Sahra (Hees walwaaleed) Curiye; Maxamed Cilmi Dhicisow

Dh

Sahra  (Hees walwaaleed) 

 

Hees walwalaaleedka ama heeso hawleedku waa qayb fac wayn, oo ka mid ah dhaqanka iyo hiddaha soo jireenka ah ee Soomaaliyeed. Waxa ay ka curataa hawl ka fog dheyelsi iyo dhalanteed, oo hees walwaaleedka hawlaha ayaa lagu qabtaa, muujisaa ama ka marag-furtaana dhibta iyo dheefta hawshaa, sida heesaha xoolaha kolka shubidda, rarka iyo raadinta iwm,  badar tumidda kolka kasha iyo mooyaha, caana ruxidda, falkinta iyo filiq samaynta iyo qaabab kale oo badan.

Waa suugaan ku sifoowday Xiiso, xikmad,xarakayn iyo xakamo u gaar ah,  isla markaana loo adeegsado gudbinta farriimaha hoga-tuska, talo iyo tusaalaynta, dhididka iyo dhibta, waano iyo waxsheegga, ammaanta iyo bogaadinta ama had iyo goorba hawsha xilligaa la derista afmaalka, gola ka fuulka ama suugaanyahanka, suugaan dhaadhiga, ama suugaan aqoonka Soomaaliyeed.

Aan dulucda u soo jeesto ee heestan Sahra oo hannaanka, habka, luuqda iyo laaxinkaba la haysa heeso walwaaleedka, waa hees ammaan dumar ah, mar ahaantaana dareen iyo jacayl gooni ah xambaarsan, sifayn, siiqo iyosargoyn wacanna lagu hal-abuurey, heesta waxaa curiyey Maxamed Cilmi Dhicisow. Akhris wanaagsan.

 

Sahra  (Hees walwaaleed) 

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Samsam wacaneey
  •         Sinji quruxeey
  •         Samir badaneey
  •         Sinnaan jeceleey
  •         Samaanleeyeey
  •         Sarriig huwaneey
  •         Subax kheyrliyo
  •         Sayax hooriyo
  •         Sagal da’ay iyo
  •         Seenya dumareey
  •         Waxa tahey sugan
  •         Saaddir waynuhu
  •         Aw sameeyoo
  •         Xubna siman iyo
  •         Caqli saafiya
  •         Ku sargooyoo
  •         Dad u sidatoo
  •         Saygi eegaba
  •         Sasalaamoo
  •         Lagu saaqmoo
  •         Seexad diidoo
  •         Aw ka saanine
  •         Kana suuline
  •         Sokeeyaha iyo
  •         Reer u seeddee.

 

  •         Sahraay socodkiyo
  •         Saama qaadkiyo
    Simankaagiyo
  •         Sararaha iyo
    Sarajooggiyo
    Sanqaroorkiyo
  •         Saabka solan iyo
    Suuraddaadiyo
  •         sawracaagiyo
    Suubbanaantiyo
    Sifahaagiyo
  •         Sowdka hadalkiyo
  •         Saxsaxnaantiyo
  •         Siiba edebtiyo
  •         Saamaxaaddiyo
  •         Weedha sugan iyo
  •         Sunna raaciyo
    Saanacaa tahey!

 

  •         Ma si gaaraa?
  •         Ma samays baa?
  •         Ma saldhigashaa?
  •         Ma siyaadaa?
  •         Ma sifsifashaa?
  •         Ma silsilad baa?
  •         Ma wax sara oo,
  •         Lagu sii baa?

 

  •         Sahraay heestiyo
  •         Sa’da gabaygiyo
  •         Suul dhabaalkiyo
  •         sasabaalkiyo
  •         Sasawaxankiyo
  •         suubaalkiyo
  •         Seermawaydadu
  •         Waa sarbeeb iyo
  •         Duco subag loo
  •         La sandalayoo
  •         Salbukaysane
  •         Sixinkeediyo
  •         Siddadeediyo
  •         Siraheediyo
  •         Sidigteediyo
  •         Siiqadeediyo
  •         Sideey tahey iyo
  •         Sirri daarigu
  •         Waa sareediyo
  •         Siira-siiriyo
  •         Soo jireen iyo
  •         Sooyaal iyo
  •         Saad wacan iyo
  •         Siinad culusoon
  •         Kuu sogsogayee
  •         Ha saluugine
  •         Sacba furan iyo
  •         Soo dhawayn iyo
  •         Niyad saafiya
  •         Ku siddiri dhawr.

 

  •         Sahraay eraygiyo
  •         Suugaantaydiyo
  •         Sowdka guushiyo
  •         Seema seemaha
  •         Aan ku siiyee
  •         San ku neeflaha
  •         Ruux sidaadaa
  •         Oo safkaagaa
  •         Saaka kuma arag
  •         Weeye sababtuye
  •         Ha safaadine
  •         Soo gal xeradoo
  •         Seedka dhinacey
  •         Aynu soconnoo
  •         Safar aadnoo
  •         Guri sabinnnoo
  •         Sahey jirinnoo
  •         Saadka doonnee.

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Sayma roob iyo
  •         Seben doogliyo
  •         Saaca geeduhu
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Salaad dhawrkiyo
  •         Sako dhiibkiyo
  •         Soonka gudashadu
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Salow diidkiyo
  •         Saayirayntiyo
  •         Sawaab doonkiyo
  •         Sahay garashadu
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Marti soorkiyo
  •         Saaxibayntiyo
  •         Ehel sidashadu
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Sirta dadan iyo
  •         Sameecadahiyo
  •         Suxufiga sida
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Naagya saygeed
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Sumayayada iyo
  •         Leebka soogani
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Safarlaydiyo
  •         Nin socdaaliyo
  •         Sabbaaxa nin wada
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Samaalayntiyo
  •         Ab soomaaligu
  •         Saqiir iyo wayn
  •         Sirqo iyo oday
  •         Soddoh iyo gabar
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Soonge nacasiyo
  •         Safiih iyo doqon
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Siraadka jidkiyo
  •         Sikhi diidkiyo
  •         Wax saluuggiyo
  •         Sicir bararkuna
  •         Waysla socodoo
  •         Waysla saaxiib.

 

  •         Sahraay hadalkiyo
  •         Weedha sugan iyo
  •         Runtu wa saa
  •         Sidaan iyo saa
  •         Sidaa weeyaan
  •         Kelmad sahaliyo
  •         Sinsinnaan iyo
  •         Sidqi weeyaan
  •         Dhaqan siiqliyo
  •         Hidde saarliyo
  •         Sama weeyaan
  •         Sadar muuqdiyo
  •         Suura suuriyo
  •         Surin weeyaan
  •         Suldaannimo iyo
  •         Saahidnaan iyo
  •         Sullan weeyaan
  •         Sitaac faras iyo
  •         Wax sarreeyiyo
  •         Sinni gaariyo
  •         Sinji weeyaan.

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Saaca noloshiyo
  •         Soohdintaydiyo
  •         Soonahaygiyo
  •         Seerahaygiyo
  •         Suxulkaygiyo
  •         Saamigaygaay.

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Siinadaydiyo
  •         Siifaddaydiyo
  •         Seetahaygiyo
  •         Soofahaygiyo
  •         Seedahaygiyo
  •         Saxalkaygaay.

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Siinka xarafkiyo
  •         Siyaarayntiyo
  •         Sumaddaadiyo
  •         Magac soocashadu
  •         Waa sir gaaroo
  •         Jacayl sillan baa
  •         Intaw igu siqey
  •         I sarsarayoo
  •         I subaacshoo
  •         I saldhigayoo
  •         I sambulayoo
  •         I safiihshoo
  •         I salwinayoo
  •         Saanad culus bow
  •         Intaw igu sabey
  •         Igu saayidey.

 

  •         Sahra ladaneey
  •         Saaka saan ahey
  •         Saadambeetiyo
  •         Saakuun saan noqon
  •         Sakaraad iyo
  •         Siibashiyo mowd
  •         Sigid weeyan
  •         Saacidaad iyo
  •         Samatalin iyo
  •         Saajacayn iyo
  •         Saamigaagiyo s
  •         Sowjadaydiyo
  •         Haddey saa noqon.

 

 Dhammaad.

 

Maxamed Cilmi Dhicisow

elmi_0@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN