Sheeko Gaaban:Laba qaraab doon ah oo isku qaldamay W/Q: Fowzia Abdulhafid Hussein

Sheeko Gaaban: Laba qaraab doona oo isku qaldamay.

Waxay ahayd galab jimca ah, waddooyinka suuqa Bakaaro buuq iyo cariiri badan kama jirin, dadkuna si teel teel ah ayey u marayeen waddooyinka. Xaliimo waa gabar dhallinyaro ah oo qurux badan, aad bay u labisan tahay waxayn ka timd aroos. Xaliimo  qudheedu  waa calafdoon xaalkeeduna waa ku nasiibso, waxayna suuqa u soo dhexmartay bal inay aragto mid ay ku qabato oo isla qaadaan.

Xaliima oo tallaabada gaabineysa si aanay laafyuhu uga qaldamin ayaa gadaasheeda ka maqashay dhawaq cod rageed  gaaban oo hoos u hadlayo kuna celcelinaya “Een abbaayo Abbaayo” Walow aaney hubin cidda la hadashay iyo sababta intaba ma aysan hakan oo way sii wadatay socodkeedi haddana waxaa mar kale dhagaheeda ku soo dhacay dhawaqii hore oo kale.

Markan shaki baa durbadiiba galay, waxay indhaha ku xaday hareeraheeda si ay u hubiso in gabar kale ay waddada la marayso iyo in kale. Nasiib wanaag, gabar kale wadada maba socon agagaarkeedana kama muuqan, keliya waxaa horteeda sii luudayey islaan da’ah oo u muuqatay mid ku soo daashay hawl maalmeedkeedii maanta haddana u carraabeysa  una hoyaadeysa gurigeedi.

Hadda muran kama joogo waa xaqiiqsatey Xaliimo in gabadha loo yeerayo ay iyada uun tahay, iyadoo is lulkii iyo laafyihiiba sii labanlaabtey is jajabis badani ka muuqdo ayey gadaal u jaleecday  ninkii u yeeraya. Waxay indhaha ku dhufutay nin da’ dhexaad ah oo ilaah haaneed iyo joog ku manaystay haybad wanaagsanna ka muuqato, ku labisan macaawiis sabar(Abusaranda) ah iyo shaati cad cimmaamadina ay gabarka u saaran tahay. Xaliimo ayaa qalbiga iska tiri allaylehe waad haysaa midkaan ku hammineysay ee hal haleel u qabo.

Markii ay indhahoodu is qabteen ayuu dhoola caddeeyey, wuxuuna u salaamay sidii dad hore isu garanayey oo kale “Asalaamu calaykum abbaayo” taa oo xaliima galisay hammi dheeraad ah. Iyadoo waxoogaa muusoonaysa ayey si hufan oo habsami leh  ugu celisay salaanti. Maskaxdeedu waxay mashquul ku noqotay su’aalo iswaydiin; armuu ku garanayaa? talow ninkaan xagee kugu arkay iyo kuwo kale.

Salaan kaddib, ninkii wuxuu ku yiri ” Abbaayo waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo Muqdisho yimid magaaladana ku cusub ” intaa markii ay afkiisa ka sii idlaaneysay ayey xaliimo la soo booday “Haa waa caadiye soo dhawoow Muqdishana waala wada yimide, haye ayey sii raacisay si ay kalsooni u siiso una sii wato hadalkiis. Ninkii ayaa laftiisa ku dhiiraday inuu si dhaqsi ah dalabkiisa u dhiibto maadaama la soo dhaweeyey, wuxuuna yiri ” Waxaan ahay abbaayo wiil walaalkaa ah oo doonayo inuu wax kuu sheegto. Xaliimo oo aan hubsan waxa loo sheegi rabo iyada qudheedana damac iyo iscajabis ku jiray ayaa si naxariis iyo kalsamaani ka muuqato ku tiri “Waad ii sheegi kartaa waa laysku leeyahay” maskaxdeeda waxaa isaga soo daba dhacay su’aalo kala duwan “Ma wuxuu doonayaa inuu kuu sheego sida uu kaaga helay, mise talow wax kale??.

Markii ay intaa iswaydaarsadeen, ayaa Xaliimo telefoonkeedi soo dhacay  oo codku ka xirnaa, waxay la soo baxday Moobil shiinees ah oo laga soo Minguuriyey nooca loo yaqaano Galaxy 5. ninkii ayaa isna yididiilo gashay oo is yiri waxaad la kulantay gabar ka mid ah waawaaweynka, ugu yaraan hal doolar EVC ayey kaaga soo tuuri kartaa. ninkii oo hadalka dhowr jeer laga kala gooyey ayaa soo gabagabeeyey codsigiisa wuxuuna yiri “Waad mahadsan tahay abbaayo ma jecli inaan dadka wax waydiisto balse duruufta ayaa igu kaliftay oo maanta ma quraacan qadana ha sheegin, xitaa gaari raac ma haysto. xaliima oo ay ku dhacday halkii cir laga filaney ayaa ceeryaamo ka timid amakaag iyo filawaana ku noqotay erayadii ay maqashay iyo kuwa ay sugeysey ayaa ku celisay “War naga tag inaad i shukaansan rabto ayaa u malaynayey” Si caro lehna uga dhaqaaqday iyadoo leh wuuba na lugooyey, bello ku dhacday muuqaalkiisaa i sirey, bal siduu u qurxan yahay fiiri iyo sida uu qaabdarran yahay.

W/Q: Fowzia Abdulhafid Hussein

 

SHEEKOOYIN