Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q5AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)


Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q5AAD 

Shiribka Tobanleey

Waxaynu hore u lafa gurney qaybihii hore, caynka iyo jaadadka shiribka sida: “ Labaaley, Saddexleey, Afarreey,Shanleey, Sideedley iyo sagaalley”  Haddaba weli waxaan ku jirnaa tireyntii iyo kala sooca  hababka iyo qaababka shiribka loo curiyo.Haddaba  waxaa jira nooc kale oo isaguna  qaata tiro cayiman  sidii kuwii hore  waxaana la yiraa Shirib tobanleey ah oo aan asigana goobaha iyo gole shiribeedkaba laga sheegin laakin ku siman kaftan la is waydaaraaday,  ama la isu adeegsaday oo laashimiin is yaqaan ama xifaaltan ka dhaxeeyo isku heleen.

Tobanleeydu ma jiri jirin waagii hore, ee waa hab cusub oo Shiribku ku talaabsaday kana mid ah hormarka shiribka  waayaha cusub ku soo kordhay. Tobanleeydu waa mar curis kaliya ee laashinku meeshii markaas shiishku u saaranyahay ku dul rido. wixii la doono ayaana loo adeegsan karaa halka xarafkii la doonana lagusoo qaadan karo oo aanay jirin xaraf u gooniya ee lagu cabbiro sida shiribyada qaar ee aan ka soo warrannay,  Shiribka tobanleeyda ahi waa mid aah u qurux badan Laashinka iyo Hal abuurkuna ku baanno awoodiisa curineed.

Haddaba Shiribka aan tusaalaha ugu soo qaadeyno tobanleeydaan oo ah Shirib silsalad ahaan u curatay waxaad ka dhex heli doontaa inuu koobaayo si guud arrimo badan oo nolosha iyo saamayn badan ku leh. Waxaa lagu qaada dhigayaa  arrimo badan oo nolosha iyo jiritaanka umadeed u ah lagama maarmaan! Shiribkaan ayaa ku baxaya  xarafka( T) maadaama Tirada Toban ka billaabmayso isla xarafkaas, balse sidaan hore u sheegay, Tobanleeyda xaraf walba waa lagu curin karaa lagana hal abuuri karaa. Shiribkan ayaa u dhacaya qaab su’aaleed iyo qaab jawaabeed lays weydaarsanayo wuxuuna dhexmaray aniga oo Ah Kaamil Xasan cuute ah iyo Laashin ibraahin Cali Raage.Waxaa bilaabay aniga oo laashinka ku ogaa hal abuur dhumuc leh iyo  nin aad ugu farshaxan ah dhinaca Shiribka:

 

  • Toban walxaato Ta’ ku taal
  • Iyo toban kalaan tuhmaa
  • Timira tacabkeediyoo
  • Kala tagi rabaan tuhmaa
  • Tigaadi guud nin loo tirshee
  • Ku tagri falayaan tuhmaa
  • Toban jir tuugsahaayaya
  • Tacab qasaarayaan tuhmaa
  • Tacbane la tashkiiliyee
  • Takbiir ku qarxayaan tuhmaa
  • Tacabki in laga tegee
  • Tuugsi la aadayaan tuhmaa
  • Tolkoo ninkoo tun rooni uun
  • Tiisa ku taamayaan tuhmaa
  • Tanya intaan tabar yaraay
  • Taatiko leey dhigaan tuhmaa
  • Tujaar tagoog haddeey helaan
  • Isaga toosanaan tuhmaa
  • Inoow tegreegu soo tashtee
  • Turaabti qabsadaan tuhmaa,
  • Takoor inoow shanteeydi tiir
  • Ku kala tiqtiqaan tuhmaa

Afmeer

  • Qoom tashadaa waxbeey tarraan
  • Qoom tuugsadaase waa tirmaan!’

          ;,;, Shirib-maal::

 

Jawaabtii Laashin Ibraahim Cali  oo tixraacaya  shiribkaygii iyo dulucdii aan uga jeeday waxyaabihii aan qoonsaday ee tuhunkuna iga galay wuxuu yiri:

  • Tobanka waaba toosisee
  • Toban kaleeto miis tiraa?
  • Tolkaanu waa laka tagyee
  • Talo u raadi miis tiraa?
  • Tagri falaa nala tegee
  • Wax taatikeeya miis tiraa?
  • Toban jir waaba tuugsayee
  • Si wal u toosi miis tiraa?
  • Takbiir ku qarax waa talshee
  • Tahliil u soo tuf miis tiraa?
  • Tacabki goor horow tirmee
  • Tag beerta toogwal miis tiraa?
  • Tuuya ninki sitaa talshee
  • Talo u jeedi miis tiraa?
  • Tigreeyaa ku tilmaansatee
  • Si wal u tiiri miis tiraa?
  • Tujaarti weys tafyeeysayee
  • Toogaan bal waani miis tiraa?
  • Tigreegu nama tuugsadee
  • Taangi u raadso miis tiraa?
  • Talo shantuu eheed tilmaan
  • Hallagu tuurto miis tiraa

Afmeer

  • Intaan la tirmin toosiyoo
  • Tolkaada xooji miis tiraa??

 

Waxuu laashinku dib iigu soo celiyey farriin culus iyo habkii aan  tabashaydii hore uga gudbi lahaa isagoo meelo badana farta iigu fiiqay oo leh halkaasa xalka iyo wanaaggu ku jira  ana waxaan ugu halceliyey:

  • Anna tu kale aan tirshee
  • Toban kalaan ku taamayaa!
  • Tala inaan ku toosiyoon
  • Toowfiiq dhalshaan ku taamayaa,
  • Tigreega in la teed dhaboon
  • Tunka jaraan ku taamayaa,
  • Tala abwaan inaan tusoon
  • Tashkiiliyaan ku taamayaa;
  • Inteey ka tabaraabayaan
  • Inaan talshaan ku taamayaa,
  • Toowsaa heshee ineey tarmaan
  • Waxna taraan ku taamayaa,
  • Tuugaa helee inoowsan toog
  • Sii talinaan ku taamayaa,
  • Tuugsi in lagasoo tagee
  • Tacab galnaan ku taamayaa,
  • Tujaarta in la toosiyee
  • Lala tashtaan ku taamayaa,
  • Tabarucaad shanteeydi tiir
  • Inaan tusaan ku taamayaa,
  • Tabaarak in naloon tufoon
  • Tabat dhignaan ku taamayaa!

          Afmeer

  • Tabteey rabeen ma taabtayoo
  • Moo tusay tallo seey u tiil?

 

Markeey halkaas noo mareyso ayaa Laashin ibraahin Cali iga horkeenay Su,aal kale oo ku saleysan waxa dhulkeeyna Soomaaliyeed ammintaan la joogo ka jira Wuxuuna yiri:

 

  • Toban walxaato waa tagtee
  • Toban kaleeto ii tilmaan?
  • Towsti Qabiilku waa tagtee
  • Yaaka tacdaaray ii tilmaan?
  • Tacliin la’aanu waa tagtee
  • Tignoolajiyo ii tilmaan?
  • Anaa tun weynu waa tagtee
  • Xaa waaga toosan ii tilmaan?
  • Tashi la aanu waa tagtee
  • Towfiiqdi aawday ii tilmaan?
  • Tiisa la qabso waa tagtee
  • Istaakuleynti ii tilmaan? 
  • Soomaali toosa waa tagtee
  • Wax teeyni dhaama ii tilmaan?
  • Tacabki waa laga tegee
  • Tuugsi wax dhaama ii tilmaan?
  • Tuu’aan ku qarxi waa tagtee
  • Yaa tuug celaaya ii tilmaan? 
  • Qof teeri gashay waa tagtee
  • Taqliinti aaway ii tilmaan?
  • Tahriib dad aaday waa tagyee
  • Yaa tiiisi heysto ii tilmaan?

Afmeer

  • Ha toosto tub qaloocatee
  • Towxiidka maku tuurannaa?

 

Anigoo tilmaamtii layga rabay bixinaya kana warcelinaya weydiimaha Laashin Ibraahim Cali ayaa waxaan iri:

 

  • Tobankaad sheegtay waa tagtee
  • Toban kaleeto hoo tilmaan!
  • Towsti qabiilku waa tusmoo
  • Ma tegin waana sii tarmee 
  • Tignoolajiyo telashaan
  • Leesu tebshaaba na tuseen!
  • Anaa tun weyna toog kaleey
  • Taatiko cusub sii tuseen
  • Toowfiiqna waaka toobannoo
  • Tiisaaba nin walboo tolmoon
  • Is taakuleeytu tiir dhexeey
  • Noo tahay waana toosinnaa;
  • Soomaali toosa waa taloo
  • Wax teyni dhaama meel ma taal
  • Tuugsi warkiisi waa tirnoo
  • Tacbashaan u naqaan tijaar!
  • Tuugana sharci toosiyaan
  • Ku taamayaahe ii tartiib,
  • Taqliinta kuwa tows qabaa
  • Takbiirba maahan noo tirsheen
  • Tiisi qof heesta heer tolkeey
  • Kuma tuhmee naftaan turnaa

Nikax

  • Towxiidka aan ku tuurannaa
  • Ka toosan wax walbood tiraa!

Sida aad shiribkaan tobanleeyda ah ka dheehateenba tobanleeydu waaka dheertahay Shiribyadii hore ee aan soo qaadany ama soo marnay haddane dhedhen iyo dhihitaan dhigmaal iyo dhumucba waa kasii xeeldheertahay Shiribyada kale oo gabay dhameestiran intoow koobo in la egna waa  koobeysaa sidaa aawgeed Shiribka haddii laashin Dhihitaankiisa yaqaan curiyo kama daaleysid oo waa murti dhameystiran.Shiribku waa kaalin mug weyn oo suugaanta Soomaalida saamayn badan ku leh, waxaanan  qabaa in la dardargeliyo lana  badiyo curintiisa iyo adeegsigiisa, si loo helo shirib tayeysan waa inay  shirib aqoonima jirtaa waana midka keentay inaan qoraalkan dheer ka diyaariyo kuna falanqeeyo.

 

La soco qeybaha xiga.

W/Q: Xasan K. Cuute(Shiribmaal)

SHEEKOOYIN