkii goobta la joogay sababta keentay in qoraalkan is qilaafsan meesha lagu qoro, Jawaabtuse waxa ay noqotay : “Waa run oo waa sida aad wax u aragtay, sababtuna waxa ay tahay dadkeena magaaladan ku nool ma xisaabino cumriga Insaanka illaa intuu  uu noolaa, waxaa loo tiriyaa waxaa uu taray ama fullinta Mashruuc uu Umadiisa ku anfacay .! Inta kasoo hartay waa Bar kuma taal Agteena.

Shafiiq waxa uu ku laabtay naftiisa isagoona Su’aalay “Aniga maxaan umadeyda u qabtay Sannadahan badan ee aan Noolaa.?!
Kaddib isagoo noo warinaya noloshiisa ayuu yiri hadal waxtar iyo wax ku qaadasho leh . ” Haddaan dhinto qabrigeyga ku qora Shafiiq Jaabir waxa uu kas oo baxay Caloosha Hooyadii waxa uuna toos ugu hoyday Qabrigiisa.”!!!

Hadaba Walal immisa jiraa tahay.! Maxaadse u qabatay Umaddada oo laguu xisaabin.?!

Abdifatah Abaal
Istanbul_ Turkiya
Abaalsom@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN