Xeerkan iyo Xigmada Shiribka! Q4AAD W/Q: Xasan K. Cuute(Shiribmaal)

Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q4AAD

Sidaan horeba ugasoo warranay Shirib goob laga sheego iyo Gole la isugu yimaadu waxaa u dambeeysa Shanleeydii aan kusoo qaadanay qeybti sedexaad. Shanta lafteeda lagama curin karo xaraf ka baxsan “SHIIN” maxaa yeelay ma suuroobeyso in la adeegsadu xaraf kale deelqaafna laga dhowro, oo laga ilaaliyo, mar haddoow deelqaaf kaa noqdana micna weyn iyo macaan yeelan maayo,illeyn Shiribku waa xaraf raac sida Suugaanta kale oodhan.Marka lama dhihi karo Shan Walxaato oo Xaraf aan “SHIIN” aheyn ku taal! Inta badan Shanta ayaaba dhacda in shiinleeyda laftigeeda laga curiyo wax yar oo fara ku tiris ah.

Markaan taa ka soo tagno waxaa jira Shirib Sideedleey iyo Sagaalleey la yiraa iyaguna waa hab kale ee wax lagu curiyo, waxayna ku baxaan Halraac ku sidkan kuna qotoma dhawaqa xarafka tirade,  Sida  shanleeydu u noqotey shin ayaa kuwanina u noqonayaan “Siin”  Xarfaha kale waa laga curin karaa waana laga dhigi karaa laakin sharci ahaan ma wanaagsana oo isku toosi maayaan dhihitaan iyo dhedhen mug weyn yeelan maayaan.

Shiribkaan Sideedleyda iyo Sagaaleyda ah  ma jiri jirin  waayadii hore marka laysugu yimaado goobaha kulamada ama goleyaasha laysku shirbayo,balse  waayahan dambe ee cusub shiribkana lagu qoro, waa la arkaa  dhallin iyo hal abuurka ayuu hanaqaaday. Mana u badno sida Shiribyadii hore ee Seddexleeyda iyo afarreeyda ahaa laakin mar ay ka fursan weydo ayaa la curiyaa.

Shiribkan oo hanaqaaday dhawaanahan ayaa u curta sida shiribyada kaleba u curtan loona adeegsadaa amminta iyo mileyga ku habboon curintiisa, waxaanan dhihi karaa waa taran cusub oo shiribku yeeshay iyo horumar lagu soo kordhiyey. Mida lagama maarmaanka iyo ma dhaafaanka ah ayaa ah, inuusan lahayn wax deelqaafka dhisme iyo dhumucba shiribka lagu curiyo sideedleyda iyo sagaaleyda marka laga yimaado xulashada tirade aan hore loo qabsan jirin.

 

Sidaan  horeba ugu sheegnay  hordhicii shiribka,  Shiribku waa sida  suugaanta kale oo waxaa laga curiyaa  wax walba oo la soo gudboonaaday ama  la joogo waageeda sida:  Gubaabo, baraarujin, Waano, Talo, Canaan, Aflagaado, Hal xiraale, Dardaaran, Mahadnaq, Habaar, Eebba tuug, Caraadin, Faan Jacayl iwm.

 

Shiribka Sideedlayda.

Shiribka sideedleyda ayaa sidaan sheegnay waa in la cuskanayo  xarafka siinka oo keliya in laga sameeyo, waxaa  kale oo dhawaanahan intii Afkeena la qorey la yiraahdaa iyadana  Sa,  oo ah xarafka u dhigma  Siinka oo Higgaada carabiga laga keenay, Sa’na ay tahay  higgaada Soomaaliga sidan ayuuna u dhacaya:

 

