Gabayga: YOW GAR NAQI DOONA? Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Gabayga: YOW GAR NAQI DOONA?

 

Ga’da maanso, geeraarya gabay, gebigeed suugaanba

Giraantii murtida waayadaan, gaalibkeed dhigaye

Mana gabin Galayroow sidii, gaanyagoo kale’e

Anigaa guddoonsaday inaan, gaawaheed dhigo’e

Ha yeeshee, go’aannada adduun, gelinle weeyaane

Gondodhaladka taladuna marbuu, ku la gudboonaane

Caawana waxbey gujinayee, balaan gamuuneeyo.

 

Sidii nimuu walaalkii go’oo, gacan u geeryooday

Oo aan godkii iilka iyo, weli xabaal gelinnin

Oo gabannadii uu ka tegay, goohayaan guriga

Oo murug il gabadleynayoo, gibil madoobaaday

Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

 

Sidii geesi geeluu lahaa, galabta duul qaaday

Oo gole bannaan taaganiyo, xero gabaahiir ah

Oo gurbod yaruu dhalay haddana, gaajo ku la ooyey

Oo laabtu guuraadegtaye, ciil gubgubanaaya

Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

 

Sidii oday gablama oo cimrigu, boqolki uu gaaray

Oo aan gacal walaal iyo lahayn, cidu gargaaraysa

Oo gubad cidlaa yuurariyo, geeri go’an meel ah

Oo gabbal u dumay ee indhaha, guluc ka siinaaya

Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

 

Sidii janan guhaad caro gashoo, ficilo ay gaartay

Oo guluf colaad iyo dagaal, gari ka geyn weysey

Oo gaasya guutiyo bilgayr, heegan guud geliyey

Oo gelin dhexaadkii habeen, guure kicinaaya

Giddi xalay hurdada gama’ ma siin, jiifka gogoleede!

 

Afartaas ga’dii ararta iyo, gaafki maansada dheh

Baddoo guuxdey, mowjado gurxamay, giririgtoodii dheh

Gu’ onkoday, daruur goodatiyo, galangal dayreed dheh

Webigii Ganaanoo gudbiyo, gacamadii Luuq dheh

Gun iyo baar middii aan guntiyo, garashadeydii dheh

Afar kalena guulkiyo halkaan, geeddigow ahay dheh.

 

Xaajadii gurrucan ee in badan, kugu gulaalaata

Mar haddaad garkaa iyo garkaa, gees u bixin weyso

Waxaa talada loo guuriyaa, Gacal aqooneede

Anna gocashadeydee wixii, gubaya uurkeeyga

Bal inaan garawshiyo u helo, ii gurmada maanta.

 

Guubaabo shacab aan dirtiyo, qaylodhaan gudubta

Gebigeedna Soomaali aan, guudka kaga tuuro

Inta ugu garaad badanna aan, gooni ugu baaqo

Waddaniga gedoodkaana aan, gaar wax ugu sheego

Gudban dhiriran aan dhigo dad weys, gedo ogaadaaye.

 

Galiilyada waxaa iigu wacan, gama’na ii diidey

Oo aan la golongolay haddaan, idin garwaaqsiiyo

Godeey iyo Galbeedkaa Wardheer, Saylac guradeeda

Gebileey goshaas Awdal iyo guban ilaa xeebta

Gobollada Hargeysiyo Berbera, Garawga Oodweeyne

Godka Caynabood Goolis iyo, gudaha Laascaano

Galdogob iyo Garoowiyo docdaas, Garacad meesheeda

Gaalkacyiyo Gelliinsoor Gidheys, gawga Xarardheere

Gallaaddiyo gasada Caabudwaaq, dhinaca Goohweyne

Galgaduudya Ceelbuur Gorfiyo, Garabladaa hoose

Galhareeri Gadoon iyo Hobyiyo Bulacle gaarkiisa

Guriceel xaggaa Girijir iyo, godinka Shiilaabo

Goowraar Hiiraan iyo Gabbuun, Webiga gaankiisa

Garasyaani gaahiga Warshiikh gudubsintaa Jowhar

Guri Xamarya, Gaashaandhiggii, Xarunti gaadiidka

Gabaaddaas Markiyo Goofgaduud, gegeda Ceeljaalle

Gudda Baay, gabiibtaa Bakool, Waajid garabkeeda

Goobweyn Kismaayiyo gadaal, Jilib gureydkeeda

Gaafka Raas gambooniyo Kudhaa, gebiyadaa Dhoobley

Garbahaarrey Luuq iyo Gediyo, geeska Beledxaawo

Ganaaniyo toggii Goobbo iyo gacamadii Dooloow

Gaarisiyo Gelgelintaa Wajeer, Gerileey geed Waamo

Gun iyo baar ka gees iyo ka gees, geyiga Soomaali

Guudahaanba cadaw baa gudaya, oo dhexgaardiya’e

Goob kastana aan joogne dadyohow, gebi ahaanteenba

Waxaan nahay dad GAALIYO ISLAAM, wada gumaystaane

Waxaan nahay dad ay kala gurteen, reer galbeedyaduye

Waxaan nahay gulaamadii Carbed, dadey ku goobtaane

Waxaan nahay dad loo geesaxiray, IGAD gaboodleeye

Waxaan nahay dad gaagaab xun iyo, guni rifeeysaaye

Ha, yeeshee, mahmaah guunabaa, waxay gorfeyneysey

Geedaha ayaa godin ku yiri, guudmar hadal gaaban

Gabalkeen haddii aadan wadan, na ma aad gooyseene

Gurmo jaridda waxaa noogu wacan, daabka Gumareed

Gundhigeda mahmaah geedihiyo, godinta howsheeda

Waxaan uga golleeyahay markaan, idin garwaaqsiiyo

Gumeystuhu haddii aanuu barkeen, soo gabraar wadanin

Ama uusan gocortuu tabcaday, daba gurguureeynin

Waddankeenna soo ma uu galeen, mana dhex goosheene

Markay dowladnimo gaagaxdaye, qaranki guulaabey

Oo ay midnimo gabawartee, wadajir geeryoodey

Oo aan gantaalaha qarxiyo, gumuc isweydaarney

Oo aan wanaag garab marnaye, xumo u guureeynay

Oo aannu ka la goosannaye, ka la galliin weeyney

Gondalooladeennii kufrigu, aragyey goortaase

Dabadeed hamuun golongolkii, soo galgalateeye

Markii xigayna gowsaha la gaar, Gaaddaduu rabaye

Dabadeedna guuleysayoo, guday dantiisiiye.

 

Afartaas intaan ga’da ka deyey, gobob ma faallooday

Ma godladey, sidii geydho geel, gaaxdii igu raagtey

Godkii laga qaniiniyo wixii, wada galaaftoo dhan

Gaabshoogwa iyo gaasirkaan, soo gudbin aqoone

Halkii na la ka galay iyo dakano, meydin garansiiyey

Gig ma siiyey nacabkeennu suu, noo gabaanadayo

Afar kalena geeddiga labaad, balaan u sii guuro.

 

Garwaynaha libaax iyo shabeel, haramcas guuxaysa

Dhurwaa guuna, weer gaarufliyo, yeey gomodo wiiqan

Gaduudaniyo, golmadow dawoco, gaadiddiyo gulufto

Anigoon intaan gees ka maro, aan gabsas eryoonin

Mas galaalan, good iyo abees, miciyo gaaleef leh

Abris gabana, jilbis geesaliyo, weliba goodaaddo

Giddi halaq gurguurtiyo intaan, goosatada daayo

Gugumiyo anoon gaad la korin, Garaddax suuxaanyo

Gorgor iyo galayriyo dafiyo, guduri gaashgaashle

Coomaadiga gafleeyoo laliyo, baqalyo geed fuusha

Jirri naasa ganadiyo intaan, gaawisada daayo 

Anigoon guluubada ku shidin, habisya guumayska

Gammaan geenyo guudaan ku dhacay, iyo garaabiido

Anigoon dameeraha ka gubin, ama ka geed saarin

Amaan maqashuu geel laayey aan, garo ku eedeynin

Inta gunudda murti gaamurtiyo, guddi abwaanoo dhan

Aan su’aalo goosgoos ahoo, garangar duuduuban

Ku gantaalo gebigood iyagaan, iga godaadeeyne

Galayr1 iyo Bashiir2 iyo Cabdiyo3, Hodonna4 gaarsiiyo

Dabadeedna aan gebagebada, gobo’da weeydiiyo.

 

Dad ILAAH galladay oo gunniyo, Guunyo ugu deeqay

Oo khayraadka guud iyo mid gaar, buuxo gurigooda

Oo aan dalagga goonyaha ka yaal, guran karayn waana

Oo gacan u hoorsaday dhiggood, ama gargaar haybsan

Oo adduunka ugu gaajo badan, waa gurrucan yaabe!

 

Ha yeeshee, gabyaayoow waxaa, iga su’aal guud ah

Geyigaan badwayn dhinac gudbani, hirar gufaacayso

Geyigaan goshaas iyo goshaan, webigu gaandaatay

Geyigaan shidaal gaas badrool, goob kastaba buuxo

Geyigaan macdanta guunsigiyo, dahabku guudyaallo 

Geyigaan barwaaqada goglani, ay is garabtaallo

Iyo ummaddan baahida gagabi, yow garniqidoona?.

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Gumaystahan gurguuranahayee, soo guntiya xaytay

Oo galalaf duullaanka ba’an, gaatin soconaaya

Oo dhagarta gibil aasantaa, soo gamaamudaya

Oo giniga lacageed watiyo, gumaca maadhiinka

Oo gargaarka geerida baxshiyo, deeqda ka la gaynta

Oo guuguulayaashuu tabcaday, daba guclaynaaya

Oo gulaanka gebi laactankaa, bari gantaalahaya

Iyo ummaddan garaad laawahaa, yow garniqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Gunnimadan gabowdaye in badan, soo galgalanaysay

Gunnimadaan guryaha yeelatiyo, goobta iyo meesha

Gunnimadaan qabiillada goglane, galangalceynaysa

Gunnimadaan gu’yaal iyo gu’yaal, guudka loo dabayo

Oo gucundhadeedii ilmaha, loo gardaadinayo

Oo gurmadku soo gaarayiyo, Geyshashka ilaalsha

Iyo gobannimada, gacal waytadaa, yow garniqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan guda galoon, taa ka daba geeyo

Dad hadduu giriif iyo afxumo, muramo guunaaso

Guubaabiyo galaayuusna uu, guuxu damin waayo

Gabgabiyo hadduu gooddis badan, uu is ku guulguulo

Gigta weerar haddii goor barqadi, lays ku gacanqaado  

Haddii maydka goobtaa la waro, dhiigna galacleeyo

Garcaddaa waxgarad baa jiriyo, guurti loo diro’e

Gelbis wadajir, gole lagu ballamo, ged shirbaa xigaye

Garsoor iyo guddoon baa xigiyo, gunu’ la baaraaye

Ganaax iyo garaawshaa xigiyo, xugun la gaaraaye

Geel iyo gamaan baa jiriyo, gunud la dhiibaaye

Gudobreeb kaleetaa xigiyo, gabar la raacshaaye

Sidaasbaa go’aan nabadgelyale, loogu goynjiraye

Halkey galabta joogtana arrini, wan gunda ognahaye

Guddigaan gartii loo igmaday, gowska dhaafsanaya

Guddigaan xaqiiqada golmaray, ee guntiga raacay

Guddigaan dulmiga sii guntaye, godobta sii beeray

Guddigaan middii lagu go’iyo, geerida horseeday

Guddigaan garsoorkii dafiray, ee af garan waayey

Guddigaan gabgablaynayee, gebida laacaya

Iyo labadan garab ee isdilay, yow gar niqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Diinteenan gaarkaa ninkii, EEBBE uu geliyey

Geddigeedba yuu barane kii, AAYAD garanaaya

Muslim goytadiis iyo xumaan, u ma gucleeyeene

Halkey galabta joogtana arrini, wan gunda ognahaye

Anigoo ka gaardhigay intii, xaq u gargaareysa

Wadaaddadan qilaaf gaardiyee, midiba geed waabtay

Wadaaddadan kitaabbada gembidey, ee ra’yiga goohay

Wadaaddadan sidii kooro geel, ka la cod geeraaray

Wadaaddadan dadkii ganahayee, dhiigga gacamaystay

Iyo caammadeey ka la gurteen, yow gar niqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Aqonyahanka guudee naxliga, goor walba abuura

Oo qalinka kugo goynayee, kugu gumaadahaya

Oo dantiisa geed waabayee, cid u gargaanaynin

Oo dibadda gaaf meerayee, gelinba meel jooga

Iyo duulkan garashada bidaya, yow garniqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Beentaan gardhaladkaa misana, gaamurtee taranta

Beentaan gacmaha lagu sidee, dunida gooshaysa

Beentaan garbaha yeelatiyo, gulufka taageera

Beentaan la ka la ganacsadee, ruux walbaa gadayo

iyo runta goroftay, ee aan wax goyn, yow garniqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Dulmigaan ka goor iyo ka goor, la la guclaynaayo

Dulmigaan ka gees iyo ka gees, uunka ka la gaaray

Dulmigaan la goobgeynayee, loo gurbaan tumayo

Dulmigaan garaaddaha toshaye, lulaya gashaanta

Iyo daacaddaan gabawarkaa, yow garniqidoona?!

 

Su’aal kale haddaan gudagaloon, taa ka daba geeyo

Awrka geel haddii xoogga galay, garasho loo raacsho

Dacay lagu ma gooyeen hoggaan, la ma garjiideene

Aadmigu rar u ma giijiseen, ku mana guurteene

Gaadiid ILAAHEEY hayimey, weeye garawaantu!

Shacabkaan hoggaamiye gendigu, ka la gidaar ootay

Shacabkaan rag tooda u guntaday, gebi ka lalaadshay

Shacabkaan siyaasigu gataye, xaday garaadkooda

Shacabkaan sidii goosan ari, loo gaboodahayo

Shacabkaan la gaargaabiyee, beladu goobyaalin

Shacabkaan gumaadkiyo dilkiyo, dulumka loo geysto

Shacabkaan u sii godanhayee, aan ka gubanaynin

Shacabkaan god dheer looga riday, talo inuu goosto

Hadduu caro guhaadoon lahaa, daqar ma gaareene 

Shacabkiyo xaqay gudan la’yihiin, yow garniqidoona?

 

Waxaan uga golleeyahay murtida, aan gunaanado’e

Garbo siman dhaliilahan godgodan, ee geyiga yaalla

Oo waagii gaduutaba mid kale, dib ugu guureeyno

Halka ay ka gunud laabantahay, lays ma gelinsiine

Shacabkiyo hoggaamiye gendiga, kii gardaran sheega?

 

Waxba gabagu yuu i la galbane, waxaan ku soo gooyey

War googgaalihii badey talana, waa gardaad xirane

Rajadaan gu’yaal sugan jirnana, soo gabaabsidaye

Waxa na loo garraariyeyna waa, goroftii ceebeede

Haddaynaan gilgilanoo midnimo, maanta wada goobin

Oo aannan gobol ka la jarkiyo, diidin ka la guurka

Oo dibadda waa lagu go’ee, geyiga loo laaban

Oo gaalaas waddani aan la baran, guulna laga gaarin

Oo qaranku guux ku ma dhismee, garab la taageerin

War waa na la garwaansanahayaa, sida gamaan awre

Intay goori goor tahay waqtina, geeso kale yeelan

Oo aanan godad kale ku dhicin, gebina laaclaacin

War aan yeelno waxa na la gudboon, la ina ka la geeye.

 

Dhammaad.

Luulyo, 2016

 

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN