Kalsoonida Nafta W/Q: Hassan Mudane

 

Kalsoonida Nafta

Kalsooni waa dareenka aad ka qabto naftaada ama waa waxa aad ka rumeysan tahay naftaada. Haddaad isku aragto qof aan wax qabsan karin, nolosha ka dhacsan, ayaan daran, sidoo kalena aad naftaada ka qabto aragti taban oo baqdin iyo saluug badan ku jiro qofnimadaada ogow waxaad noqonaysaa col hortiis jabay! Adiga iyo guuli isma arki doontaan waayo guusha waxay u martisaa qofka naftiisa ku kalsoon.

In aad naftaada ku kalsoonaato  ujeedkeedu maahan in aad tahay qof islaweyn, balse haddaad tahay qof isla qabweyn oo aan dadka ula dhaqmin sida wanaagsan ogow taasi kalsooni maahan ee waa cudur nafeed ah, marka waa laga maarmaan in aad naftaada ku kalsoonaanto boqolkiiba boqol oo aad  ku hanweynaato in aad tahay qof milge leh  oo wax qabsan kara.

Kalsoonida nafta waa lafdhabarta guusha haddii aysan kalsooni jirin way adag tahay in aad si qurux badan u guulaysato. Dhanka kale, kalsooni darrada iyadana waxay lafdhabarka ka jebisaa guusha waxay kaa dhigtaa qof aan dhaqaaqi karin waayo waxay kugu beeraysaa cabsi aan jirin hamrasho aadan tahli karin wax badan waxay ku farreysaa werwer iyo walaahow kaa gala waxaad is leedahay ku dhaqaaq “ Ma qaban kartid,wey adagtahay, wey culustahay, dadkaa kula yaabaya, suurtagal maaha “ Farriimaha waa kuwo kugu ridaya walaac  aad dib uga gurato hayaankaagi iyo higsigaagii qofeed. Kalsooni darrada waxay mararka qaar saameyn ku yeelataa nolosha qoyska, shaqada iyo waxbarashada. Hdadaad tahay ruux jilcan oo aan naftiisa ku kalsooneyn, way kugu adkaanaysa sidii aad u maarayn lahayd dhibaatooyinka ku soo food saara. Una fiirso maskaxda Aadanaha waxay inta badan isku hawshaa uruurinta farriimaha taban.

Buuniyaasha odorosa aqooneed nafeedka(Cilmi nafsi)  waxay sheegeen, haddii qofku badsado aragtiyaha taban ee xuma sheega ah, arrintaasi waxay dhaxalsiisaa in uu noqdo qof aan waxba qabsan karin kaddibna arrintu  waxay siu dhalanrogtaa kuwa la falgala, dhaqan iyo dhurba. Kalsoonidu waa mid ka mid ah Irdaha ugu mudan ee laga galo guusha. Haddaad kalsooni isku qabto male kuma jiro in aad noqon karto qof ka guul gaari kara wax walba oo maankiisu janto. 

Dhanka kale, diinteena suuban waxay na baraysa in aan noqono kuwo leh kalsooni buuxda dhinac kasta kaliya aysan ahayn wax ku saabsan nolosha ee ay tahay in sideedaba aynu la imaano go’aan qaadasho ku dhisan kalsooni waayo Alle SWT waxa uu leeyahay “Waxaad talo saarataa Allaha aan dhiman ee nool mar kasta taasina waa arrinta ugu adag ee ku baraysa in taladu ay tahay mid Alle oo kaliya.”

Si kastaba, guusha iyo guul darrada maahan wax mar kaliya iska dhaca ee waa dhaxalka dadaal socday ammin badan, markaad diido in ay ku hakiyaan meertooyin iska horyimid   oo weerar joogta ah ku haya yoolkaaga, la seexato kuna soo toosto markaas ayay duluc weyn yeelanaysaa kalsoonida nafta. Ha ku hodmin wax yar oo dhalanteed ah balse noqo qof hankiisu weyn yahay oo yool leh iskana ilaali malaha iyo muhmal badan, waayo wuxuu keenaa kalsooni darro keeni karta guul darro. Ogowna haddaad doonayso in aad la duusho shimbirka hawada sare maraya ammin badan yeysan kaaga lumin digaagga dhulka hoose socda! Waa halku kala lahaa  Cabdiraxiin Hilowle Galayr

  • Kartida waa loo dhashaa
  • Kaskana waynahaa baxsha
  • Kalsoonidu waa hoggaan
  • Waxaad kadbata kistaa
  • Waxaad kordhisaa hanka
  • Kadlaa lagu meel mara
  • Kaynaan iyo meel fogba
  • Kormeer sahan loo dirta.

 

 

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 4aad, bogga 64aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com

SHEEKOOYIN