Gabayga Qasad W/T: Dhaqane Rooble Xalane (Dhaqane Dhuux)

 

 

 

 

 

 

Gabay ka mid ah Silsiladdii Qawad ee uu bilaabey Ibraahin Cismaan Afrax(Nolosha) waana Silsilad  Xifaalla ahayd oo u dhaxaysay  gabdhaha waayaha cusub iyo Wiilaha  waayaha cusub  is dhalanroga dhinacyada saameynta nolosha iyo dhaqanka, Gabaygan waxaa tiriyey Dhaqane Rooble Xalane (Dhaqane Dhuux)

Gabayga Qasad 

  1. Qaafleeydu waa gabay haddii, loo qiyaas dayo’e
  2. Qormo baana laga dhigi karaa, oo la qirayaaye
  3. Bal aan qulubka  saaroo misana, qiima una yeelo
  4. Qun-yar aan u sheegee wixii, dunida qeyb waalay
  5. Oo leeysku quursanahayee, qiiqna kicinaayay
  6. Bal aan qeydo waa tuu nafluhu, wax un ku qaataaye
  1. Waa ninkii qoslaayiyo midkii, qoonsi u halgaaday
  2. Waa ninkii qab weeynaa midkii, qaadan kari waayay
  3. Waa kuwa is qalayoo haddane, qoomamadda jooga
  4. Wax is qoomka sababtii ahoo, leeysku qarribaayo
  5. Qaayaheena waxa lumiyay ee, qaabka naga yeelay
  6. Waa qadafsanaan iyo warkoo, qaab xun loo dhigo’e
  1. Sida ina cusmaan uu qiroo, gabay ku qaabeeyay
  2. Qoowlkiisa sida aan ka helay, een anigu qaatay
  3. Mida qaawan inu doonaheyn, quruxda dheeggeeda
  4. Nin walbaana qaabkaa ahoo, qoonsan qaawnida’e
  5. Mida qarisay badankeeda baa, lagu qarwaayaaye
  6. Ma asaa dhammaan qaayo tiray, qalanjo soomaali?
  1. Qaryaan ina cusmaanoow haldoor, qalinka soo qaado
  2. Ina aay qancaan baa rabaa, inama qiirooday
  3. Oo qalad inteey kaa fahmeen, wada qamuunyooday
  4. Hodan qaayo badaneey adoon, qalad na saareeynin
  5. Dumar maanan qaab tirin inagu, waan qaddarinaaye
  6. Inan qaawni qaadano miyaad, nagu qasbeeysaa dhe?
  7. Leeylaay rag baa wada qafilay, qaabka noloshoode
  8. Oo rag baa ka tagay qaayihiyo, dhaqanka qoomkeena
  9. Balse waa raggaa qaadin uur, ceebtu ay qaban dhe
  1. Bal aan soo qatimo hadalka iyo, qoowlka gabageeyga
  2. Qof walibaa wuxuu sheegayaa, waa qiyaas dhabahe
  3. Balse gabayga qasad kuu ahaa , waa la qaab tiraye
  1. Maansada qurxiya qaariyaal, qoowlka gabaygiina
  2. Oo qiila qaalada ka jira, qaadir idin dhoowrye
  3. Qiiriyo xanaaq yeeysan noqon, qodobka doodiina

    W/T: Dhaqane Rooble Xalane (Dhaqane Dhuux)

 

SHEEKOOYIN