IINTA XIDDIGAHAYAGA! Ma jiraa mugdi iftiima? W/Q: Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxammed

IINTA XIDDIGAHAYAGA! Ma jiraa mugdi iftiima?

 

Bulsho waaqic ahaan dambaysa khayaali ahaanse horraysa weeyaan bulshadeennu. Keliya, in aan intaa aqbalo ayaa wakhti igu qaadatay adna kugu qaadan karta. Sababta ugu wayn ee xaalkeenna sidaa ka yeeshayna waa dhiifooni la’aan. Waa ay naga lunsantahay ama way naga dhaawacan tahay / khalkhalsan tahay, haddii aysan dam naga noqon. Marnaan!

Dhiifoonnida markaad is deysaan, dadnimadana si ayaan xuma ah ayaad isaga lulataan. Wax nool oo aan noolayn ayaad u muuqataa. Maahsanaan. In aadan waxba qaban karin ayaa kaa dhaadhacda. Si fudud, fikirka taban ayaa kuu soo xaluusha, si xawli ahna waad u sii xawishaa, oo sababta riya-dilaayadu noogu badanyihiin ayaaba ah dhiifooni la’aan.

Waxaan ogaaday in tayadii wacnayd ee ay dadkii hore lahaayeen ay ku xidhnayd heerka ay dhiifooni lahaayeen. Markaana, tayo iyo muuqxumada dadkeennan dambe waxa ay ku xirantahay heerka dhiifooni xumadeennu ay joogto.

Aragtideyda. Xiise ma aha waxa 24-saac aan kubadda uga sheekayno. Diin jacayl ma aha waxa ay beenaalayaashu diinta ugu gabbadaan. Dhaqan jacayl ma aha waxa qurbajoogta dayuusbaro loogu yeero ama ay isugu gaggabaan reer magaalka iyo reer miyiga. Dad iyo dal u damqasho midna ma aha waxa siyaasadaha qaarkood loogu rucleynayo. Aqoon la’aani ma aha waxa ina hagraday. Fadlan, deriskayagu innama aysan hodin.

Waa dhiifooni la’aan. Haa, waa is khaafinteennan oodda jabsatay. Waa is ku nuglaansho la’aanteennan cirka is ku shareertay. Maxay biririfyo fursado la lammaanan si fudud nooga fakkadeen, dhiifooni la’aan darteed? Xaqiiqdii, caddad iyo xisaab ma lahan. Tiro beel ayey noqotay.

I la fahan, ruuxa gobol Maraykan ku yaalla ka sheekaynaya iyada oo gobollo Soomaaliya ka mid ahi gaajo loogu go’aayo dhiifooni ma lahan. I la garo, wadaadka waaqiceenna ka doorbidaya ka sheekaynta, waayo awoowe yaalkeennuba aysan noolayn dhiifooni ma lahan. I la summad, aqoonyahanka mar walba sida taban u dhiga amuuraheenna dhiifooni ma lahan. I lana xaqiiji, dhallinyaradeenna is beddelka doonaysa ee hagaajinta waxa la haysto is ka indhatiraysa dhiifooni ma lahan. MA LAHAN.

Ugu dambayn sida ay cadceeddu u siiso xiddigaha iftiinkooda ayaa ay dhiifoonniduna insaanka tayadiisa ugu muhim tahay. Hadday xiddiguhu qurxiyaan cirka, maxaa diidaya inaan dhulka xiddigo u noqonno? Waxbana. Balse, xiddigo mugdi iftiimayaa xiddigo ma ahan! Sax! Duul bilaa dhiifooni ahna xiddigo waxba ka ma oga. Haddaba, sirtu waa dhiifooni oo aan la nimaadno. Jaanib kasta oo nolosheennana aanu ku casuumno. Sow la ma dhihin talada adigaa ku nool ee iyadu kugu ma noola? Taladu waa iin bax. IIN BAX. iin bax oo keliya. Dhiifooni. Dhiifooni. Dhiifooni. Saddex jeerna ku celceliyay, haddaad rabtana ka sii badi, saa celcelintu dhimaal ma keenaysee, haddii aysan marag furka iyo xujo oogga sii badan.

 

W/Q: Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxammed

SHEEKOOYIN