Waa Maxay Federal. Qore: Axmed Xaayoow.

 

Haayow

 

Waa maxay Federal?

 

Markaan fiirino qaabka Federalka Mareykanka, waxaad dareemeysaa in aanu hal sano iyo wax la mid ah ku dhismin, laakiin, wakhtiyo kala duwan uu soo maray, ilaa maantana wax lagu daro ama laga jaro Dastuurka ay leeyihiin 50 ka state uu ka kooban yahay Mareykanka.

Waxaa Midnimada billaabay 13 State sanadu markey aheyd 1732, kuwaas oo kala ah 1.Connecticut 2.Delaware 3.Georgia 4.Maryland 5.Massachusetts 6.North Carolina 7.New Hampshire 8.New Jersey 9.New York 10.Pennsylvania 11.Rhode Island 12.South Carolina 13.Virginia.

 

Waxey la bexeen 13 colonies, kuwaas oo ku wada yaaleen dhanka Bariga Mareykanka, iskuna xushay luqada ingiriiska iney ku wada hadlaanyeen, wixii ka dambeeyay Gobol gobol ayaa loogu soo biiray, waxaana ugu dambeeyay Alaska iyo Hawaii oo soo galay 1959.

Waxaa Dastuurka Mareykanka ku dhaqankiisa billaabay Madaxweyne James Madison oo loogu yeero Aabbaha dhaqangalka Dastuurka, sanadi (1809-1812) laakiin waxaa qoray Madaxweynihi ka horreeyay Thomas Jefferson (1801-1809).

Maxey ka siman yihiin 50ka Gobol ee midoobay? Maxeyna ku kala duwan yihiin?.

Waxey laga wada simay iney Golaha Baarlanaanka min Laba Sanetor ku soo darsadaan Gobol kasta, taas oo ah 50×2=100 Aqlka Odayaasha ama senetor, laakiin waxey ku kala duwan yihiin tirada (house representativies) Aqalka wakiilada, Aqalkaas oo loo qeybsaday tirada dadka

ku nool gobolka inta ay leg yihiin, tusaale Gobolka California wuxuu leeyahay 2 senetor iyo 53 house oo ah 55 Mudane, halka Goloka Montana uu ka leeyahay 2 senetor iyo hal house oo ah 3 Mudane, waayoo California waxaa ku nool dad gaaraaya 37,253,956 tiridi 2010 la sameeyay, halka Montana ay ku nool yihiin 989,415 qofood, markaan ka fiirino dhanka baaxada dhulka Gobolka New York baaxadiisu waa 141,741 km oo laba jibaaran, halka dadka ku nool ay ka badayihiin Montana oo baaxada dhulkeedu uu yahay 381,000 km oo laba jibaaran, Montana waa Gobolka 4aad ee ugu weyn gobolada Mareykanka, sidaa ay tahay New Yorka ayaa leh 2 senetor iyo 27 house waayoo waxaa ku nool dad gaaraaya 19,378,102 qofood, siddaa daraadeed waxey Montana raali ku tahay iney Baarlamaanka u soo dirsadaan 3 qofood halka New Jersey oo dhulkoodu yahay 22,000 oo km ay 14 qofood kaga darsato Baarlamaanka..

 

Waa kan taxa Tirada dadka, Bedka iyo Tirada Baarlamaanka 50 ka Gobol ee Mareykanka.

01.Alabama   Dadka 4,779,736, Bedka   135,765 sq km, congress   9 qofood

02.Alaska…. Dadka     710,000, Bedka 1,717,854 sq km, congress   3 qofood

03.Arizona…Dadka   6,392,017, Bedka   295,254 sq.km, congress 11 qofood

04.Arkansas Dadka   2,915,918, Bedka   137,730 sq km, congress   6 qofood

05.California Dadka 37,253,956, Bedka   424,200 sq,km, congress 55 qofood

06.Colorado Dadka   5,029,196, Bedka   296,600 sq km, congress   9 qofood

07.Connecticut Dad   3,574,097, Bedka     14,356 sq km, congress   7 qofood

08.Delaware Dadka     897,934, Bedka       6,446 sq km, congress   3 qofood

09.Florida     Dadka 18,801,310, Bedka   170,305 sq km, congress 29 qofood

10.Georgia     Dadka   9,687,653, Bedka   153,910 sq km, congress 16 qofood

11.Hawaii     Dadka   1,360,301, Bedka       28,311 sq km, congress   4 qofood

12.Idaho       Dadka   1,567,582, Bedka     216,445 sq km, congress   4 qofood

13.Illinois       Dadka 12,830,632, Bedka   149,997 sq km, congress 20 qofood

14.Indiana     Dadka   6,483,802, Bedka     94,322 sq km, congress 11 qofood

15.Iowa         Dadka   3,046,355, Bedka   145,741 sq km, congress   6 qofood

16.Kansas       Dadka   2,853,118, Bedka   213,096 sq km, congress   6 qofood

17.Kentucky   Dadka   4,339,367, Bedka   104,659 sq km, congress   8 qofood

18.Louisiana   Dadka   4,533,372, Bedka   134,265 sq km, congress   8 qofood

19.Maine         Dadka   1,328,361, Bedka   91,647 sq km, congress     4 qofood

20.Maryland   Dadka   5,773,552, Bedka   32,134 sq km, congress   10 qofood

21.Massachu.   Dadka   6,547,629, Bedka   27,335 sq km, congress   11 qofood

22.Michigan     Dadka   9,883,640, Bedka 250,493 sq km, congress   16 qofood

23.Minnesota   Dadka   5,303,925, Bedka 225,171 sq km, congress   10 qofood

24.Mississippi   Dadka   2,967,297, Bedka 125,433 sq km, congress     6 qofood

25.Missouri      Dadka   5,988,927, Bedka 180,532 sq km, congress   10 qofood

26.Montana       Dadka     989,415, Bedka 380,837 sq km, congress     3 qofood

27. Nebraska     Dadka   1,826,341, Bedka 200,346 sq km, congress     5 qofood

28.Nevada         Dadka   2,700,551, Bedka 286,352 sq km, congress     6 qofood

29.New Hampsh. Dad     1,316,470, Bedka 24, 216 sq km, congress     4 qofood

30.New Jersey   Dadka   8,791,894, Bedka 22,587 sq km, congress   14 qofood

31.New Mexico Dadka   2,059,179, Bedka 314,914 sq km, congress     5 qofood

32.New York     Dadka 19,378,102, Bedka 141,325 sq km, congress   29 qofood

33.N. Carolina   Dadka   9,535,483, Bedka 139,988 sq km, congress   15 qofood

34.N. Dakota     Dadka     672,591, Bedka 183,112 sq km, congress     3 qofood

35.Ohio             Dadka 11,536,504, Bedka 116,096 sq km, congress   18 qofood

36.Oklahoma     Dadka   3,751,351, Bedka 181,035 sq km, congress     7 qofood

37.Oregon         Dadka   3,831,074,     Bedka   254,803 sq km, congress     7 qofood

38.Pennsylvania Dadka   12,702,379, Bedka   119,282 sq km, congress   20 qofood

39.Rhode Island Dadka     1,052,567, Bedka       4,001 sq km, congress   4 qofood

40.South Carolina Dadka   4,625,364, Bedka     82,931 sq km, congress   9 qofood

41.South Dakota Dadka       814,180, Bedka   199,730 sq km, congress   3 qofood

42.Tennessee       Dadka   6,346,105, Bedka   109,150 sq km, congress 11 qofood

43.Texas               Dadka 25,145,561, Bedka     696,241 sq km, congress 38 qofood

44.Utah               Dadka   2,763,885, Bedka     219,887 sq km, congress   6 qofood

45.Vermont         Dadka       625,741,   Bedka       24,900 sq km, congress   3 qofood

46.Virginia         Dadka   8,001,024,   Bedka     110,784 sq km, congress 13 qofood

47.Washington   Dadka   6,724,540,   Bedka     184,666 sq km, congress 12 qofood

48.W.Virginia     Dadka   1,852,994,   Bedka       62,755 sq km, congress   5 qofood

49.Wisconsin     Dadka   5,686,986,   Bedka     169,639 sq km, congress 10 qofood

50.Wyoming       Dadka     563,626,   Bedka     253,334 sq km, congress   3 qofood

 

Tirada guud ee Baarlamaanka waa 535, laakiin dhibcooyinka la xisaabiyo doorashada Madaxweynaha waa 538 dhibcood oo uu Gobol walba leeyahay inta Baarlamaanka ugu jirto, waxaa dheer 3 dhibcood oo ah District of Columbia taasoo ah halka Madaxtooyadu ku taalo, tirada dadka ku nool waa 601,723 qofood, Bedka ay ku fadhido waa 176 sq km.

Qofka ku guuleysanaaya Madaxweynenimada waxaa laga rabaa 270 dhibcood, waxaa jira Gobolo loo yaqaano Blue States iyo Red States oo kala doorta Demoqoraadiga iyo Ribablikaanka, waxaa jira Gobolo loo yaqaan Swing States ama Gobolada is bedbedla oo had iyo lagu tartamo, sidda Florida 29, Ohio 18, North Carolina 15, Varginia 13, Wisconsin 10, Colorado 9, Iowa 6, Nevada 6, iyo New Hampshire 4, Goboladaas dhibcahooda guud waxey dhan yihiin 110 dhibcood.

Kontonka Gobol waxey ahaayeen 50 wadan oo isu tegay lana baxay 50 States, mid walba wuxuu leeyahay Govarnatoore ay dadkiisu soo doortaan iyo Duqmaalo ay degma waliba doorato, Gobol kastaa wuxuu leeyahay Baarlamaan u gaar ah iyo shuruuc u gooni ah, laakiin waxey hoos tagaan Federalka.

Somalia haddii ay rabto iney Federal noqoto, waa rabnaa laguma noqon karo, laakiin waa in marka hore la dejeyaa shuruucdi Federalka, waa in dadka dalka ku nool la tirakoobo si loo helo cadadka ku nool Gobol walba oo dalka ku yaal.

Waxaa lagama maarmaan ah inaan la iloobin Somaliweyn oo boos looga baneeyo iney berri nagu soo biiri karaan walaalaheena naga maqan, laakiin haddii aan waxba loo reebin oo 20 Maamul Goboleed oo Federal ah la sameeyo, waxey noqoneeysaa inaan cidna nagu soo biirin haddii ay hesho gooni isutaag berri ka maalin, haddaan maanta ka fiirsano oo aan Federalka ka dhigano labadi midowday 1 july 1960, waa albaab furan oo la soo geli karo.

 

 

Waa Qalinkii Axmed Xaayoow

xaayoow09@hotmail.com

SHEEKOOYIN