JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! (SHEEKO XIISA LEH) W/Q: Ahmed Ali Hyder

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!!

Qaybtii 5aad

Zaynab muddo yar ayey Nairobi joogtay, inta ay joogtayna dhowr jeer waan isku dayay

in aan la xiriiro balse xiriirkaas wuxu ahaa mid ku kooban dhanka khadka, dhowr codsi

oo in aan la kulmo ahaydna hoos ayey uga cudur daaratay.

Zeynab waxay dib ugulaabatay meeshii ay katimid markii ay dhameesatay fasaxeedi,

balse aniga kama raja dhigin iyada, waxaana joogteyn jiray la xariirkeeda aniga oo

aaminsanaa in ay maalin uun ii soo dabci doonto, joogteynta la xiriirkeeda iyo

maseejyadeda waxay ii haayeen wehel joogto ah.

Wax uu xarirkeena iyo iska warqabkeena uu joogto ahaadaba waxay ii sheegtay inay

imaan doonto Neyroobi iyada iyo qoyskeedaba, waxay kaloo ii sheegtay inay u socdaan

Malaysia halkaasna ay kasii aad idoonaan America, kuma farxin hadalkaas iyo meeshaas

oo ay usocotaba, hadalkaas wuxuu igu beeray niyad jab, sidoo kale waxaan dareemay in

dadaalkii aan ugu jiray hanashadeeda rajadiisa ay sii yaraanayso maadaama ayba sii

fogaanayso, xaaladda xiriirkeenana aysan caafimaad qabin.

Ciil ma qabeen haddii uu xiriirku laba afle ahaan lahaa, oo markaa waxaan dareemi

lahaa in xanuunka iyo uurku taalada aysan gaar igu ahayn walwalka jacaylkana la ila

dareemayo, balse maadaama aan kali ku ahaa xiriirkan oo uu xagayga oo kaliya ka

socday waxaan dareemay in dhabar jab iyo dharbaaxo kulul ay markaan igu dhacaday.

Maalmo kadib waxay timid Neyroobi ayada iyo qoyskeeda, si ay iskugu diyaariyaan

safarka ay ugu baxayaan Malaysiya, balse nasiib darro Zeynab ismeynaan arkin, xitaa

waxay iga diidday si caadi ah in aan isku aragno oo mar walba waxay sheegi jirtay in ay

mashquulsantahay, mashquul ma jirinee waxaa jiray jirro ay xagayga ka qabtay, waxaan

ka dareemayay cabsi iyo kahasho ay kahanaysay in aan usoo dhawaado.

Kadib markii ay u safreen Malesia aniga ma joojin xiriirinteeda mar walba caadi ayaan

ula hadli jiray oo arrimaha ay iga filaysay maba kala hadli jirin, si kale ayaan u wada

munaaqashoon jiray, aniga waxaan go,aansaday in aan hoos u dhigo calankayga

calmashada ah ee jacaylka ku salaysan, waxaan isku dayay in aan u muujiyo in aan u

noqdo saaxiib caadi ah, ujeeddadayda waxay ahayd in aan bal hoos ka soo dhiso

xiriirkeena aan caafimaadka qabin.

Duruuftu waxay igu kallifatay in aan baddalo qaab ciyaareedkaygii hore, maxaa yeelay

qaabkii hore ee aan u maamuli jiray xiriirkeena wuu shaqayn waayay, waxaan is tusiyay

in aan laga fursanayn in aan hoos kasoo bilaabo hanashada laabta zaynab.

Qaabka cusub ee aan ula dhaqmayay Zaynab wuxuu u muuqday in uu shaqaynayo

markan sidi aan ugu tala galay, oo waxaan iskaga soo dhawaanay xaga fikirka, sidoo kale

waxaa alkumay xiriir cusub oo ziyaadayey.

Waxaan wadaagnay Xusuus hore oo ku saabsan is barashadeeni hore iyo qaabkii aan

usoo maray la xirirkeeda iyo sababta dhalisay in muddo fog ay iska key fogayso iyada oo

aan jaanis ii siin in aan muujiyo jacaylka aan ula il darnaa xageeda.

Waxay ii sheegtay in Axmed uu igu diri jiray, iskaba dhaaf in uu xageyga u soo jeediyee,

waxay kaloo ii sheegtay in uu ku dhihi jiray wiilkaan kumajecla oo daacad ma aha wuu

kugu ciyaarayaa, run ahaantii Axmed saaxibkay ayuu ahaa mana sharrixi karo sababta

uu sidaas usameynayey, waxay kaloo igu tiri haddaad adiga si toos ah iigu iman laheyd

wax badan waan kula qaban lahaa, balse, qofka aad soo adeegsatay ayaa wax badan kala

daadiyey.

Ilaa iminka wax micno ah iima sameeneyso inaan ku dhaho saxiibkey maxaad iigu diri

jirtay gabadhaas, waayo iminka waa gabar meel fog joogta waqtina laga soo gudbay,

balse, waxaan oran karaa Zeynab waa gabar tixgalin iiheysa balse tixgalintaas ma ahan

mid xaga qalbiga ah iyo dareen rasmi ah oo jeceyl, balse xarirkeena saaxiibtinimo ee

hadda socda ayaa ah mid yididiilo samayanaya.

Zaynab jacaylka aan jeclaaday dhab ayuu ahaa, ma ahan mid qayaas lagu soo koobi

karo, waxaase xusid mudan in sida aan ka filayay uusan noqon, lagana yaabo sababta in

ay tahay qaabka aan u maray iyo natiijada ka dhalatay oo noqotay mid aan

dhamaystirnayn.

Waa sababtaas sababta aan ugu magacaabay jacaylkii igu kaliga ahaa, dareen jacaylkaas

aniga ayuu igu bilowday isla aniga ayuuna igu dhamaaday, zaynab waxay ahayd Marti

lagu sooray qalbigayga, balse ka gaabsatay casuumadda uu qalbigayga u fidayay,

sababtana waxay ahayd in laga dhaadhacshay fikrad khaldan.

Bani aadamka sida badan dhibaatooyika ku dhaca isaga ayaa abuurtay, waana

daciifnaanteena in wax kasta oo aan bilaabayno aanan ogayn halka ay ku

dhamaanayaan, iyada oo laga yaabo in aan bilowno arrin dlhamaadkeeda uu noqdo

gabgabddeena.

Macanaha aan uga dan leeyahay ayaa ah in axmed oo aha saaxiibkay qaaliga ah uu

noqdo kan ka dambeeya guuldarada aan ku guuldareestay jeceelkii ugu horeeyey

nolosheyda, Axmed aniga ayaa sameeyey oo isagu waxba kama ogeyn arrintaan, aniga

ayuu ahaa qofka kusoo daray sheekadan, sidaa darted, ma jirto sabab aan Axmed ugu

tirsho Eedda gunaanadka guuldarada jeceylkeyga.

Dhanka kale waxaan dareemayaa in khibrad la’aanta arimaha haasaawaha oo igu yarayd

ay sabab u aheyd in aan ku guul dareesto hanashada qalbiga Zeynab, waana xaqiiq aan

la noolahay in gabadhii ugu horeesay nolosheyda aan jeclaado aanan nasiib ugu yeelan

xitaa inaan la kaliyoobo hal saac oo nolosheyda ah.

Waxaan ahay mid la nool jeceeylkeeda, waxaana ahaa mid dugaashada muuqaalkeeda

quruxda badan , waxaan ahaa mid isku qanciya in uu magac ula baxay, maqalka iyo

macnaha magacaasna aan iyada lawadaagin, waa guusha kaliya aan kasheegan karo

jeceelka an Zeynab uqaaday.

Waxaan la noolahay dareen dhab iyo fakar aan dhamaan, oo ku saleesan khiyaali iyo

yididiilo, maxa yeelay, ma garan karo iminka zeynab xaalka ay kusugantahay, ma

zeynabtii shalay baa masewaa gabar u joogto nin u calamadeysan oo ay maanka

kuheyso.

Waxa aan orankaro ayaa ah, ilaheey siduu doono ayaa soconeysa , waana in Eebe loogu

shukriyaa waxa uu isaga maamulayo, maxa yeelay marmarka qaar waxaad rabto sidaa

rabtay uma dhacaan waana wax Eeebe xagiisa kayimaada, oo ay tahay marwalba in

loogu shukriyo.

Dhammaad

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

SHEEKOOYIN