Home Qoraallo Madaxwayne Donald Trump. Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Madaxwayne Donald Trump. Qore: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

0
SHARE

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Madaxwayne Donald Trump

 

Madaxwaynaha USA Donald Trump, oo jimcihii lasoo dhaafay ee ahayd labaatanka bisha Jannaayo laba kun toddoba iyo toban, waa nin jarman u dhashay.

 

Donald trump awoowihiis Frederich Trump (Maarso 14, 1869 – Maajo 27 1918) wuxuu ahaa nin Jarman ah oo ku dhashay magaalada Kallstadt ee gobolka Bayern ee dalka Jarmanka. wuxuuna dalka Maraykanka usoo guuray isagoo lix iyo toban sano jira, shaqadiisuna waxay ahayd timo xiire.

 

Donald Trump waa madaxwaynaha ugu horreeya ee USA oo Jarman u dhashay, oo inta ka horraysay waxay ahaayeen rag ingiriis ah,  intaan ka ahayn labada Roosvelt iyo Van Buren oo asalkoodu Holland ahaa, oo jaziiradda Manhattaan ee New York iska lahayd, kaddibna uu Ingiriisku ka gatay.

 

Madaxwayne John F. Kennedy ayaa ugu horreeyey nin Irish ah oo Maraykanka madaxwayne ka noqda, isagana waa la dilay 1964. Barack Obama, hooyadiisa ayaa Irish ahayd, waxaana sharraxay oo taageeray Senator Edward Kennedy, gabadha madaxwayne John F.Kennedy Caroline oo uu kaddib u magacaabay danjiradda USA ee Japan, iyo siyaasiyiinta Irishka. Senator Edward Kennedy markuu isagu isu sharraxay madaxwaynennimada waa looga adkaaday.

 

Sidaasuu madaxwayne Donald Trump wuxuu ku yahay madaxwaynaha ugu horreeyey USA oo asalkiisu Jarman yahay.

 

Taas macneheedu waxaa weeye inuu xukunka Maraykanka oo in ka badan laba boqol oo sano iyo tan iyo intay gobannimada qaateen gacanta ingiriiska ku jirtay ay hadda ka baxay oo uu tan Jarmanka u wareegay.

 

Ingiriiska iyo Jarmanku waa isku asal oo waxaa wada dhalay Yaafith bin Nuuxيافث بن نوح\, waxayna isku wada yihiin “Ya’joojيأجوج\”, oo “Ma’juujمأجوج\” waa Ruushka siday yiraahdeen, labadaasoo Quraanka Kariimka ah ku xusan ee Suuratu Al Kahfiسورة الكهف\ iyo Suuratu Al Anbiyaa-eسورة الأنبياء\; waase laba shacbi oo is neceb, dagaal joogto ahna uu dhex mari jiray.

 

Markaasay dadka asalkoodu Ingiriiska yahay ku keceen oo ay diidan yahay inuu madaxweyne u ahaado, ayna doorashadiisa xasdeen, una quuri waayeen.

 

Taasu meel walba adduunka waa jirtaa, oo soomaalida qaarkoodba waa ayaga yiraahda: “Sideebuu qabiil hebel annaga madaxwenyne noogu noqnayaa?”

 

Haddaan taariikhda ka raadinno xaalad middaan la mid ah, wax badan ayaan heleynnaa, waxaanse kasoo qaadanaynna Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo yuhuudda, iyo Nabi Daauud Calayhissalaamu iyo Banii Laawiiبني لاوي\ iyo boqor Dhaaluutطالوت\ iyo qabiilka Yahuuthaaيهوذا\.

 

Cadawdanimada  yuhuudda ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:

“Markaasey culimada yuhuuddu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam cadaawad iyo colaad ka hor geeyeen iyo dulmi iyo xaasidnimo u quuri waa ah iyo nacayb.”

Waana markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ usoo Haajiray.

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:

“Safiyyah bintu Xuyayyu bin Akhdhabصفية بنت حيي بن أخطب\ waxay tiri:

 

كنت أحب ولد أبي إليه، وإلى عمي أبي ياسر، لم ألقهما قط مع ولد لهما إلا أخذاني دونه.” قالت: “فلما قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة، ونزل بقباء، في بني عمرو بن عوف، غدا عليه أبي، حيي بن أخطب، و عمي أبو ياسر بن أخطب، مغلسين.” قالت: “فلم يرجعا حتى كانا مع غروب الشمس.” قالت: “فأتيا كالين كسلانين ساقطين يمشيان الهوينى.” قالت: “فهششت إليهما كما كنت أصنع، فوالله ما التفت إلي واحد منهما، مع ما بهما من الغم.” قالت: “وسمعت عمي أبا ياسر و هو يقول لأبي: “حيي بن أخطب: أهو هو؟” قال: “نعم والله.” قال: “أتعرفه وتثبته؟” قال: “نعم.” قال: “فما في نفسك منه؟” قال: “عداوته ما بقيت.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Waxaan ahaa cunugguu aabahay caruurtiisa ugu jecel yahay iyo adeerkey Abuu Yaasirbaأبو ياسر\.

 

Weligayna lama aanan kulmin midkoodna anigoo caruur kale la socda ee gooni ayay iigala baxaan.

 

Markaasuu markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Al Madiinahالمدينة\ yimid, uuna Qubaa’aقباء\ ku degay degmada reer Banuu Camr bin Cawfبنو عمرو بن عوف\, waxaa waabarigiiba u tegey aabahay Xuyayyu bin Akhdhabحيي بن أخطب\ iyo adeerkay Abuu Yaasir bin Akhdhabأبو ياسر بن أخطب\.

 

Waxayna u tageen intuusan waagu dillaacin oo ay weli habeen mugdi ah tahay, kamana ayan soo noqon waxaan ahayn makhribkii markay qorraxdu dhacday.

 

Markaasey waxay soo noqdeen labadoodoo daallan oo aan dooneyn inay far dhaqaajiyaan oo ay tabartii kasoo dhammaatay oo inayba dhulka ku dhacaan u dhow itaal darro daraadeed.

 

Markaasaan u tegey anigoo leh farxadda caruurta, sidaan yeeli jiray, markaasuusan wa Allaahi والله\ midkoodna isoo dhugan oo uusan xaggaygaba usoo jeesan waxa haya daraadood oo ah calool xumo iyo ghammiغم.

 

Markaasaan waxaan maqlay adeerkay Abuu Yaasirأبو ياسر\  oo aabahay Xuyayyu bin Akhdhab حيي بن أخطب ku leh:

“Ma isagiibaa?”

Wuxuu yiri:

“Haa wa Allaahi والله.”

Wuxuu yiri:

“Ma aqootay oo aad sugaysaa inuu isagii yahay?”

Wuxuu yiri:

“Haa.”

Wuxuu yiri:

“Maxaa hadaba naftaadu isaga u qabtaa?”

Wuxuu yiri:

“Cadawnimadiisa wa Allaahi والله intaan noolahay.” Waa intaas warkiisu.

Safiyyah bintu Xuyayyu bin Akhdhabصفية بنت حيي بن أخطب\ waxaa kaddib guursaday Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo waxay noqotay hooyadeen Ummu Al Mu-meneenaأم المؤمنين\, maalintuu magaalada yuhuudda ee Khaybarخيبر\ furtay.

 

Inkiridda yuhuudda Nabinnimada Sulaymaanسليمان\

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:

“Yuhuuddu way inkireen inuu Sulaymaan bin Daauudسليمان بن داود\ Nabi ahaa, waxayna taasu ku timid, sida isoo gaartay, in markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allahu Calayhi Wasallam, Sulaymaan ina Daauud سليمان بن داود\ ku tiriyey Mursalintaالمرسلين ayuu nin axbaarta ka mid ihi wuxuu yiri:

“Soo Muxammadمحمد\, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, lama yaabtaan, oo wuxuu leeyahay inuu Sulaymaan bin Daauud سليمان بن داود\ Nabi ahaa. Wa Allaahiوالله\ mana uusan ahayn waxaan saaxir ahayn.”

 

Markaasuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ k+asoo dejiyay Aayadda boqol iyo labaad ee Al Baqarah سورة البقرة\:

 

}وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَى مُلْكِ سُلَيْمَانَ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ{

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Waxayna raaceen, waa yuhuuddee, waxay shayaadiintu ka akhrineysey boqortooyada Sulaymaan سليمان. Sulaymaanna سليمان ma gaaloobin oo sixir ma samayn jirin, waxaase gaaloobay shayaadiinta oo dadka sixirka baraysay(102).”

 

So ma aragtidtid siday Ingiriisku ugu mudaaharayaan madaxwayne Donald Trump, dalka Maraykan dhexdiisa, dalka Ingiriiska, Australia, New Zeland oo dhammaantood Ingiriis deggan yahay saddexdaan dambe? Waxayna wataan looxyo ay ku dhigan tahay “NOT MY PRESIDENT”.

 

Carada iyo xaasidnimada yuhudda inay Nabinnimadu ayaga ka wareegtay oo ku wareegtay carabta

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:

“Xuyayyu bin Akhdhabحيي بن أخطب\ iyo walaalkiis Abuu Yaasir bin Akhdhabأبو ياسر بن أخطب\ waxay ahaayeen kuwa yuhuudda ka mid ah  oo Carabta ugu xaasidnimo badan, una quuri waayey inuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى Rasuulkiisa, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam ayaga ka dhaliyay.

Waxayna labadoodaasi aad ugu dadaaleen inay dadka islaamka ka jeediyaan intay karaanba.

 

Markaasuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ labadoodaas wuxuu kasoo dejiyay Aayadda boqol iyo sagaal ee Al Baqarahسورة البقرة\:

 

}وَدَّ كَثِيرٌ مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَوْ يَرُدُّونَكُمْ مِنْ بَعْدِ إِيمَانِكُمْ كُفَّارًا حَسَدًا مِنْ عِنْدِ أَنْفُسِهِمْ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ الْحَقُّ فَاعْفُوا وَاصْفَحُوا حَتَّى يَأْتِيَ اللَّهُ بِأَمْرِهِ إِنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (109){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“In badan oo ka mid ah ehelu kitaabku waxay jecel yihiin inay idinka celiyaan mu’miniinow Diintiinna kaddib markaad islaamteen oo ay gaalnimo idinku celiyaan. Waxayna sidaas u jecel yihiin xaasidnimo iyo u quuri waa ay naftooda kala yimaadeen. Waxayna sidaas yeelayaan kaddib markay runtu u caddaatay, ayadoo Tawradda ay ku dhignayd inuu Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Nabi iyo Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yahay, Diintiisuna ay run tahay. Marka iska daaya oo ka taga kuwaas, iskana cafiya ilaa goortuu amarka Ilaahayالله ka yimaado, ahna diliddooda iyo qafaalkooda sida Banuu Quraythahبنو قريظة\ la yeelay oo kale ama la musaafiriyo sida Banuu Al Nadiirبنو النضير\ la yeelay oo kale. Marka cafiskaan iyo ka jeesigaan waa mansuukhمنسوخ\ oo ku dhaqan ma laha, waxaana beddelay axkaamta jihaadka. Ilaahaynaالله wax walba wuu karaa oo qaadir ku yahay(109).”

 

Banii Israa’iilبني إسرائيل

 

Taariikhda reer Banii Israa’iilبني إسرائي, inta Nabi Muuseموسى Calayhissalaamu ka dambaysay, Anbiyadooda iyo boqorradoodu waxay kala ahaayeen laba nin.

 

 

Boqor Dhaaluutطالوت\

 

Ilaahay Cazza Wa Jallaالله عزوجل\ Nabi Muuseموسى dabadiis, wuxuu Anbiyadiisa kasoo saarayay nasabka Laawii ina Yacquub لاوي بن يعقوب oo uu Muuseموسى ka dhashay, boqorradoodana nasabka Yahuuthaa ina Yacquubيهوذا بن يعقوب.

 

Nabi Muuse dabadiis ayay reer Banii Israa’iil بني إسرائي waxay waydiisteen Nabigooda markaas joogay, oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Ashmawiilأشمويل\ oo ah Ismaaciilإسماعيل\, inuu Ilaahay الله\ boqor u magaacaabo, markaasuu wuxuu u magacaabay ninka la yiraahdo Dhaaluut طالوت\  oo u dhashay qabiilka Banyaamiinبنيامين\. Markaasay waxay yiraahdeen, siday noo sheegeyso Aayadda laba boqol toddoba iyo afartan ee Suuratu Al Baqarahسورة البقرة\:

 

}وَقَالَ لَهُمْ نَبِيُّهُمْ إِنَّ اللَّهَ قَدْ بَعَثَ لَكُمْ طَالُوتَ مَلِكًا قَالُوا أَنَّى يَكُونُ لَهُ الْمُلْكُ عَلَيْنَا وَنَحْنُ أَحَقُّ بِالْمُلْكِ مِنْهُ وَلَمْ يُؤْتَ سَعَةً مِنَ الْمَالِ قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ (247){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Nabigoodu wuxuu ku yiri: “Ilaahayالله wuxuu idiin magacaabay Dhaaluutطالوت\ inuu boqor idiin noqdo.” 

Markaasay waxay yiraahdeen:

“Sideebuu annaga boqor noogu noqon karaa, annagaana isaga uga xaq badan boqornimada, xoolana ma laha oo hodan ma aha!”

Wuxuu ku yiri:

“Ilaahay الله ayaa u doortay inuu adinka boqor idiin noqdo, wuxuuna siiyay cilmi badan iyo jir wayn, Ilaahayna الله boqortooyadiisa wuxuu siiyay cidduu doono, Ilaahaynaالله waa Waasac Cilmi badan(247).”

 

Waxay Dhaaluutطالوت u diideen inuusan ka dhalan qabiilka boqorrada laga soo saari jiray oo ahaa Yahuuthaaيهوذا iyo midka Anbiyada laga soo saari jiray oo ahaa Laawiiلاوي\ midkoodna, balse u dhashay qabiilka Benyaamiinبنيامين oo ahaa qabiilka ugu taag darraa qabaa’ilka Banii Israa’iil بني إسرائيل\, shaqadiisuna waxay ahayd inuu hargaha magdi jiray oo ka shaqayn jiray; waxaa kaloo la yiri inuu dameer biyo ku dhaamin jiray.

 

Daauudداود Calayhissalaamu

 

Markaasuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ oo wuxuu doono fala, uu Dhaaluutطالوت\ dabadiis Daauudداود oo ku abtirsada Yahuuthaa bin Ya’quubيهوذا بن يعقوب wuxuu isugu daray Nabinnimada iyo boqornimadaba.

 

Markaasuu qabiilka Yahoothaaيهوذا kibray islana waynaaday, ayna yiraahdeen:

“Annagu waxaan nahay shacbiguu Ilaahayالله doortay, dadka intiisa kalena waa raaciye.”

 

Markaasay waxay aasaasteen dawlad ay u bixyeen “Yahuuthaaيهوذا“.

 

Sidaasuu qabiilka Laawii لاوي wuxuu ku waayay sharafta, darajada sarraysa iyo waxa ka dhalanaya inuu Nabiga Banii Israa’iilبني إسرائيل\ loo diro uu ayagaas ka dhashay.

 

Markaasay diideen inay Nabi Daauud داود Calyhissalaamu Nabinnimadiisa  iyo Rasuulnimadiisaba aqoonsadaan, ilaa maantadaan aan qoraalkan dhigaynno.

Markaasay Daauud داود colaadiyeen oo ay ka af minshaareeyeen oo ceebo uusan lahayn isaga iyo willkisa Nabi Sulaymaan سليمان Calayhissalaamu ka allifeen oo xumaan uusan lahayn ka faafiyeen.

 

Af miinshaarnimada iyo been abuurka ku saabsan Nabi Daauud داود Calayhissalaamu waxaa bilaabay ninka la yiraahdo Xufn ibnu Shimmah حفن إبن شمة\ oo qabiilka Laawiiلاوي u dhashay, loona yiqiinnay inuu beenlow iyo khamriyo cab ahaa.

 

Ninkaan wuxuu kaloo been ka abuuray Uuriyaa آوريا, oo ahaa askari ciidammad Nabi Daauud داود ka mid ahaa oo qisadiisu ku jirto Aayadaha 22 iyo 23 ee Suuratu Saadسورة ص\, iyo Bentu Sabcah بنت سبعة, gabadhaanoo kaddibna uu Daauud داود guursaday oo boqorad noqotay kaddibna u dhashay Nabi Sulaymaan سليمان Calayhissalaamu.

 

Ninkaanu wuxuu yiri inuu Nabi Daauudداود\ Calayhissalaamu jeclaaday haweenta sarkaalkaas ciidammadiisa ka tirsan ee Uuriyaaآوريا\, markaasuu isaga dagaalka u diray si loo dilo, ayadana uu ka zinaystay oo uu Sulaymaan سليمان ka dhalay, wal ciyaadu bi Allaahiوالعياذ بالله\! Ma Nabi Mursal ah ayaa waxaas ku kacaya?

 

Soo tan lama mid aha waxay dawladda Ingiriisku fashay oo ah inay abuurtay qoraal been ah inuu Donald Trump hore u tegay Moscow, caasimadda Russia, oo halkaas degay hotel wayn, uuna halkaas ku ijaartay gabar sharmuuto ah, ayna wardoonka ruushku film ka duubeen isagoo qolkiisa kula jira, oo uu sidaas ku yahay jaasuus ruush maxaa yeelay xiniinyahaa la hayaa oo filimkaas ayaa laga hayaa, oo uusan madaxwayne USA noqon karin? Markaasay dawladda Ingiriisku waxay qoraalkaas usoo gudbisay Senator John McCain, kaasoo gacanta ka saaray agaasimaha FBI James Comey, kanoo warkaas faafiyay. Kaddibna waxaa sii faafisay TVga CNN.

 

Faaiidooyinka ka dhalan jiray inuu madaxweynaha USA Ingiriis ahaa waxaa ka mid ah inuu dalka Ingiriiska u roonaado, tolkiisa maraykanaka deggan u dhiibo xilalka waawayn ee dawladda, sida wasiirrada, ku taageero inay ayagu noqdaan guddoomiyayaalka gobollada, madaxda bangiyada ganacsiga oo ay sidaas dadka ingiriiska u dhashay bangiyadu amaahiyaan lacago ay shirkado ku samaystaan, ku ganacsadaan, guryo ku dhistaan, shirkadaha waawayn ku maamulaan.

 

Inuu ninka Ingiriis ah oo skool maamula waxaa ka dhalanaya in awaliyada la siiyo dadka Ingiriiska u dhashay caruurtooda, oo qabaa’ilka kale albaabbada laga xirto.

 

Hadduu ninka booliska u taliya Ingiriis yahay, dadka Ingiriiska ah xiritaankooda lagu degdegi mayo. Tolkiis ayuu shaqooyinka wadanka u badinayaa, iyo xoolahaba.

 

Dad badan ayaa ku intifaacay madaxweynannimada Ingiriiska, kuwaasoo kasoo wada horjeesanaya oo la dagaallamaya Donald Trump, ninka Jarmanka ah, si ayan waxay haystaan ku waayin oo uusan Jarman siin.

 

Washington Post

 

Waxaan ka akhriyay dhammaadka 1993 ama 1994 wargays maalmeedka “Washington Post” oo kasoo baxa caasimadda USA ee Washington D.C. maqaalad ka warbixinaysa in boqolkii sano oo sanadkaas ka horreysay ay dawladda USA awoodeeda militari, tan siyaasadeed, tan diblomaasiyadeed iyo tan dhaqaale ku bixisay sugidda iyo ilaalinta “The British Empire”, oo ah inuu Ingiriisku sii lahaado dawladaha adduunka oo uu isticmaarsan jiray. Madaxwaynaha USA oo Ingiriiska ahaa wuxuu ahaa ina adeerka boqorka ama boqoradda ingiriiska.

 

Boqortooyada USA waa ka wareegtay Ingiriis waxayna noqotay mid Jarman

 

Donald Trump waa nin Jarman ah, marka wuxuu u qumayaa danta tolkiis iyo dawladda Jarmanka. U qumiddaas waxaa ka mid ah:

*Inuu Ruushka ka qaado, waqtiba ha ka qaadatee, cuna qabataynta saaran, maxaa yeelay dhaqaalaha dawladda Jarmanku wuxuu si xoog leh ugu xiran yahay midka Ruushka. Shirkadaha waawayn oo Jarmanku waxay laamo ku leeyihiin Russia, badeecadahay kala qaataan waa kumanyaal malyan oo doollar. Qawmiyadu Jarman ah ayaan Russia deggan.

Cunaqabtaynta uu Obama Russia kusoo rogay dhaawac wayn ayay dhaqaalaha iyo shaqaalaha Jarmanka gaarsiisay, oo dad badan ayaa ku shaqo waayay.

 

*Quwadda dalka Jarman burburisay Xarbiga Labaad ee Caalamka waxaa ka mid aha Ingiriiska oo la kaashaday USA, marka labadaas dal jacayl ma dhex yaal.

 

*Dawladda Jarmanka ee uu Hitler madaxda ka ahaa waxay laysay, sidaan kutubbada iyo filimmada taariikhda ka akhrinnay, dadkii ka badbaaday oo hadlayana aan u aragnay, lix malyan oo yuhuud ah. Donald Trump waxaan filayaa inuu dawladda Israa’iil aad u taageri doono, siday dawladda Jarmanku u taageerto, oo ay halkaas carabta dhibaato kasoo gaari doonto. Marna lagama yaabo inuu Trump Israa’iil ka caraysiiyo.

*Marka dawladda Jarmanka looga adkaaday Dagaalka Labaad ee Caalamka 1945, ayaduna ay is dhiibtay, waxaa laga saxiixay “Heshiiska Is Dhiibidda”, ayna ku dhigan yihiin shuruudo badan oo yaraynaya awooddeeda cilmiyeed, oo tusaale ahaan looma oggola inay samaystaan komputarrada qaarkood; awoodooda militari, oo looma oggola inay samaystaan hubka qaarkiis sida hubka nuklearka, madaaficda iyo gantaallada meel fog gaara, iwm.; dulkooda waa la haystaa oo waxaa ku sugaan boqollaalo kun oo militari shisheeye oo ka kooban, USA, UK, Fransa, Beljo, Holland, Danemark iyo kuwo kaleba.

 

Xaaladda dawladda Jarmanka hadda

 

Bisha Febraayo kun sagaal boqol laba iyo sagaashanka ee qarniga lasoo dhaafay, madaxweyne Maxammad Siyaad Barre oo kasoo laabtay booqasho uu ku tegay Washington D.C. ayaa booqasho shaqo ku yimid magaalo madxda Jarmanka Galbeed ee Bonn, anigoo halkaas danjirihiisa ka ahaa.

 

Halkaasna wuxuu kula kulmay madaxweynaha Jarmanka, Baarlamaanka Jarmank iyo madax badan ee dalkaas.

Madaxduu la kulmay waxaa ka mid ahaa Helmut Schmidt oo ahaa ahaa Wasiirka Koowaad ee dalkaas, kulana kulmay xafiiskiisa.

 

Marka la wada fariistay miiska wayn labadiisa dhinac, ayuu Mr. Schmidt si fiican u maqli waayay hadalka madaxwayne Maxammad, maxaa yeelay waxaa xaggiisa xigtay dheg uusan wax ka maqlin. Markaasaan anigu madaxwaynaha ka idan qaatay inaan Schmidt dhiniciisa fariisto oo aan warkiisa gaarsiiyo, uguna sheego afka jarmanka oo aan ku hadlo, isaguna waa iga yeelay.

 

Waxyaaluhu Schmidt yiri waxaa ka mid ahaa:

 

“Jarman waa dal xoog lagu haysto oo la kor deggan yahay tan iyo Dagaalka Labaad ee Caalamka. Dhulkeenna waxaa deggan shan boqol oo kun oo ciidammada dagaalka ee USA, waxaana yaalla shan kun oo gantaal oo xambaarsan hubka nuklearka oo ku fiiqan Soviet Union. Intaasoo kale oo ay Soviet Union leedahayna waxay kusso fiiqan yihiin arliga Jarmanka.

Tankiyada Soviet Union oo Berlin joogana waxay Bonn ku imaan karaan laba saac, haddayan hakin baabuurta badan marka shaqada laga soo baxo ee Koeln.

Waxaa kaloo dalkeenna ku sugan intaasoo askari oo Ingiriis ah, intaasoo Fransiis ah, intaasoo Beljo ah, intaasoo Hollanda ah, xattaa generaal Danemark ah waa nala joogaa.

 

Anigoo ah Wasiirka Koowaad ee Jarmanka awood uma lihi inaan hal askari oo Jarman ah ka beddelo Bonn oo aan gobolka Bavaria u beddelo. Beddelkaas askarigaasu wuxuu u baahan yahay inuu warqadda beddelkiisa oggolaado danjiraha USA ee Bonn, oo uu saxiixo, shabbaddisana uu saaro. Markaasaa askarigaas beddelkiisu meel marayaa.” Waa intaas warkiisu.

 

Xaaladdaaso kale waxaa ku sugan dawladaha Itaalia iyo Japan oo ayagana xarbigaas looga adkaaday, oo sidaasaa ayagana loo dul fadhiyaa oo loo ilaaliyaa.

Saddexdaas dawladood xor ma aha balse waa mustacmarad ay USA leedahay.

 

Tusaale kale waa dhaqdhaqaaqa la oran jiray “Il Manifesto” waxay ahayd xarakada ugu horraysay oo ay USA samaysay kaddibna loo bixiyay “Colour Revolution” ama “Kacdoonka Midabyada leh”, oo lagu riday dawlado badan oo adduunka, annagana waxaa noo keentay dawladda Talyaaniga oo u adeegeysay midda USA.

 

Sidoo kale Jarmanku wuxuu u adeegaa USA, siyaasaddiisuuna fidiyaa, waana hub ay ku shaqaystaan.

 

Danjirayaalka Jarmanka, Talyaaniga iyo Japan waa wardoon USA, waxayna shaqadoodu tahay inay siyaasadda USA meel mariyaan.

 

Danjiraha Russia u joogi jiray Somaaliya, kaddibna aan kula kulmay Vienna arliga Austria isagoo ah safiirka Russia ee Qarammada Midoobay, aniguna aan ahay safiirka Jaamacadda Dawladaha Carabta ee Qarammada Midoobay, wuxuu isaguna ii sheegay inay hawsha danjirayaalka dawladaha reer galbeed ee Muqdisho joogay zamanka madaxwayne Maxammad Siyaad Barre shaqadoodaba ay ahayd u kuur galka hubka ay dawladda Soomaaliya leedahay, ayna ka hesho Midowga Sovyeeti.

 

Tusaale kale oo aan anigu goob jood u ahaa, waa markay Amxaaradu naga qabsatay labada degmo ee Galdogob iyo Balanballe, oo ay markaas dawladda Soomaaliya Jarmanka waydiisatay inay ka gaddo hub ay dhulkeeda ku xorayso.

 

Markaasuu Helmut Schmidt wuxuu aaday USA, aniguna aan xafiiskiisa ugu tegay markuu kasoo laabtay wuxuuna igu yiri:

“Waxaan Los Angeles kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Madaxawayne Ronald Reagan, wuxuu igu yiri:

“Ha ka gadina Soomaaliya hub, maxaa yeelay waxay kula dagaallamayaan walaaleheenna krishtaanka ah ee Ethiopia.”

Jarman xor uma ahayn inay hubkeeda cidday doonto ka gaddo.

 

Boqortooyada Jarmanka

 

Sidaasaa waxaa ka bilaabatay USA boqortooyada Jarmanka uuna madax u yahay madaxwayne Donald Trump, wuxuu falana waa arki doonnaa.

 

 

 

Dhibaatada iyo cuna qabataynta Jerman la dul saaray ma isku dayi doonaa Donald Trump inuu ka khafiifiyo? War wixii jira Cakaaruu imaan.

Jerman ma laha mustacmarado hore oo ay USA u ilaalinayso. Muddo gaaban ayay Afrika dhawr dawladood ka gumaysatay.

Donald Trump waxay xoolo badan u yaallaan dalalka carabta ah, oo carab nacayb iyo nacayb uu gaalada kala uga duwan yahay oo uu u qabo diinta Islaamka lama sheegin , sidaan Hitler laftiisa loogu sheegin.

 

Muftiga Falasdhiin Al Haaji Al Shariif Al Amiin Al Xusayniiالحاج الشريف الأمين الحسيني\ oo Hitler la fadhiya. Maswirka waxaan kasoo qaadannay internetka.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Isniin shan iyo labaatanka Rabiicu Al Thaaniiربيع الثاني\ kun afar boqol sideed iyo soddon Hijriga الهجرة\, una dhiganta saddex iyo labaatanka Jannaayo laba kun toddoba iyo toban.

 

 

 

SHARE