KU XAD GUDUBKA XUQUUQDA DUMARKA GOORMAAN ISKA DEYN?!!!!!!

              KU XAD GUDUBKA XUQUUQDA DUMARKA GOORMAAN ISKA DEYN?!!!!!!

Iyada oo yar ayey reerkeeda xoolo uga soo baddasheen si ay ugu noqoto Marwo uu dhaqdo oo uu ka helo Dad iyo dareen dajisba.
Waxay ahayd gabar qurux badan, jirkeeda dhal dhalaalka uu qabo marka aad aragto uu dhareerka kaa daadanayo waa haddii aad tahay raga dareenka kulul u qaada dumarka.
Waxaad moodda marka ay soo jeeddo Faras Alle haybad u dhiibay dhan hore iyo dhan dambaba waa ka camirantahay, dhagax ayaad moodda garabkeeda iyo quruxda ku xeeran xabadkeeda.
Ujeeddada loo soo guursaday waxay ahayd in ay dareen dajiso ninka xoolahaas ka baxshay, isagan uu isku qaboojiyo nimcadaas Alle abuurtay ee ka muuqata garbaha iyo garaangirada gabadhaas.
iyada oo aan raali ka ahayn balse ku raali galinaysa walidkeed kuna qaddarinaysa ayaa laga soo galbiyay gurigooda oo la keenay guriga ninka ay Xilaha u noqon doonto.
Sidii uu rabay waa noqotay dad badan ayuu Alle ka siiyay dareenkiisa shahwanimana wuu dagay, iyadu waxay ahayd gabar yar oo sanad walba dhasha, dareen shaqa kuma lahayn oo waxay u dhaxeesay daryeelkiisa iyo daryeelidda ubadakeeda, waxaa usii dheeraa xoolihiisa tirada badan oo ay u hayn jirtay, sanad walba waa dhashaa, marka ay umusha ka baxdana waa sii walacdaa oo mid kale ayey qaaddaa, waqtigeeda sidaas ayuu ahaa ilaa ay ka dhalma goysay, ilmihiina qaar ay koreen qaarna ay wali gacanta ku hayso.
Isagu maadaama uu xoola badnaa kolba gashaantida soo baxdo ayuu geeska ku dhagi jiray, walina wuu xoogan yahay, wax kale kama fakaro dhalidda ilamha ayuu ka fakaraa iyo gamba qabashada gaashaantida soo hana qaadda, ma garan karo waligiisna kuma fakarin baahidiisa oo kale in ay dumarka qabaan, mar walba wuxuu ka fakaraa farax galinta naftiisa, ayaga badarka ay cunaan iyo xoolahaa ay dhinaca ka dhaqaan ayuu xaqooda u moodaa oo waxba kamaba maqna ayuu qabaa.
Afartii markuu xiray, tii ugu horaysay oo ah midda ay qisadan ku socoto oo iyana markan usoo jeesatay in ay raaxaysato, dareenkeeda dumarnimana uusoo kululaaday, maanta cid kale oo qaadanaysana aysan jirin ayuu yiri subixii dambe inta isi soo taagay yiri “waan ku furayaa?
Waxay waydiisay waxa ay haleesay? Jawaabta uu siiyay waxay noqotay waad dhaqm daysay micnaha wax dhalimaysid, markaas ayey ku tiri “ma dhaqma dayn hadda ayaan usoo jeestay dhaqan iyo ruxid aan dareenkayga dumarnimo kugu ruxo, xaqaaga iyo xoolihii aad iga bixisay waan kuu guday, xaqayga goormaad gudaysaa?
Oo xaqaagu muxuu yahay soo ma daganid meel ilmase soo ma lihid, xoolana soo xerada kuuguma jiraan ayuu dib u su’aalay?
Waxay ugu jawaab celisay xaqyaga dumarnimo intaas ma gooyo, xoolaha aniga ayaa leh ilmahana waynu wada dhalnay, wali xaqayga wuu maqan yahay, waa xaqayga dumarnimo, aniga hadda ayuu dareenkayga soo rogmaday, ima siin, waqtina uma helin in aan noloshayda dumarnimo ku raaxaysto, kaama yeelayo in aad i furto hadda!! 
baahida aad shalay ii qabtay mid ka daran maanta ayaan kuu qabaa, wali dumarka shahwadaada iyo ilmo dhalid ayaad u guursanaysaa, anigana waxaad rabtaa intaad i furto in aad mid kale guursato, wallee ayey ka tahay, waad ku nolol beelaysaa, ama waad ku xoola beelaysaa, igusoo wareeji xoolahaaga barkooda, 40 sano ayaan kuu qidmaynayay marka aad noloshayda sidaas yeeshay miyaad rabtaa in aad nolol samaysato taydana bur buriso? xageen aadayaan 40 Sano kadib?
Inta warkeeda diiday ayuu dalqadihii ku tuuray, marka ay afkiisa kasii dhamaanaysay ayey inta laacday baangad agteedi tiil Qoorta uga jartay, markaasey tiri adigana ku nafwaa, anna aan ku nin waayo.
Hadaba waxaa is waydiin mudan dumarka lasoo guursado ayaga oo yar marka ay dhalma daayaana lagu dhaho booska ii banee mid dhalaysa ayaan keensanayaa, miyeysan xaq lahayn? Maxay bulshadeena ugu baraarugi la’dahay muhiimadda dumarka? Dhaqankeena iyo diinta waaba ognahay in aysan ogolayn, dhaqanka Soomaalida muxuu taa ka qabaa? Arrimahaas way dhacaan, wayna dhaceen, wayna dhici doonaa, ku xadgudka xuquuqda dumarka goormaan iska dayn?
Qore Mohamed Musa Sh. Noor 

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN