Midee dareenkaaga iyo ficilkaaga W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Midee dareenkaaga iyo ficilkaaga 

 

Inta badan ee aad koontaroosho qarisaana dareenkaaga dhabta ah, waa inta badan oo ay dadku muujiyaan dareenkooda shaqsiyadeed

Laga yaabee, in oraahdan aan ku billaabay qoraalka aysan dadka qaar si wacan ugu duxin, oo ay ka soo qaadaan oraah la iska yiri, oo aan macna badan marnaba suubbin.  Halka dadka qaarna laga yaabo in ay wax badan ka fahmaan, wajiyo bandanna u yeelaan fasiraadda oraahda kor ku qoran .

Hadalka sidiisaba waa margi, marka uu afkaaga ka soo baxana, qof walba halka uu doono ayuu ula jihaystaa. Waxaa jira dad hadalka ula carara meesha ay is leeyihiin waxaa ku jira maslaxaddooda, ayaga oo markaa tiigsanaya hadaf ama u jeeddo gaar ah, oo ay markaa leeyihiin. Waxaasa laga yaabaa, in qofka hadalka yiri, qaabka uu u yiri iyo marka uu dhahayay, dareenka uu ku sugnaa, in ay aad u kala duwan yihiin. Sidaa darted, la doonayo in mar walba la muujiyo dareenka dhabta ah iyo hadalka la oranayo in ay isku meel u jeedaan. Haddiise la kala qariyo ama la kala reebo dulucda ujeeddada hadalka iyo dareenka markaa lagu cabbiray waxaa dhacaya in mar walba ay jaanis u helaan dadku, in ay markaa ku cabbiraan ujeeddada dareenkooda, ayaga oo isticmaalaya markaa erayada afkaaga ka soo baxay .

Waxaan filayaa markan in la ila fahmay qaabka aan u qoray ama aan ku billaabay eray ahaan iyo macna ahaanba.  In kasto ay jiri karaan wali aqristayaal aan ila fahmin, haddana, waxaan jeclahay in aan sidan cad ugu dhigo ujeeddada ama macnaha aan ka leeyahay oraahada aan hadalka ku billaabay, haddaan fasiraad cad ka bixiyana waxaan u dhigi lahaa sidatan;

Inta badan ee aad koontaroosho ama qariso ujeedada dareenkaag,a afkana aad ka sheegto wax uusan qabin dareenkaaga, waa inta badan oo ay isku muujiyaan  kagana faaiidaystaan hadalkaaga ama xikmaddaada qaabka ay markaa u doonayaan in loo yiraahdo kuwa qalbiga xun, ee maslaxaddooda gaarka ah ku adeegta ama jecel in hadallada wanaagsan ee markaa aan sidaa adag loogu qeexin dareenka in ay u leexshaan sida xun una fahamsiiyaan bulshada kale qaab ka duwan sidii loo yiri looguna tala galay inay noqoto

Waxaan is leeyahya markan waa la fahmi karaa fasiraadda aan ka baxshay oraahda aan hadalka ku billaabay. Waxaa kaloo jira oraah kale oo middan daba socota aanna is leeyahay in laga reebaa waa qalad, taas oo aan ugu talagalay in aan ku xoojiyo oraahdan hore waxaana u  dhigay sidan;

inta badan ee aad inkirtaa dareenkaaga dhabta ah, waa inta badan oo uu ku koro cadowgaaga!”.

Waxaan filayaa in middan ay xoojin u tahay tii hore, ee aan kor ku soo sheegay, waxaana la oran karaa runtiii mar walba oo aad inkirto ama aadan toos u caddayn, hadalka afkaaga ka soo baxaya iyo dareenkaaga in aysan isla socon. Waxaa jaanis ka helaya mar walba kuwa adiga kaa soo horjeeda, ee jecel in ay kula baratamaan, micnaha kula xifaalmtamaan eray ahaan iyo addin ahaamba. Haddaba, waa muhiim in uu mar walba isla socdaa dareenkaaga iyo hadalkaagu haddii aad wax qoraysana uu noqdaa qoraalkaagu mid ka tarjumaya waxa aad dhab ahaan u dareensan tahay ama u aaminsan tahay

Xaqiiqda nolosha ayaa ku salaysan wax la aaminsan yahay iyo dareen markaa la qabo, lana doonayo in la sii ballaarsho, haba lagu kala duwnaado aragtida qaabka uu yahay dareenkaas ama fikradaas la qabo. In kastoo dadku aysan marnaba isku fikir ahayn, kuna midoobi karin marka laga hadlayo dhanka fikirka, haddaba, waxaa muhiim ah in qofka wax oranayo inta uusan oran uu marka hore uu is waafajiyo waxa uu oranayo iyo waxa uu qabo dareen ahaan ama fakar ahaa, si aysan jaanis uga helin kuwa mar walba liddiga ku ah faafinta fikirkiisa uu markaa u arko in uu yahy fikir wax gal ah.

Waad lahaan kartaa fikir ama dareen, aad doonayso in ay qaatado bulshadu, ee aad ku dhex nooshahay adigu, oo u arka haddii fikirkaaga ama dareenkaaga la qaato in waddo wanaagsan lagu gaari karo, balse, waxaa jira mar walba kuwa ka soo horjeeda ama wata fikirro ka duwan kuwaaga oo kale, lagana yaabo in ay u arkaan in fikarkoodu kaaga ka wanaagsan yahay, ayna doonayaan in kooda la qaato, si taas ay u gaaraana waxay u suubbinayaan wax walba oo ay ku xumayn karaan fikirkaaga, waa marka uusan isla socon dareenkaaga dhabta ah iyo waxa aad markaa qortay ama ku qooshay.

Haddaba, si aad u gaarto himilada aad tiigsanayso, waxaa wanaagsan in mar walba ay midnimo ka dhaxayso dareenkaaga iyo waxa aad markaa qorayso ama oranayso, taas oo sahli karta in dadka aad uga dhaadhiciso waxa aad doonayso, waayoo, qofka marka uu isagu midaysan yahay (eray iyo aragti) ayuu dadkana wax ka dhaadhicin karaa, waana tusaalaha aan ku billaabay qoraalkan.

Haddaba, si aad u xoojiso xiriirka idinka dhaxeeya bulshada aad ku dhex nooshahay, waxaa wanaagsan in aad noqoto qof ay is waafaqaan dareenkiisa iyo waxa uu leeyahay,  oo uu doonayo in bulshadu ka qaatado, balse, haddii naftaada iyo adiga shaqiysayan aadan ku midaysnayn hadafka aad markaa bartilmaamaydsanaysaan, waxaa dhacaya guuldarro ka billaabata dhexdiina, inta aan la gaarin dad kale ama kuwa mar walba  kaa soo horjeeda .

Qof walba wuu noqon karaa waxa uu doonayo, wuuna ka dhaadhicin karaa waxa uu rabo dadka kale, waase goormee? Waa marka ay midnimo ka dhaxayso isaga iyo shaqsiyaddiisa xagga fikirka ah. Ma wanaagsana guuln kuma gaari kartid, haddii aad afka ka tiraahdo wax aadan uurka ka aaminsanayn, adiga oo is oranaya dadku ha kaa qancaan ama is dhahaya waa waddada aad ku gaari karto waddada kale ee xigta.

Xaqiiqda marka laga hadlayana qof naftiisa been u sheegay ama been ku nool ma gaaro hadafka uu ka tiigsanayo nolosha, haddaba, si taas looga maarmo aysanna kuu qabsan (adiga aysan kuugu dhicin), waxaa qasab nagu ah in aan la midowno nafteena.

Marka aan leeyahay waa in ay jirtaa midnimada qofka iyo naftiisa, waxaan ka wadaa in qofku uu mar walba la socdo dareenkiisa shaqiyadeeda, mar walba uu wax cabbiranayana uu ku cabbiro qaabka dareenkiisa dhabta ah, si loo helo midnimo guud ama qof wadajira, oo waxa uu samaynayo iyo waxa uu leeyahay ay yihiin wax ka wada socda hal meel una socda meel kale.

Haddaba, naftaada oo aad la midowdaa waa waddada horumarkaaga, marka aad middaa suuragalisana waxaa kuu sahlanaanayaa in aad caawiso ama wax u qabato dadka kale, ee markaa u baahan gacantaada waddana aad u heshaa qaabka faafinta fikirkaaga aad markaa is leedahay waad ku gaari kartaa waddada wanaagsan, buslahdana wax waa ugu soo kordhin kartaa. Haddaba waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga labada oraah oo midaysan oo aa aan sidan u dhigayo;

Inta badan ee aad qarisaa dareenkaaga dhabta ah waa inta badan oo ay ka faa’iidaystaan kuwa kaa soo horjeeda, oo ay muujiyaan dareenkooda gurracan, ee ay kugu dhaawacayaan, haddaba inta badan ee aad inkirtaa waxa aad dhab ahaan u aaminsan tahay adiga oo ku raalligalinaya dad kale, waa inta badan oo uu koro/bato cadowgaaga, jaanisna uu u helo qaabkii uu waxyeello kuugu gaysan lahaa!”.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN