Saaxiibkaan Eersaday Q11AAD W/Q: Cismaan Qanyare

Saaxiibkaan Eersaday Q11AAD 

Maalintay Ladan xabsiga ugu tegaysay, ayaa ahayd maalintii loo sheegay inay uur leedahay waa maalintay cafisay ee ilowday Liibaan xumaan kasta oo uu u geystay, waxayna go’aan ku gaartay inay soo ceshato lana dhaqanto oo aysan ubadkeedu aabbe la’aan korin, dhib kastana ugu dulqaadato.Liibaan waxaa loo dhaqaajiyey dhinaca xabsiga waxaanna lagu riday baabuurkii maxaabiista ilaa intii uu baabuurku u sii socday xabsiga waxaa maskaxdiisa dhex miranaayay siday isu barteen isaga iyo Ladan.

Liibaan oo ku cusub shaqada ayaa waxaa uu yimid meel weyn oo ay shaqaaluhu ku nastaan, nasiib xumo mashiin meesha yaalay ayuu isticmaalkiisa garan waayey oo ka duwanaa qaabkii uu yaqaanay, kaddib wuxuu ku ritey lacag wuxuuna taabtay wuxuu rabay waxaan ahayn, halkaas isagoo la rafanaya ayaa waxaa isa soo daba taagtay Ladan, Juuq uma aysan oran ee waxay sugeysay intuu ka dhammeysto, markay aragtey siday isugu rafaadsan yihiin ayay tiri: Ma ku caawiyaa?

Liibaan ayaa ku soo jeestay markuu arkay ayaa isaga oo ashqaraaray quruxdeeda iyo qaab dhismeedka hubqaadkeeda iyo sida eebbe isugu dheelitirey si naxariis leh uga dalbaday caawimada isagoo leh: Haa abaayo maxaan ku diidayaa waad aragtaa dhibka na kala haystee?

Ladan: Ayaa weydiisay wuxuu rabo kaddibna u soo saartey iyadoo weliba bixisay lacagta maadaama ay iyadu jajab gacanta ku haysey.

Liibaan ayaa is yiri u celi lacagta Ladanse way ka diiday iyadoo weliba u raacisey: Waxaad iga dalbatey caawimo, tanina waa mid ka mid ah, teeda kale dhaqanka Soomaalida waa ceeb inaad qof wuxuu kuu gartey ku celiso, ee ma dadka qurbaha ku daahay ee dhaqankii ka tegay baad tahay?

Liibaan oo isku xishoodey lana yaabay kaftankeeda iyo garashada Ladan ayaa yiri: Dhib ma leh maalin kale ayaan kaa aarsan doonaa, wuxuuna u sheegay magaciisa isaga oo gacan qaadaya waxaa lay yiraahdaa Liibaan barasho wanaagsan!

Ladan: Barasho wanaagsan anigana waxaa lay yiraahdaa Ladan.

Liibaan ayaa yiri: Hore ma laguugu sheegay inaad qurux badan tahay?Weliba saa’id!

Ladan ayaa intey Afka maroojisay tiri: Waxaan ku weydiiyey horta ma iskool baa lagu baraa mise waa dhaqan ragga Soomaaliyeed u gaar ah weydiimaha noocan ah: Hore ma laguugu sheegay inaad quruxleey tahay! Waxaad u egtahay gabar aanu is naqaanay, deris ahayn, iskool wada dhigan jirnay? Alla abaayo ma Soomaaliyad baad tahay waxaan ku moodayey Ereteriyaan iyo Afrikaanta kale IQB.

Liibaan oo bannoonigii ugu horeeyey laga qabtay ayaa yiri: Haa laga yaabee inay ragga Soomaaliyeed is baraan ama isu dardaarmaane, Dumarka Soomaaliyeed, Suuraha, is qalqaloocinta Af maroojis, Buur isa saarka, iyo Santaaga ma dugsi bay ku dhigtaan?

Iyadoo murankoodu cirka maraayo ayaa biriftii dhacday, markaasaa shaqadii lagu kala noqdey, sidii ayaa maalin walba waxaa taxane u ahaa, Kaftan goos goos ah oo ku saabsan dabeecadaha ragga iyo dumarka waxaaney ciyaartoodu ahayd mid barbaro ku dhamaata .

Aad ayay isu fahmeen isuguna soo dhawaadeen, kaddib waxaa damac galay Liibaan oo habeenkii dambe ka dalbaday iney isla casheeyaan oo ay kulmaan, balse, kama uusan qarin barashadoodii hore inuu yahay xaasle oo carruuri u joogto.Ladan maba shareysan oo waxay u aragtay uun is barashadooda qayb ka mid ah, waxaase waagu ku baryey markii ay cashada ka yimaadeen ee uu gurigeeda keenay inuu gudaha u soo galay, kaddibna uu shukaansi daneed la soo baxay, waase ka diiday kuna gacan seyrtey, weliba habeenkaas caro ayaa lagu kala tegay.

Liibaan ayaa habeenkii arrinkii ceebsaday, maalinimadii dambe ee isniinta kaddib Sabti iyo Axad ay fasax ahaayeen ayuu xaalmarin iyo raaligelin arrintii ka baxshay, wuxuuna ka cudur daartey siduu u dhaqmay, iyaduna waa ka gudoontey, markaas ayuu nolosheeda ka wareystay, waxayna u sheegtay in ina adeerkeed ay kala tageen umase sheegin sababta ay u kala tageen.Muddo kaddib ayaa iyagoo sidii xiriir wanaagsan oo weliba tixgelin iyo xushmad badani ka dhaxeeyo uu u bandhigay inuu guursado, iyaduna kama aysan diidin, weliba dhammaan shuruudihiisa wey ka yeeshay, waxayse ka codsatay inuusan nolosheeda dhibaateyn oo murugo iyo welwel cusub gelinin kulana dhaqmo daacadnimo iyo is afgarad.Liibaan sidii ayuu ka balanqaaday, waana isku afgarteen guurka, Liibaan xasuustaas ayaa la tagtay wuxuu ka war helay iyadoo la leeyahay soo deg waxaa la joogaa, Xabsigii, halkaasna wuxuu ku xerooday qolkii madoobaa ee 3 billood 90ka maalmood lagu xukumey.

Looyaan ayaa markii lagu soo celiyay cisbitaalkii uu ku jiray ee qolkiisii la keenay wuxuu ugu yimid Luul oo ku sugeysay cisbitaalka. Looyaan wax balan ah lama uusan laheyn mana uunan filanayn in Luul oo sugeysa uu ugu imaan doono qolkiisa. Looyaan mar allaale iyo markii uu indhaha saaray Luul ayuu iska dhigay nin bestiis (Xaraarug) ah oo uu xanuun darani hayo wuxuuna bilaabay taah iyo cabaad.

Luul oo aan dan iyo muraad ka laheyn taaha iyo cabaadka ka baxayay Looyaan ayaa markiiba su’aalo jawaabahoodu muhiim u ahaayeen oo darandoori ah ku boobtay ,waxayna ugu horreynba weydiisay iyadoo aanan ka wareysanin caafimaadkiisa su’aalahaan:

Luul: Maxaa lagu xukumay Liibaan?

Looyaan: Bal horta salaan iga gudoon Luul, miyaan leysba salaameyn, marka xigtana adiga iyo carruurtii soow iskama fiicnidiin?

Luul: Salaanta waan kaa gudoomay waana iska fiicannahay,adiguna inaad fiican tahay waan ku arkayaaye iiga jawaab su’aasha maxaa Liibaan lagu xakumay?

Looyaan: Xagaan ka fiicannahay?Aniga intii la isii riixaayay marna la isoo riixaayay ayaa xanuuno isdaba joog ahi i qabteen, oo malaha lafihii iyo birihii la isku ka kabay ayaa i kala baxay baan u maleynayaa!

Luul: Waad iska caafimaadiye, Liibaan maxaa laga xukumay?

Looyaan: Liibaan naarta allaha ku fogeeyee hadalkiisa maxaad weli u wad-wadaa oo aad afka ugu heysaa ?Xasuus daranidaa? Sow ninkii sidaad ogeyd kuu galay maaha? teeda kalase sow ninka dhaawacan aad arkeysid daraadaa iigu geystay intii aan kuu hiilinayay maaha? Maxaad horta ninkaas iigu soo hadal qaaddaa?

Luul: Oo hadalkani qaras hor leh ku kiciyey ayaa tiri, War heedheh horta, habaarka jooji nin weyn baad tahaye! tan xigta soow ma ogid inuu Liibaan ninkeygii yahay? Oo uu labadeyda carruur ee aan ifka ugu jeclahay aabbahood yahay? Waa kuu sharaf iyo dadnimo xumo inaad horteyda ku habaartid!

Looyaan: Ayaa isaga oo ilaawey taahii iyo xanuunkii u taana taaneeyey Luul isaga oo leh, waxaa hore loo yiri: “ Doqon hana gargaarsan hana u gargaarin” Adigii aan is lahaa u hiili oo qoftan miskiinta ah ee dhagran (ajaran) u sheeg xaalkaaduna yahay “ Isma og aqalkii bay aslaysaa’’, ayaa hadda i leh waa ninkaygii iyo waa fulaaan fulaan!!

Luul: Oo aad moodo iney qof dhega culus la hadlayso ayaa hadal sanqar kulul oo carona ka buuxdo ku tiri war hiilada aad sheegeysid ma anigaa ku weydiistay oo ii hiili ku iri? Tan kale inuu Liibaan naag kale ila guursaday wey jirtaa, waxaanse sida wedkayga u hubaa inuu Ifka iigu jecelyahay, waayo hadduusan I jeclayn maba fureen naagta kale, ee anigaa ku dumaroobey oo garan waayey cafi ama saamax aargoosi iyo dagaalkana ku qaaday, ee doqonyahaw walaahi baadan kabtiisa gaareyne Afkaaga ka leexi, wanaagga ayaa kaaga daray wax loo ixsaan falo ma tihide.

Looyaan oo yaab iyo amakaag isugu yimid weligiisna waxuusan filan dhegihiisa ku dhibcayaan ayaa yiri: “ Maaniga ayaad doqon igu leedahay”?

Luul: Oo aan indhaheedu libiqsanayn ayaa tiri ‘’haa adiga ayaan kugu leeyahay maxaad isaga dhigaysaa nin wanaagsan oo wax ii qabtay saw ma tihid kii shuhuuda iyo marqaatiga u ahaa, haddana xogtii lagu qarsaday ee saaxiibkiis ku aaminey garan waayey qari iyo gurigaas ha dumin’’.?

Luul oo weli hadalo kulul sii wada aya tiri: Sidey doontaba ha u dhacdee,adiguna inaad ii sheegtid kuma aadan qasbaneyn, maadaama aad markii horeba qeyb ka aheyd arinkaas, anigu aan uga xumaado arinkaas isaga , laakiin taas macnaheedu maaha inuu Liibaan kacbadii ilaahey soo gubay!. maxaadse adigu malaa’ik isaga dhigaysaa? sow marqaatigiisii meherka maadan aheyn? Liibaan la garay oo waa nin hal xaas ku filnaan weyday oo xaas labaad u baahday, ilaahey baana 4 u banneeyee, oo waxa aan aniga uga maseyrayo oo aan ula dagaalay waa dumarnimada igu jirtee , adiga maxaa ku hayay? maxaase keenay adigoo marqaatigisii ahaa inaad hadana fashilisid saaxiibkaa? Soow ma ogid inaan anigu Liibaan madaxiisa kugu soo dhaweeeyay maadaama aad saaxiibo aheydeen? Ma doqon baad i moodeysaa waryaa?

Looyaan ayaa yiri: Oo hadda ma waxaad iigu timid inaad xaalkayga ogaato mise inaad ii tiriso oo aad I caydo?

Luul ayaa tiri: Waxaan kuugu imid garan maayo waxaanse ogahay inaan kugu xiriiriyo Liibaan madixiisa Hadaad danihiina isugu dhacdeen aniga ha iga dhigan jaranjaro (sallaan) aad u isticmaashid inaad Liibaan ku waxyeeleysid! Waligaana ogoow in nin saaxiibkiisii koowaad xumeeyay ee sabab u noqday inuu dhibaato dhex dhigo isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa uusan weligii cid ama qof kale ee uu asxaan u falaayo jirin! Asxaan iima aadan sameeyn ee Liibaan baad iga fogeysay! Waxaad tahay saaxiibkuu liibaan eersaday! Dumaashigii aan anigu eersady! iyo adeerkii ay carruurteydu eersadeen!! waxaad tahay mid aan wada eersanay!

Looyaan: Oo waa’ cusubi ku baryay si weyna u dhageysanayay canaanta iyo eedeymaha Luul ay dushiisa ku tuureysay ayaa isagoo aad labadiisa indhood gaduudkooda moodeysid in basbaas laga mariyay, durbaba baddalay mowduuca hadalka Luul isaga oo abbaaraya halkii ay Luul ka jilicsaneyd ee uu horey u sahansadey, isagoo ujeedadiisu tahay inuu dhinac kale kasoo wareego maadaama sheekadiisii hore socon weyday. Wuxuuna ku tiraabaya hadaladan: Luuleey waxaad ogtahay ma jiraan,carruurna waxba ma dhaantid inkastoo aad aqoon sare leedahay, ileyn aqoon naageed iyo cilmi kastoo ay barato caqli uma siyaadiyo. Anigoo u dhaawacmay oo u dhiman gaaray daraaddaa ayaad sidaas iila hadashay! Maxaad ka ogtahay wixii maanta maxkamadda ka dhacay? Ilaahoow qof aan wax ogeyn ha cadaabin!!

Luul oo aad moodid inay xiisa gaar ah u leeyiin inta ugu danbeysay hadalka Looyaan ayaa la soo booday maxaa ka dhacay maanta maxkamadda?

Looyaan: Horta Ladan oo aad moodeysid inay in la yiri tartan quruxeed ayaad galeysaaye si wanaagsan oo cajiib ah usoo labiso ayaa timid maxkamadii oo weliba soo fariisatay halkii Liibaan ku beegnayd sida inuu Liibaan yahay muraayad ay isku daawaneyso, lugaheedii dhaadheeraa iyo kubabkana soo qaawisay, iyadoo ay barbar fadhiyaan laba nin oo aan wajiyadooda hore u arkay oo ah dadka inta lacag la siiyo loo adeegsado inay qofka loo ciil qabo soo dilaan ah. Waxaa la filaayay inaad maxkamadda imaan doontid oo waxaa la rabay in wajigaada la tuso si ay kuu qaarijiyaan. Liibaan iyo Looyarkiisuba dacwada waxay u rogeen in aan aniga iyo adigu Liibaan isla qayaameynay oo aan leenahay xiriir hoose! Taasina ay sabab u aheyd inuu dhaawacan ii geysto. Nasiib darro garsoorayaashii maxkamaduna wey ku qanceen , sidaas awgeed ayaana xukunkiisii lagu soo koobay 3 bilood kaliya! Waxaan Kale oo kuu sheegayaa inuu Liibaan weli Ladan qabo oo ay tahay xaaskiisa, waadigii i lahaa dartey buu furaye eber ayuu furey, oo waa laguu been guurey.

Labadeyda dhagood ku maqlaayay markii ay maxkamadda dhammaatey haddaan kuu sheego iga rumeysan meysid ee maxaan ka xiiqayaa?. Anigu markii horena been kuuma sheegin oo inuu naag kula guursadey run bey aheyd, waana tii caddaatey hadana waxaan run aheyn kuu sheegi maayo laakiin waxaa muhiim ah inaad u diyaar tahay!.

Luul oo maseyrkii kusoo laba kacleeyay ayaa durbadiiba ku warcelisay maxaad dhagahaada ku maqleysay?

Looyaan oo iskaba ogaa inay sii weydiin doonto wuxa uu u sheegay inuu maqlayay ayaa hadalkii ku bilaabay: Waxaan soo dhinac maray Ladan iyo Liibaan oo aad moodo in Xabag layskula dhejiyey oo isku ooynaya, qofka arkaa wuxuu u maleyn lahaa uun iney yihiin Jilayaashii Filimaanta hindiga ee jacaylka meteli jirey. Waxaa kaaga sii daran erayada iyo ooyinta laysku jiibinayey.

Waxaase iigu naxdin badnayd markay ku tiri: “Gacaliye dacwadii in lagaa fududeeyo waan ku guuleysanay, balse, fursad qaali ah baa halkaas nagu dhaaftay oo aheyd inaan Luul wajigeeda nimankan tuso si ay xitaa ugu yaraan magaalada uga raraan oo u cabsi geliyaan una ugaarsdaan!.

Raggaas ay sheegeysayna anigana wajigayga si fiican ayayba u arkeen, oo hadda ammaankeygu halis ayuuba ku jiraa goor kheyr leh baad maxkamadda ka baaqatay. Adigana waxayba kaaga dhagan tahay ‘’ninkeygii’’ Maasha la yiri ‘‘Laba kala bariday kala war la’’!

Luul: Oo xanaaq cirka mareysa, haddana is diidsiinaysa hadalkiisa ayaa si qaylo ah u tiri: Ruufiyaan baad tahay, Ladan adigaa ninkeygi u guuriyay, adigaa anigana igu diray, welina fidnaddii baad waddaa!! Luul oo intii ay hadalka wadday is iloowday codkeeduna ahaa mid aad u dheer oo xanaaq iyo caro fara badan la socdeen, ayaa waxaa laga maqlay xafiiskii kalkaalisooyinka caafimaadka oo aan ka fogeyn qolkii ay kuwada hadlayeen iyada iyo Looyaan .waxaana lagu amray Luul inay qolka iyo cisbitaalkaba ka baxdo.Luul ayaa iyadoo dhiigu ku karsan yahay cisbitaalka orod uga soo baxday, waxaana ku ciirtay talo. Luul waxay ku soo dhacday gaarigeedii, intii ay gurigeeda u soo socotayna wey isla hadleeysay.

Luul iyadoo isla hadlaysa ayay gurigeedii tagtay, maalintaasi si ay ku dhaaftay ma ogeyn, mar wey ooydaa, marna wey buraanburtaa, mar waa heesta oo heesihii calaacalka ahaa ayay darandoorisaa, guriga hawshiisa oo saacaddo ku qaadan jirtey waxay ku dhammeysay daqiiqado, habeenkaas hurdo ma ledin, ugu dambayntiina waxay go’aan ku gaartey inay Liibaan u tagto oo afkiisa ka soo ogaato inuu qabo Ladan iyo in kale?

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cismaan Qanyare

 

 

 

 

SHEEKOOYIN