Xeerkan iyo Xigmada Shiribka Q3AAD W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

Xeerkan iyo Xigmada Shiribka Q3AAD

Waxaan fillayaa inaan isla fahannay macnaha Shiribkaan seddexleeyda ah iyo u jeedooyinkoow koobayo laakin xaqiiq jirta wada ah, hubaal marka aad dooneeysid inaad intaan “Gabay” ku soo koobto Waa inaad wadda dheer iyo hoga tusaaleyn badan soo martaa, kaddib aad ku timaadaa u jeeddada aad rabto in lagula qaato, lana garto, isla markaana lagu fahmo; iyadoon lagu wareerin laguna warsan mar kale. waa hadal Cad cad murti iyo macna isla jaan qaadayana leh oo ogaal, Aqoon, iyo garasho kuu kordhinaya, Maskax ahaan iyo milge ahaanba! Sidaa darteed Shiribka Seddexleeyda la yiraa waxaan dhihi karnaa waa qeybta labaad ee ugu caansan xagga curitaanka iyo cabbiraadiisaba Aadna loo adeegsadu lana jecel yahay laguna raaxeysto.

  Shiribka Afarreeyda

 Shiribka Afarreeyda ahi waa hab kale oo dadka  “Laashimiinta” ah ama “Gole ka fuulka”  La yiraa adeegsadaan, waxa uu aad ugu dhawyahay amaba la mid yahay Shiribka seddexleeyda ah waana isku meeqaam, hal lug ayuu dheeryahay maahine isla hab curitaanka Seddexleeyda ayeey is leeyihiin, Waa shirib laga curin karo “Xaraf” kasta oo kamid ah Af-keeyna Hooyo,

Waxuuna u qeybsamaa laba qeybood. Tusaale ahaan,

  • Afar kaligeed ah oo is keed u taagan.
  • Afar afar kale ku laran ama ku sidkan(Oo ka dul curatay)

Afarta kaligeed iskeed u taagan waa saan,

  • Afar walxaato deel Ku taal
  • Afar kaleey kusoo dugtaa.
  • Dalkaaga iibso daw gashoow
  • Doqonimeey kusoo dugtaa.
  • I doorta ama waa dagaal
  • Dabaalnimeey kusoo dugtaa.
  • Ka damqa maayo diifta taal
  • Damiir la’eey kusoo dugtaa.
  • daada tuugso ee dangiig
  • Damiinimeey kusoo dugtaa.

Nikax

  • Deg deg adoon diyaarsaneeyn
  • Dulqaad la’eey kusoo dugtaa
        (Laashin Cabdinuur Waddani)

 

  • Afar walxaato waa hagaag
  • Afarna beriyaad hubtaa!
  • Heshiis la gaaro waa hagaag
  • Hardanna beriyaad hubtaa
  • Hab leesa siiyo waa hagaag
  • heyb soocna beriyaad hubtaa
  • Halees cafiyo waa hagaag
  • Hilmaana beriyaad hubtaa
  • Hambalya Sheegid  waa hagaag
  • Halaagna beriyaad hubtaa

         Afmeer

  • Hammi waxoow halaagaya
  • Ma heraan haqa waalidkaa

                 Shirib-maal

 

  • Afar walxaato waa basiid
  • Afarsa waa lagaa badshaa
  • Bareeja keenu waa basiid
  • Soo baxsa waa lagaa badshaa,
  • Birimo guuri waa basiid
  • Boqorsa waa lagaa badshaa,
  • Beer falideeru waa basiid
  • Bowd dhigsa waa lagaa badshaa,
  • Bartaan ka booni waa basiid
  • Bannaansa waa lagaa badshaa,

Nikax

  • Baro ninkaan aqoon bilaaw
  • Bisinka waaku baadiyaa,

         LAASHIN Cabdi Nuur Waddani

 