  • Sideed walxaato SIIN ku taal
  • Iyo sideed kalaan sugaa
  • Sammaan inaan ku seexannee
  • Qaranku Saldhigtaan Sugaa,
  • Soddon sanaa na seegtayee
  • Siminkaan nabadaan Sugaa,
  • Soomaali isa saamaxdee
  • Sacabka is gelshaan sugaa,
  • Salaadya soon in loo saftee
  • Sunnada qaadannaan sugaa,
  • Salaxi ciidi suubbaneyd
  • Surweynto  ka baxdaan Sugaa(amisom)
  • Sabarnee sanadkaan curaa
  • Inoow na saacidaan sugaa,
  • Saqiir kabiirya sowjado
  • saafi isu naqdaan sugaa
  • Sarkaalya Ciidan Saad helee
  • Saxiix qarannimaan sugaa

Afmeer

  • In saaka ducadaan sidaa
  • Saadirku aqbalaan sugaa

 

Haddaan u galno sida ay u dhaceyso Sagaalleeydu waxba kama duwana sideedleyda laakin hal Lug shireed ayeey dheertahay uun ee waa isku meeqaam waana isku xaraf sidaan hore ugasoo sheekeynay sagaaleeyda waxaan kusoo qaadaneeyna Shirbkaan Laashin Waddani leeyahay sidaan ayuuna u dhacayaa;

 

  • Sagaal walxaato siin ku taal
  • Iyo sagaal kalaan sinmeeyn,
  • Nin sabar doollar siistaya
  • Surwaal nin weysanaan sinmeyn
  • Sanca nin weel sameeysataya
  • Subag ninkii marshaan sinmeyn
  • Soraga iyo yaaq salwayn
  • Oo isa saaranaan sinmeyn
  • Sedax alifle seerilaa
  • Iyo sarkaal saraan sinmeeyn
  • Suluf nin mooda sayma roob
  • Iyo nin sahmiyaan sinmeyn
  • Nin suga wax la siiyaya
  • sisin nin beertayaan sinmeyn,
  • Sammeey xigaala soortaya
  • Saranyac naagahaan sinmeyn,
  • Nin suusac suuq u aadaya
  • Sulub nin maalayaan sinmeyn,
  • Nin sanad dowli soohaya
  • Nin saac ku tirjiyaan sinmeeyn,

Afmeer

  • Sirta garee ninkaan socdoow
  • Sansaya haku roogsan seef.

 

Waxaan aad uga boganey hannaanka curinta iyo hab dhismeedka shiribka loo yaqaan Sideedleey iyo sagaaleey oo isku si uun u dhaca isku xarafna ka kaca (Siin) ee aan lala haweysaneyn in lagu soo qaato xaraf ka baxsan (Siin) sidaan horeba ugasoo warannay, Shiribku waa Suugaan Soomaaliyeed waana Murti aad u kooban laakin hab dhaceedo ka tiira dheeryahay tuducya badan oo gabay ah. Haddaad si fiican ugu kuurgasho waxaad ogaaneysaa oo helaysaa  dulucda shiribka iney ka qotodheertahay kana fududahay qabasho iyo adeegsiba, toban meeris oo gabay ama geeraar ah arrintaad u cuskan lahayd ama ku halqabsan lahayd. Shiribku waa iidaanka iyo goosaarta hadalka wuu macaaneeya wuxuuna u yeela mug iyo halbeeg culus, sida suugaanta kale iyo murtiduba ugu yeesho.

Haddii aad  u dhabo gasho shiribka  waxaad si faahfaahsan  u helaysaa  halqabsiyo maad iyo murtiba leh oo ku dhisan  Godka Shiribka lana dhihi karo waa hab aad iyo aad u taya sarreeya.Sidaa Awgeed Shiribku Gobol, Qolo, iyo Afguri gaar ahba ma lahan inkastoo ay jiraan deegaanno badan oo aad looga adeegsado. Waxaan qabaa haddii uu qofku barto habdhaca iyo halbeega shiribka yahayna qof hal abuur ah inuu awooddo inuu curiyo shiribka

 

La soco Qeybta Xigta

W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

SHEEKOOYIN