Sharciga:Sababta iyo Saameynta WQ: Hassan Mudane

 

Sharciga:Sababta iyo Saameynta

Sharcigan sababta iyo saameynta waa sharci dabiici ah, waana mid ku dhisan sabab iyo saameyn taas oo macnaheedu tahay in sabab walba ay soo saarto saameyn. Sharcigan waa mid loo riyaaqay waayo mid iska fudud wuxuu ku siin karaa awood badan, kaliya maskaxdaada ufur. Sharcigan wuxuu leeyahay sabab walba waxay soo saartaa saameyn. Tusaale, haddaad aragto Bill gates iyo dadka la mida ha eegin inta ay la’egtahay hantidooda balse waxaad eegtaa sababta gaarsiisay heerka ay maanta joogaan, si aad u hesho sirta guushooda. Sharcigan wuxuu toosh kuugu ifinayaa sirta ku jirta kuwa guulaystay iyo waddooyinkii ay soo mareen intii ay ku guda jireen halgankii noloshooda.

Haddaad samayso wixii ay sameeyeen kuwa guulaystay ama aad raacdo waddadii ay raaceen shaki kuma jiro adigana in aad heli doonto mid la mid ah natiijadii ay heleen. Sharcigan sababta iyo saameynta waa sharci qadiimi ah oo ay dad badani horay ugu soo dhaqmeen, waana qaaciddo soo jireen ah marka laga eego dhanka nolosha. Sow ma ogid in aysan jirin dhacdo bilaa sabab la’aan ah, sido kalena sabab walba waxay soo saartaa saamaynteeda. Haddaad raacdo waddadii ay raaceen kuwa guulaystay waxaad fishaaba waa guul.

Waxaad beerato waa sabab waxaad guratana waa saameyn ka dhalatay sababta. Haddaad ku beerto maskaxdaada fikradaha faqriga maxay kula tahay waxa aad guran doonto? Waxaa kaaga soo bixi doona beer wada faqri ah waayo adiga ayaa beertay faqriga, balse haddii aad ku dhex beerato maskaxdaada fikradaha wanaagsan ee sama sheega ah, waxaad fishaaba waa in aad gurato beer wada barwaaqo ah. Waxay la mid tahay maahmaahda ay adeegsadaan beeraleyda taas oo ah “Wixii aad beerato ayaad gurataa.” Tusaale, haddaad beertaada ku dhex abuurato masaggo wixii aad fishaaba waa masaggo, way adag tahay in aad gurato miro kale, sida Galeey, Digir, Canbe ama moos, waayo wixii aad beeratay ayaad gurataa marka ka feker mirihii aad ku beeran lahayd beertaada taas oo kuu ah caqliga daahsoon kuna abuuro himmiladaada si aad u gurato natiijadeeda.

Haddaba, u adeegso sharcigaan dhanka horumarinta nolosha. Waxaa loo baahan yahay in aad maamusho oo aad go’aan ka gaarto waxa aad beeranayso iyo waxa aad guranayso. Waxa maanku dareemo waa in jirku soo bandhigaa.

Xogta aan rabo in aan ku siiyo way fududahay, waa sidii aad noloshaada wax oga beddali lahayd iyo in aad wax ka barato waddadii ay raaceen dadkii guusha kaaga horreeyay. Sideedaba, waxaad joogtaa xilliga ugu fursaddaha badan waayo waxaad arki kartaa dad badan oo guulaystay, horumar sameeyay, shirikaad waaweyn dhistay iyaga oo nolosha ka soo bilaabay meel eber ah. Bal eeg! Dalka maraykanka oo kale waxaa ku nool ku dhowaad toddoba milyan oo milyoneero ah iyo in ka badan labo boqol oo bilyoneero ah, intooda badan iyaga ayaa calankooda iyo sharafkoodaba kor u qaaday, hantidaasna iyaga ayaa tashiishay oo tabcaday balse aniga iyo adigaba ma gaari karnaa meesha ay gaareen? Ma noqon karnaa waxa ay noqdeen? Ma heli karnaa magaca ay heleen? Halkan markaan marayo waxaan soo xasuustey erayadii uu ku luuqeyn jirey Fannaankeenii Axmed Mooge ee uu lahaa:

  • Tacabkaaga iyo
  • Turuqaagu wey
  • Ku tilmaamayaano
  • Wey ku toosiyaane..
  • Waxaad taransata
  • Tiro kuu galoo
  • Ileyn lagu tanaada
  • Ta allee tallaabada.
  • Toocade tilmaamaye
  • Tu’san iyo barwaaqiyo
  • Tahan baynu gaarnee
  • Miyaad talo ka weyn tahay?

 

Shaki kuma jiro aniga iyo adigaba in ay weli fursaddaasi noo bannaan tahay kaliya aan wax ka barano waddadii ay raaceen si aan annagana u noqono guulaystayaal. Waxaan layaabaa! dadka aamminsan in aan la gaari karin meeshii uu gaaray Bill gates oo lagu tilmaamo in uu yahay ninka dunida ugu taajirsan. Miyeysan ceeb kugu ahayn in aad samayn kari waydo waxa ay horray u sameeyeen kumannaan iyo malaayiin guulaystay? Ogow! Waad fali kartaa waadna gaari kartaa kaliya sahay ka dhigo dadaal iyo adkaysi dheeraada.Haddaad marwalba samayso wixii aad horay u samayn jirtay had iyo jeer waxaad heshaaba ama aad fishaaba natiijadii aad horay u heli jirtay, waayo way adag tahay in aad hesho natiijo ka duwan tii hore. Haddaba, si aad u hesho faa’iido weyn waxaad u baahan tahay in aad wax ka beddasho waxa aad qabanayso si aad u hesho natiijo aad ku faraxdo.

 

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 2aad, bogga 27aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

 

SHEEKOOYIN