                                   Afar Afar ku sidkan

Ujeed iyo duluc ahaan waxeey u dhigantaa (4×4)  Waa afar wax tilmaameeysa ifineeysa iyo Afar diideysa ama soo horjeeda Afarta hore. Laakin, eey  isku si u dhacayaan oo wax deelqaaf ah isku keenayn, dhammaan isla jaanqaadaya isna qeexaya halraaca iyo habraacooduna gef iyo meel ka dhac ku jirin sidii xeerka suugaanta aan hore ugu sheegnay, waana sidan :

 

  • Afaraan ka dhibbaad qabaa
  • Afar kalesa weey dhecee!’
  • Dhiil cugan caana dhaay ahaa
  • Laga dhammaahu weey dhecee,
  • Waxaanse ka dhibbaad qabaa
  • Liineey dhexdooga dhiijiyeen
  • Dhallaanka wax u sii dhigoo
  • Dhigaal u reebo wey dhecee,
  • Waxaanse ka dhibbaad qabaa
  • Dhulkooda iibiyee ku dhoof.
  • Dhaqaalka xoola geel dhalaa
  • Dhabtii u raaya weey dhecee,
  • Waxaanse ka dhibbaad qabaa
  • Dhurwaayga aan lagaa dhaceyn.
  • Dhankaaga qaado dheel barbaar
  • Hana dhantaallin weey dhecee,
  • Waxaanse ka dhibbaad qabaa
  • Aan dhabjiyee ha ii dhawaan!.

Afmeer

  • ‘Dhaqankoo leesku dhowraya
  • Dambaalku nabadeey dhalshaan!

                            Shirib-maal

 

Habkan ayay isu raacdaa Afarreyda waxaaney isir wadaag iyo isku qaab yihiin sidaan hore u sheegay saddexleyda, waa hannaanka loo shiribka Afarreyda. haddaan sii faahfaahiyo oo faallo kooban kaa siiyo Waxaa la yiraa Afar Afar ku sidkan. Isagoo isku ujeedo ah Shiribka dhan haddane laba laba ayeey isu kaabayaan, maxaa yeelay Labada “Lug” ee aan ka bilaabay isku si uma dhacayaan. Tusaale: Afaraan ka dhibbaad qabaa: waxeey tilmaamee Wax aan macquul aheyn sida wax aad dhibsatay oo kale! Lugta kale ujeedo taa ka duwan ayeey timaamee; Afar kalesa weey dhecee. Oo ka dhigan Wax aad fahantay macquulna kula ah!’

                                 Shiribka Shanleeyda ah.

Shirib waxa jira la yiraa shanleey Laakin aan badannaa la adeegsan lana curin, Goobaha lagu Shirbanna aan ku badneyn balse, waayadan danbe aad u soo shaac baxay, xagga qoritaanka Shiribka, Laashimiinta iyo hal abuurka dhallinta yarna ay curiyaan marmar dhiffa. Shiribku dhanka Shirib ahaan waa isku mid ee waxaan rabaa inaan qeexo habka iyo hannaanka loo agaasimo iyo hannaanka laysu raacraaciyo loona haaneediyo, Xeerarka loo maro maxaa yeelay waxkasta ee noole dhaho, ama dhigmaal u ah waxaa ay leeyihiin hab jaan go,an iyo qaab ay u degsan haddaan loo marin qaabkaasna waxaa lumaya tayadiisii iyo sawraciisi lagu yaqaanay, dhalanrog ayaa ku dhacaya iyo doorsoon.Sidaa darteed  Shanleeydu qaabkaan ayeey u dhacdaa iyaduna waxaanna kusoo qaadanneeynaa Shirib ow leeyahay Laashin Cabdinuur Xasan Cali (Waddani) Oo Shanleey ah, waana sida tan,

  • Shan alif oo ku taala shiin
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa?
  • Sharci bannaan annaan shaqayn
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa?
  • Nin shayba oon geleyn Shuhuud
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa?
  • Shukaansi ay hortaal shuruud
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa?
  • Shaqaan la wayn shalaayna yaal
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa?
  • Shaashley haween miduu sharfoon
  • Waa shiiq ninkii ku soo shirbaa? 

Nikax

  • Nin shiidsan ha shaxaatamee
  • Nin sheega waa shahaada sii,

                  (WADDANI)

 

Kolkii shiribkani isoo gaaray aniga  oo tixraacaya  halxiraalaha dhumucda leh ee uu soo direy ahaan, ayaan aad ula dhacay habka qurxoon ee farsamada iyo farshaxanka ayaan u jeeni qaartay inaan ka warceliyo, waxaanan iri:

  • Shan alif oo ku taala Shiin
  • Maan sheegu yaa naqaa shuhuud,?
  • Sharci bannaan annaan shaqeyn
  • Waxa shib siiyay shilimaad
  • Nin shayba oon galeyn  shuhuud
  • Waxaa ka sheeday shan salaad
  • Shukaansi eey hortaal shuruud
  • Waa shiiqya naag shariig aheyd
  • Shaqaan la weyn shalaayna yaal
  • Sheeydaan middiisa shaabahdee,
  • Shaashleey haween middo sharfoon
  • Shanta salaad midaan shakeyn;!!

 Afmeer

  • Shanti su,al ma sheegayoo
  • Shahaada ma helaaya shiiq,??

 

Waxaa sidoo kale iyaduna isla shiribkan shanleeyda ah ka qayb qaadatay kana falcelisay si quman weliba Laashimad Layla Ladan Shadoor, waxayna tiri:

  • Sharci bannaan annaan shaqeyn
  • Waa shaabbadeyna shiiqiyoow
  • Nin sheyba oon galeen shuhuud
  • Sheydaanya duul kalow shiraa
  • Shukaansi eey hortaal shuruud
  • Sharciga diintu sheegi maa;
  • Shaqaan la weyn shalaayna yaal
  • Waa sheeg xun shaafisnaan laheyn;
  • Shaashleey haween waxow sharfoon
  • Shan dhalad sharci diin shubee!

Afmeer

  • Shalaaygu maahan shey qurxoon
  • Ma sheegay mase shaabbahaa?

 

Waxaa ku soo biirey Shiribkii Shiinleyda oo haddaan isu beddelay Silsilad maadaama Jawaabtii sadexaad Laashin Ibraahin Cali wuxuuna yiri:

 

  • Shantaan su’aale shakarkaa
  • La sheegyee shib miyaan iraa?
  • Sharci bannaan annaan shaqeyn
  • Shantuu danbeysa sheeg baqraad
  • Nin sheyba oon shahuud la geyn
  • Shaacir ab aadam ku shabbeey
  • Shanta Salaad qofaan shubeyn
  • Shukaansigeedu waa shuruud
  • Shaqaan la weyn shalaayna yaal
  • Sheydaan dadkiisa ku shabbeey
  • Shaashleey dumar wax sheegtanaa
  • Shiikh Caa.ishow sharaf badneyd(RCH)

    Nikax

  • Shuhubi lama shaaciyee
  • Shahaado ma helaa shariif?

 Haddaba sidaan qaybihii hore ku qeexnay waxaa hubanti ah, in Shiribku yahay suugaanta ugu cuddoon dhinaca halqabsiga iyo adeegsiga murti ahaaneed, sidoo kale waxaan hubaa inaan la soo arkeyn la na soo heleyn Suugaan kale oo kaligeed meel istaagi karta ma mahmaah Inta badan la adeegsadu noqon karta oo aan shirib ahayn.Shiribku waa laf dhabarta suugaanta waxaanan kula talin lahaa qof kasta oo wax curiya isaga oo raacaya xeerka iyo hannaanka shiribka inuu curiyo iskuna dayo, dadka qaarkood waxaa jira awood u leh, balse, ay ka dhaadhacsan tahay Af guri gaar ahayaa lagu samayn karaa, taas anigu waxaan leeyahay maaha mid quman ee Af Soomaali ayaa lagu samayn karaa keliya waa inaad ka ilaaliso deelqaaf iyo fongor ku timaada habdhaca iyo halraaca shiribka.

W/Q/ Xasan Kaamil Cuute Shirib-maal

 



         

Top