Saaxiibkaan Eersaday Q12AAD WQ: Cismaan Qanyare

Saaxiibkaan Eersaday Q12AAD

Luul ayaa iyadoo dhiigu ku karsan yahay cisbitaalka orod uga soo baxday, waxaana ku ciirtay talo. Luul waxay ku soo dhacday gaarigeedii, intii ay gurigeeda u soo socotayna wey isla hadleeysay.Luul iyadoo isla hadlaysa ayay gurigeedii tagtay, maalintaasi si ay ku dhaaftay ma ogeyn, mar wey ooydaa, marna wey buraanburtaa, mar waa heesta oo heesihii calaacalka ahaa ayay darandoorisaa, guriga hawshiisa oo saacaddo ku qaadan jirtey waxay ku dhammeysay daqiiqado, habeenkaas hurdo ma ledin, ugu dambayntiina waxay go’aan ku gaartey inay Liibaan u tagto oo afkiisa ka soo ogaato inuu qabo Ladan iyo in kale?

Luul oo wajigeeda laga dareemayo inay murugeysan tahay ayaa waxaa ilbaabka gurigeeda ku soo garaacay islaan caan ka aheyd magaalada oo la yiraahdo Xaali oo ah hooyo ilmaheedu koreen sadex hablood iyo wiil dhashay. Xaali saddexdeeda hablood oo la soo furay ayaa guriga u jooga waxaana lagu xantaa in burburka guurarka saddexdeeda hablood ay iyada lafteeda ka danbeeysay kaddib markii ay fitno kala dhamnaan weysay hablaheeda iyo nimankii ay u dhaxeen. Wiilka kaliya ay dhashay Xaali nasiib darro waa wiil ka haboowsan marinka toosan ee nolosha wuxuuna isticmaalaa balwado kala duwan oo qaarkood mamnuuc ka yihiin dunida, mararka qaarkoodna isagaba iibiya daroogada iyo maandooriyaha noocyadeeda kala duwan.

Xaali dadka soomaaliyeed ee aqoonta fiican u leh markey arkaan waa ka cowdi billeystaan waayo waxaa badan dadka ay guryahooda iyada darteed ku burbureen.Xaali waa afmiishaarad hadal aqoon ah, waxayna inta badan ku gabataa inay tahay qof u ololeeya xuquuqda dumarka,daacadse kama ahee waa ay ku awr kacsataa markey balaayada maagan tahay.Xaali waa waayo arag adduunyo wax badan usoo joogtay, laakiin waaya aragnimadeeda waxay inta badan u adeegsata arrimaha la xiriira isku dirka iyo   kala geynta lamnaanayaasha iyo qoysaska, waxayna  taqaan halka jilicsan ee laga weeraro dadka is jecel , kuwa is raba iyo kuwa is qabee is maandhaafku dhex yaallo.Xaali ayaa markii albaabka laga furay bariido iyo salaam kaddib waxay hore u gashay howlaheedii waxayna Luul ku tiri:‘’Naa heedhe maxaa sidaan kuu galay meeday quruxdaadii? Bisinka iyo yaasiinka naa yaa sidaan kuu hooshay? miyaad isla sheekeysataa? Soow ma ogid in wax kastoo aad qarsataa iyaguna ku qarsadaan? Tan kalese, maxaaba kuu qarsoon soow tan arrimahaagoo dhan suuqa yaalaan oo dumarkoo dhan ku sheekeystaan’’? Luul oo yaaban baa tiri ‘’ Eeddo Xaaliyey maxaa lagu sheekeystaa oo suuqa yaala ma anigaaba cid la hadla’’? Xaali ayaa markiiba u dusisay Luul hadal yool baar  iyo su’aal isugu jira waxayna tiri:’’ Alla Luuley ileyn weli carruur baad tahay inkastoo aad hooyana tahay, naa ma waxbaa ku qarsooma magaaladaan’’? haddaadse adigu aamustay oo aadan cidna la hadlin isagu dee miyuu aamusayaa yaa afka qabanaya’’ waxayna sii raaccisay..’’ adiga uunbaa is caburinayee waxaa laguu qaatay inaad iska nafistid oo aanad isku koobin kaligaa arrimaha baaxadda weyn ee ku heysta, miyaadse ogeyn in dumar badani ku waashay dhib qarsashada oo markii danbe laga war helay uun iyagoo maryaha tuurtay’’?

Luul oo furfurantay  ayaa tiri: Eedo Xaaliyeey dhibaato wey i heysataa runtii waxaanse moodayay inaysan iga muuqanin o aan leyga dareemeyn. Xaali oo hadalka ka boobtay Luul ayaa markiiba warmaheedii mariideysnaa mid ka mid ah gantey waxayna tiri iyadoo doonaysa inay wax u kala caddaadaan: “Ma naag la furay baad ugu horeysa waa maxay jiljileecu? Soow ma ogid in saddex hablood oo midi ku le’eg tahay labana kaa yaryaryihiin inay gurigayga ii joogaan kaddib markey ku hungoobeen sidaada oo kale raggii soomaaliyeed? Ragga waayadan jooga guurkooda guur la’aan baa dhaanta, waxaan madax wareer iyo yuus aheyn kaa lama maqna. Waabad ka nafiseysaa buuqoodee bal ii warran sida ay wax u dhaceen? Aniga talo waalidnimo ku siinayee, Xaali oo madaxa ruxaysa ayaa tiri:  annagaa hortaa kusoo gubanay howlahaane na wareyso.  Waalida ninkii soo maraa laga wareystaaye!.

 Luul ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xaaladdeedii gaarka u ahaa jirtay waxay u sheegtay Xaali sida ay wax u dhaceen iyadoo ku nuuxnuuxsatay inaan weli la furin ninkeedana is qabaan balse iyadu iska eriday kaddib markii uu naag kale ku qayaamay oo uu guursadey isagoon u sheegin. Waxay kaloo u sheegtay in ninkeedu uu hadda xiran yahay. Waxba ma reeban ee sidii Xaali rabtey ayay u burqatay warkeediina  bannaanka u keentay,sheekadii oo dhan farta kawada saartey.

Xaali oo intii sheekada loo waday is murjinaysay ayaa hadalkeedu u badnaa hadal jiibin iyo koobin ah. Su’aasha kaliya ee ay Xaali weydiisay intii sheekada loo waday waxay aheyd: ‘’MAGACEED NAAGTA UU KULA GUURSAY XAGEYSE DAGAN TAHAY’’? Luulna waa uga jawaabtay. Xaali shandaddedii bay inta furtay oo kaar martiqaad xaflad aroos oo magaalada ka dhaceysay toddobo maalmood kaddib farta  ka saartey Luul, kana codsatay inay xafladdaas arooska kasoo qeyb gasho. Luulna wey ka aqbashay iyadoo aad moodeysid inay xoogaa nafistay. Sidii bay Xaali oo cajaladdeedu u buuxdo kalsooni badana ka diyaarsatay Luul u baxdey.

Xaali mar allaale markii ay ka baxday guriga Luul iyadoo aan gurigeeda ku leexan bey baadi goob ugu dhaqaadey sidii ay ku heli laheyd guriga ay magaalada ka deganeyd  Ladan, saacaddo kaddibna wey u suurta gashay inay soo ogaato guriga Ladan. Sidoo kale waxay maalintii ku xigtay u tagtay oo ay cusbitaalka ku soo booqatay Looyaan, iyadoo hilib Oodkac (muqmad) ah oo laga sameeyay neef dheylo ah u sii qaaddey. Kulankii Xaali iyo Looyaan wuxuu noqday mid aad xiisa gaara ugu lahaa labadooda, waxayna u sheegatay inay sadexdeeda halblood ay mid siin doonto markuu ka soo baxo cusbitaalka una guurin doonto ayadoo weliba ka saacidi doonta xagga qarashaadka arooska la xiriira. Looyaan arrintaas si wanaagasan ayuu ugu farxay waana uu ka aqbalay, wuxuuna bilaabay isla markiiba inuu duq Xaali ugu yeero ‘’Hooyo’’. Looyaan wuxuu duq Xaali u buuxiyay cajalladdeedi intii ka dhimaneyd ee ku saabsaneyd sheekadii ay Luul usoo biloowday isagoo farsamooyinkiisiina adeegsanaya.

Xaali waxay tagtay maalintii ku xigtay guriga Ladan, waxayna u sheegtay inay maalin dhaweyd ayadoo guriga hormareysa ay arkeysay Ladan oo guriga sii galeysa , sidaaas daraadeedna ay maanta firaaqo usoo heshay inay u timaado. Ladan waa soo dhaweysay Xaali maadaama ay hooyo soomaaliyeed oo da’weyn aheyd,balse ma ogeyn sharta hooyadani xambaarsaneyd.Duq Xaali sheeka guud       kaddib iyo isbarasho waxay shandaddeedii kasoo bixisay kaarkii martiqaadka xafladda arooskii ay shalayto siisay Luul oo kale waxayna farta ka saartey Ladan haddana ka codsatay inay kasoo qeyb gasho aroos gabar ay qaraabo yihiin la aroosayay, Ladana waa ka aqbashay. Ladan iyo Luul midkoodna ma ogeyn in tan kale imaan doonto arooska, Xaalise waa ugu talo gashay in Luul iyo Ladan iska hor keento oo arooska leysku arko.

Luul waxay wacday xabsiga uu ku xirnaa Liibaan, waxayna codsatay in loo sameeyo balan ay ku aragto Liibaan, wayna u sheegtay inay xaaskiisa tahay iyada iyo carruurteedana doonayaan inay soo booqdaan maxbuus Liibaan. Shaqaalihii xabsiga waxay ku wargeliyeen inay u gudbin doonaan Liibaan dalabkaas isla markaana laga doonayo inuu asagu aqbalo taasoo aheyd sida hannaanku ahaa. Liibaan markii loo sheegay in Luul iyo carruurtiisu u imaan doonaan wuu aqbalay farxad daraadeed ayuuna la ilmeeayay.Luul iyo labadeedii carruur ayaa galabtii xigtay yimid xabsigii uu Liibaan ku xirnaa.halkii ayaana qol maxaabiista lagu soo booqdo loogu keenay Liibaan.

Liibaan markii uu indhaha saaray xaaskiisii iyo labadiisii carruur oo uusan in mudda ah arkin ayay gebi ahaanba shacuurtiisii is badashay wuxuuse ku mintiday inaysan ilmo indhihiisa ka timaada aaney dhabanadiisa kusoo hoorin, isaga oo ka gaashaamanayay inay carruurtiisu arkaan isaga oo ay ka muuqato astaan muujineysa liidnimo. Inta badan Luul iyo Liibaan waxay kawada hadlayeen xaaladda carruurta , caafimaadka , nolosha xabsiga IWM marna iskuma soo qaadin arrimihii cakirnaa ee xiriirkooda, waxayna inta badan fursadda siiyeen inay carruurta la wada ciyaaraan kana qoslisiiyaan. Liibaan iyo Luul ,labadoodaba karti ayay isu muujinayeen. Wakhtigii loogu talo galay ayaa halkaas ku dhammaadey, waxayna Luul u sheegtay inay soo booqan doonto ayadoo kaligeed ah oo aaney carruurtu la soconin si ay uga wada hadlaan arrimmo badan. Liibaana wuu  u madax ruxay oo aqbalay.

Luul markan keligeed baa garnaqsatay, waxayna  go’aan ku gaartay inay ninkeeda dib u raacdo noloshay isla soo mareen,  waxay si mug leh  cabir iyo miisaan u saartay   mudaddii ay is qabeen  wixii dhexmaray,  waxaa usoo baxday, hufnaantiisi  iyo daacadnimadii uu kula dhaqmi jirey,  waxaa usoo baxday  deeqsinimadii uusan weligeed waxay weydiiso arrin iyo adduun maya dhihin, waxay xasuusatay maalmo badan oo iyadoo walac ah ama uur leh uu u xanaanayn jirey sida boqorada,  cagaha u dhaqi jirey jirka u daliigi jirey dhabtiisana ku seexin jirey,  cuntada u karin jirey una ammaani jirey sida qof loo ammaano sida ugu wanaagsan.

Waxay is weydiisay  sidey ku dhacdey in ninkeedii sidaa ahaa naag kale  hungureeyo,  waxaa nafteeda ay saartay  miisaan la mid ah kiisii, waxaana u soo baxday inay  muddooyinkii ugu dambeeyey  fududeysatay  xiriirkooda, inaysan  maqli jirin inkastoo aan dagaal kala dhaxaynin, ineysan dhinacyadii badnaa ee soo jiidashada lahaa gabtey oo aysan xil weyn iska saari jirin, haddana waxay iyadu isu sheegtay inaysan necbayn ee kalsooni badan awgeed  ay is lahaysiisay. Waxaa usoo baxday habeenno badan oo uu u baahnaa iyada, iyaduse u muujisay daal iyo xanuun been ah.

Waxaa usoo baxday in koolkoolintii ay muddadii labada sanno ahayd ee u dambaysay  yareyd dhankeeda, oo aysan  ilaalin jirin, Aragiisa, Oogadiisa iyo Uurkiisa midna, waayo waxaa dhici jirtey isagoo shaqo aadaya iney  ku murmi jireen  feerada ama  haggaajinta  dhar uu ka codsaday  habeennimadii, iyaduna  ay sahashato oo isagoo afka taagaya uu iska baxo ama iskiis uu u samaysan jirey, taasina ay  ahayd  dhaqan uusan ku baranin. Luul eed iyo hiiftan ayay nafteeda usoo jeedisay  waxayna  dusha iska saartey inay  iyadu ninkeeda  tustay oo noqotey tan leh sababta uu naag kale u hunguriyeey, haddana  looga baahan yahay inay  ninkeeda  soo ceshato oo aysan uga harin naag kale.

Luul ayaa waxay ugu timid  guriga walaasheed Layla oo  ay uga sheekaysay xaaladda Liibaan, Laylana waa iska ooysay, waayo? Layla waxay Liibaan u taqaanay  walaalkeed oo kale, iyadoo hore dhawr jeer ay  isku maandhaafeen arrimaha  guurka iyo ka maqnaanshaha  guriga oo  ay Luul xitaa ku aflagaadeysay Layla, haddana Layla  waxay jeclayd mar walba wadajirkooda, inkastoo masayrka Luul gaarey meel aad u fog, maantase  waxay diyaar u tahay inay  dhegaysato walaasheed.

Layla ayaa uga billowday nolosha  Aabbahood iyo Hooyadood, Aabbahood wuxuu qabay saddex xaas oo hooyadood ugu horreysay, weligoodna may arag hooyadood oo dhibsanaysa, sidoo kale  ma  aysan arag masuuliyad darro dhanka aabbahood ah, sidoo kale waxaa  ka dhaxeysay  xushmad, wadatashi iyo jacayl weligoodna  ma aysan arag hooyadood oo caro ka muuqato ama aabbahood oo ku qaylinaya. Layla waxay siisay dhawr tusaale oo ay ugu caqli celineyso ugu dambayntii ayay tiri walaaleey  reerkaada iyo ubadkaada hayso oo ninkaada nin ka wanaagsan heli mayside dantaada ogoow.

Luul  waxay kala dhex taagantahay  kala doorasho culus, haddii talooyinkii Xaali  ay raacdo reer u dhaqnaan maayo, haddii ay talada Layla raacdona waxay ka baqaysaa in dumarku u arkaan  mid liidata oo  ka maarmi weysay ninkii oo noqotey addoon aan wax  xaq lahayn oo ku indho beeshay nin ka danaystay,  xaalkeedu waa laba daran mid dooro!

Waxay talo ku duugtay Luul iney  horta  miisaan saarto heerka  rabitaan iyo Jacayl ee uu u qabo Liibaan, kaddibna ay ku wax qaybsato iyadoo  shuruudo culus dul dhigeysa, balse waa inay marka hore ugu tagtaa xabsiga soona ogaata, qabitaanka isaga iyo Ladan.

La soco qaybaha kale.

WQ: Cismaan Qanyare

 

 

 

SHEEKOOYIN