Gaso Ganuun Gasiin (Q22aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso Ganuun Gasiin (Q22aad) 

Sheeko, sheeko Sheeka Xariir!

Jabaq ayaa cabbaar aamusay. Odaygi ayaa madaxa u salsalaaxay oo yiri, “Haddow igaar jiro, waa adigee, ii wad warka.” Jabaq ayaa indhaha baarkooda salsalaaxay, sida neef la xoodinaayo oo laga rabo in uu gudlado. Markale ayuu haddana indhaha isku qabtay. Waxaad u qabtay in ow dagaal kula jiray duulal aan muuqan. Waxa uu sii watey hadalkii: “Waxaan arkay sici oo madax iyo majo la qabto aan lahayn oo nimanki kor iyo koonfur u eryanaaya. Waxaan ka baqay in midkoodu xabbad la dhaco. Or iyo qaylaan isku daray. Waxaa iigu war iyo wacaal dambaysay sici oo Ceel Cadde xaggiisa u baxsaday iyo ninki waranka igu haayay oo ul meel ay ka timid aanan aqoon surka looga dhuftay. Ma hubo wixi aan muggaas ka dib yeelay ama suubiyey. Waxaanse korkeyga ka arkay ri’di oo xambaarsan cunugti muluqda aheyd. Ma hubo hadda in wixi aan arkay ay ahayd ri’ ama faras buubaayay.

Mar haddaan ogaaday in ay geberti iyo ri’diba baxsadeen ayaan ka daba orday sici iyo raggi qoryaha iyo warmaha watey. Muddo markaan daba socday ayaan waxaan arkay raggi labo ka mid ah oo isku dayaayay in ay sici lisaan. Waxaan gartay in ay labada nin ahaayeen kuwo sici hore ka soo qortay. Aabow, waxaan arkay wax aan ka yaabay. Sici maguraha ahaa oo xilli kastaaba godlanjiray ayay dhiiq ka waayeen. Waxaan maqlay mid nimanki ka mid ah oo leh, “Sacaanu weligii ma gurin. Hebelow dabar, hebelow adna darandoori u lis.” Ninki amarka bixinaayay oo aad u qabtey in uu ahaa nin na yaqiin ayaa bilaabay in ow ugu yeero sici naynaasyo aan annaga oo keliya u niqiin. Xaadka doontay waa tii ay ka dhacday. Sici ayaa cirka mar keliya u booday oo ninki sambuuqada jebiyey. Waxay ku hishiiyeen in aan aniga isku dayo in aan maalo. Waxay ii dhiibeen ganuunki. Muddo marki aan ka meermeeray ayaa kii amarka bixinaayay qoray caaraddis daanka iiga jeexay.”

Odaygi ayaa ku dhaartay in ow ka aargoosan doono ninki Jabaq dhaawacaas ku dhigay. Waxow hoos u yiri, “Labo midba kuuma dhaafo—mooraduugga aad nala damacday iyo nabarka aad ku dhigtay curadkeyga. Walloo kaama hero, kuuma dhaafo, kuuma kediyo.” Odaygi ayaa dibnaha qaniinay. Waxyar ka dib ayuu arkay dhiig ka socda faruurta ama bushinta hoose. Usuga oo isleh yuusan igaarku arag dhiigga kaa socda, ayow sacabka isaga tiray ama maruubshay. Hoos ayow u yiri, “Wallee kii marrasta ama maxasta bililiqeystoow, adna masiibaa kuu dambeysa. Dekane duug ma leh.”

Jabaq ayaa hadalki meeshiisi ka sii watay. “Sici ayaa ka baxsaday raggii qawlaysatada ahaa. Meelse ma gaarin oo inta horay ka qoorteen ayay dib ugu soo celiyeen labo nin oo taagnaa meel u dhaxeysa labo geed oo mid ahaa masaarojebis, kan kalena ahaa geed tuugaarka kolaylka ku baxa. Sici ayaa iska dabawiifay. Nimanki mid ka mid ah ayaa xerig qool loo yeelay qorta kaga qabtay. Sici oo neeftuuraaya ayaa markeliya jilbaha dhulka geliyay. Aabow, ma hubo mana ogi waxa igu kallifay in aan indhaha ka dadbado darxumidi horteyda tiil. Waxaase taas ka sii darneyd…”

Odaygi ayaa xanuun la taahay oo madaxa qabsaday. “Ma wax intaas ka xun ayaad aragtay?”

“Haa, aabbo,” ayuu ku jawaabay. “Markeliya ayaa sici candhada dhulka habashaq ku siiyay. Nimanki ayaa isugu tegay in ay kiciyaan. Waxaan arkay qowleysatadi mid ka mid ah oo gafuurgafuur dhulka ugu gashtay ama afgembi u dhacay. Mid kalaa qorigi cabbeystay oo sicci xaggiisa u jeedshay. Kii yaqiin naynaasti saca ayaa dharbaaxyo indhaha qabadsiiyay ninki qoraga cabbeystay. “Doqonyahow, horta aan xoodsiga iyo hanjabaadda ama gooddiga debecsan ku day’no.”

La soco Q.26aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN