Maansada Dable. Curiye Maxamed Cabdullaahi Dhaaley

                         Dable (Tix)Dhaalleey

Dable (Tix)

Hordhac: Tixdan curinteeda waxay igu dhalatay markii aan goob-joog u noqday jirdil iyo xad-gudub baaxad leh oo Askari Soomaaliyeed uu kula kacayay Wiil yaroo ku jiray Dhalinyaro dibad-bax dhigeysay si ay u muujiyaan caro iyo ciil ay qaadeen markii Gaari ay ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga leeyihiin uu si ula kac ah u jiiray Wiil Soomaaliyeed markii uu dhintay Wiilkiina aayar uga dhaqaaqay isagoon u dhag jalaq u siin dadkii ka argagaxay wiilka dhintay ee ku qayla-dhaamiyay gaariga si loo joojiyo.

Tixdu waxay si guud u dul mareysaa dhibaatooyinka dalka ka jira iyo sooyaalkooda, waxayna kusoo biya-shubanaysaa dhacdadaas ay ku qotonto ee Askariga Soomaalinimadii ilaabay oo arxan darada u jirdilay wiilka ka careysnaa dilka ay walaalkiis u geysteen Shisheeyaha dalkeena jooga.

Dable (Tix)

Da’in baa wax abuura

Doog dhulkaa bixinaaya

Duunyadaa la dhaqdaa

Dadna maamulka guud’iyo

Qorshuhuu dajiyaa

Wuuna daadihiyaa

Intaaso isku duuban

Bey dantaa nolosheena

Deganaan iyo toos

Nagu deeqi taqaan

 

Afartaasi dabuubta

Dariiqeed ha ahaado

 

Wadaad daaci ahoo

Wacdi noogu dardaarmi

Darsigiis ha ahaado

 

Suugaantaan dirayaa

Adigoon kuba daalin

Doc kalaan u baxaaye

Ku darsoo iga hoo

 

Daryankeeda rasaasta

Dhagaheenan duleela

Iyagoo ka daboolan

Waligeedna dusheena

Madfac aan lagu daayin

Innagaa dalbanoo

Dowladeeni dhisneyd

Duminteeda jeclaanay

Nabaddaan dugsaneynay

Dibadaan ka tagnoo

Innagaa iska diidnay

 

Ari daaqsin ku jeeda

Oo dareen qabinoo

Dawac gaaday sidiisa

Waynagii didnayoo

Qaar dugaag noqdayee

Duurka uu naga aaday

Qaarna doonya ku booday

Bad-weyntaana dul fuulay

Dayacnaan iyo ceeb

Dal-shisheeye dhexdiisa

Innaagoo dac-dareysan

Sow ta diif na heshoo

Darbi jiifya ahaanay

 

Intaasoo dibiraa

Intaasoo daqaraa

Duulaan noo yimi maaha?

Dulmi gaal falay maaha?

Dabin uu cadawgeenu

Inoo duugana maaha?

Innagaa is dilnoo

Kaligeen is dabreyna

Oo danteenina seegnaye?

Dadyahoow bal ogaada?

 

Afartaasi dabuubta

Dariiqeed ha ahaado

 

Boog duug noqotoo

Wali sii damqaneysa

Dawadeed ha ahaato

 

Ku darsoo iga hoo

 

Dal waxaa la yiraa

Daar inoo dhisanoo

Dabaqoo saddex qayba

Shacab waa darbigiisa

Dhulna deyrka wareegan

Askar daab wadatoo

Qaran daafac taqaanna

Waa daboolka koree

Dabeyshaa imaneysiyo

Looga daaha habaaska

Ama roobka da’aaya

Midba door kaligiisa

Ayaa loo dirayoo

Haddii uu dabac keeno

Ama weeciyo dowga

Dalab buu dhaliyaa

Dirir buu kiciyaa

Dulmi buu horkacaa

Doonistii umadddiisa

Iyo dantii wadankuu

Dalluun dheer ku ridaa

Dambi buuna mutaa?

 

Waxaa taa u daliila

Colaaddaa nagu daahday

Inta aanay dilaacin

Barwaaqaa degalkeena

Geddigiis deganayd

Dalagyaa ka baxaayay

Xoolahaa dararnaa

Doogna wuu ku badnaa

Dalxiis buu ku wacnaa

Inta duubka madoow

Ama duulka cadee

Dibaddaa ka yimaada

Iyagoo degdegaaya

Oo dayuurada saaran

Bay dalkeena xagiisa

Usoo duuli jireen

Waxay daawanayeen

Ku il doogsanayeen

Damaashaad ku qabeen

 

Deeqahaa badanee

Geyigeena dhex daadsan

Buuraheena dushooda

Wabigeenna durduura

Gunta dooxada hoose

Ama taag dacalkiisa

Ilaahay nama doorin

Ilahay nama deyrin

Innagaase dulownay

 

Damalkaan harsaneynay

Dalladii qarankeena

Dab markaan ku shidnee

Qabiil dooranayoo

Nacab loo digdigleeyay

Danyartii la cunee

La daliiqday jirkooda

Oo daryeel iska dhaafe

Daldalaad la bilaabay

Kumanyaal la diloo

Kumanyaalna la dooxay

Inaan daacad ahaano

Markii aan iska diidnay

Diihaal iyo gaajiyo

Sow duruuf nololeed

Daris nooma ahaan

Dunidaa idilkeedna

Innagoo ka dayownay

Ducuf maanan ahaan

 

Nin digaag qashayoo

Dambar loo shubayoo

Inta uu dimbiryooday

Dharag daaca la jooga

Innagoo dawarseyna

Deeq wax loo bixiyoo

Magaceena dilaysiyo

Nooma daabulin kaalmo

 

Ruuxa deynta qabaa

Wax ma diidi karoo

San dulluu ku jiraaye

Kaalmadaa dabadeed

Diirad sow nama fuulin

Daqiiq shiid la galshoo

Digsi wayn ku jirtaa

Innagoon ka duwneyn

Gaalka caasiyay diinta

Sow namuu dubanoo

Dabaabuur ololeysiyo

Nama saarin dabkiisa

 

Dood waxaan ka qabaa

Shalay goor duhurkiiya

Dabaabaadka shisheeye

Ee dalkeena wareega

Wiil dariiqa maraaya

Ayeey xoog dardareen

Dhiigii ka dareerayay

Iyadoo daadka la moodo

Ayeey sii durdursheen

Dambigii ay galeen

Iyagoon dib u eegin

Da’yarkiina sidaasaa

Qabri loogu dadaanshay

 

Shacabkaa damqadoo

U danaanshay yarkaa

 

Dibaddeey u bexeen

Way durbaana tumeen

Dooni meyno shisheeye

Ayeey dood ka dhigteen

Dubaaqii hadalkooda

Dulmigeey ka cawdeen

Dowladii wadankooda

Uma diir nixinoo

Dacwadaas ma dhageysan

 

Waxaa iiga darnaaday

Dable waali ordaayoo

Qori deegta surtoo

Damiirkii laga siibay

Baa daf soo yiriyoo

Wuxuu daab la dhacoo

Daqar wayna ku jeexay

Wiil yaroo damqadoo

Wadankiisa dartiis

Diiqad ay u gashoo

Gaalka daanada geystiyo

ka xumaaday dunuubta

 

Dablihii qarankoow

Danjiraad mar ahaydoo

Shacabkiisa la duuban

Xilligaase ku doorshay

Doqon baad tahay maanta

Dooxataad tahay maanta

Diirataad tahay maanta

Damanaad tahay maanta

Adigaa wax dilaaya

Adigaa wax didaaya

Adigaa wax duraaya

Adigaana dadkaagi

Dukum daakum ka yeelay

 

Inkastoo dallacaad’iyo

Darajooyin la siiyo

Nin qabiil ku dangiiga

Oo dushiisa ku jiifa

Waa dameer la raroo

Kiishash uu dahab buuxo

Duudka looga xamaalay

Isna dooq ma lahoo

Nimcadaa ma daneeyo

Waa damiin abidkiis

 

IIlaahoow na dawee

Allow dowlad na sii

Dullaaliin umadooda

Doolar siisanayoo

Dalqduun wax ku eega

Waa daacuun halisoo

Ina daashadayee

Rabbiyoow dabar gooy

W/CURIYAY: Mohamed Abdullahi Abukar (Dhaaley)

 

 

 

SHEEKOOYIN