Murashixiinta maxaa ka khaldan? W/Q:Axmad Calasow

MURASHAXIINTA MAXAA KA KHALDAN

Runtii waa arrin aad u adag in qofku isaga is-qiimeeyo ama ismoodo wax uusan ahayn. Waxaana jirta xikmad Carabi ah oo dheheysa

من يرى نفسه قبل ان يره النا س لم يره النا س

Oo micnaheedu yahay ” NINKI IS-ARKA INTA AYSAN DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN” Haddaba, dadka isu rashaxay inay ka qayb galaan tartanka doorasho ee Madaxweynaha sidee lagu qiimeyn karaa ama lagu kala bixi karaa qofka u qalma inuu madax ka naqdo dalkaan iyo qofka kale. Waxaa jira qiimeyn lagu sameeyay inta badan murashaxiinta, waxaana ka soo baxay in nuska nus ay yihiin dad aan  kaalintaas sinna u buuxi karin ha ahaato xag aqooneed, xag siyaasad, xag shakhsiyad iyo xag biseyl taam ah oo qofka ku hagi kara dariiqa toosan.

Waxaa soo raaca Xadiith Shariif ah oo dhahaaya

-قال رسول الله صلى الله عليه وسلم اللهم أجعلنى فى عينى صغيرا وفى أعين النا س كبيرا

Oo micnaheedu yahay “ILAAHOW SIDAAN ISU ARKO KA DHIG WAX YAR SIDA DADKU II ARKANA WAX WEYN

 Waxaa hubaal ah in nuska nus murashaxiinta uu mustawahooda aqooneed uu aad u hooseeyo, waxaana daliil u ah kaddib markii ay qaarkood af-buuxa ku leeyihiin Madaxweynaha mar hadduu waqtigiisi dhammaaday annagow nala mid yahay waana inuu meeshha soo banneeyaa!!!

Ayaan darrada ugu weyn waa in dadka sidaas ku doodaya ay ka yimideen dibadaha laakin aysan weligood fahmin dhaqanka siyaasadeed ee dalalka ay deggan yihiin, waayoo waxay la nool yihiin bulshada ay la wadaagaan caqliga iyo afkaarta qalloocan ee ku saleysan qabyaalada. Ma garan karaan in Madaxweynuhu uu meesha ka tegaayo markii qofki beddeli lahaa la soo doorto..dad garaadkoodu intaa yahay ayaa ku andacoonaya inay Madaxweyne noqon karaan, iyagoo marna aan qirin horumarka dalku ku tallaabsaday afarti sano ee la soo dhaafay. Murashaxiinta badankoodu uma muuqato horumarka la gaaray oo dhinac walba leh..waxay ku leeyihiin amnigi waa la waayay…AMNIGA micnahiisa waa naga khaldan yahay..Amniga waa marka gurigaaga nabad ku seexato, nabad kuu soo kacdid, shaqadaada aadid, carruurtu dugsiyada aadan cabsi la’aan, noloshu ay caadi ka tahay magaalada caasimada ama meeshi kale aad joogto.

Qaraxyada dhacaaya waxaanu kala mid nahay waddamo annaga naga awood badan xag military sida Turkiga oo ah quwada labaad ee NATO ugu awooda badan, Jarmalka iyo Faransiiska oo ah labada dal ee ugu waaweyn Yurub uguna awood badan xagga militariga oo baajin waayay qaraxyada iyo falalka argagixiso ee ka dhacaaya…waryaa intaa garan kara oo caqligiisu shaqeeyaa siiba intiinaan murashaxiinta ah.-mase waxaad moodeen in murashaxnimadu tahay INAAD MUCAARAD AHAATO…waxaa jirta  duco uu ku duceysan Nabigeeni Suubanaa oo ahayd

أللهم أر نى الحق حقا وأرزقنى اتبا عه وارنى البا طل با طلا زأرزقنى اجتنا به

Oo micnaheedu yahay Ikaahow xaqa ii tusi inuu xaq yahay iguna hanuuni inaan raaco baadilkana ii tusi baadil iguna hanuuni inaan ka fogaado.

Ma ku jiraa murashaxiinta nin xaqa arki kara oo qiri kara in horumar la sameeyay intuu Madaxweyne Xasan Sheikh talada haayay, mase haddii ay aqoonsadaan oo qiraan waxay weynaayaan murashaxnimada!!. Maanta waxay ka xumaadeen in khudbadihi ay jeedin lahaayeen si toos ah loo tebin waayay cilado farsamo awgood.. waxyaabaha ay ku hadlayaan waxay moodaan in xiiso loo qabo..dadku waa ku daaleen war isku wada mid ah oon wax nuxur ah lahayn ay jeedinayaan oo ah eedeyn iyo inkirmaad horumarka la gaaray, kuma jiro mid war cusub keeni kara warkooduna waa isku wada mid, mana jirto cid xiisa u qabta…yaa u sheegaaya!!!

MEESHA MAANTA DALKU MARAAYO WAA MEEL AAD U WANAAGSAN KANA DUWAN MESHI UU JOOGAY 2012. Qofki intaas inkiraaya maxaad ku sheegi lahayd?!!!  Waa dad caqligoodi ku soo illaabay meeshi ay ka yimideen!!!

Axmad Calasow

SHEEKOOYIN