Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q1AAD W/Q: Axmed Xaayoow

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q1AAD.

Galabnimo cadceedu sii dhacayso horaanta bisha November 1981ki ayuu Bashiir soo aaday guriga Habboon oo uu dhowr goor kor iyo hoos u dhaafay, asagoo ka baqaaya inuu galo, guriga waxa uu ku yaalay Degmada Xamar Jajab, waa xaafad uu hore u deganaa oo ay deris u ahaayeen asaga iyo Habboon, inkastoo aanu gurigooda weligiis gelin.Bashiir waxa ay xaafadda ka guureen in aan ka badneyn bil ka hor, Habboon reerkoodana waxa aan salaan kore aheyn ma dhexmarin intuu xaafadda deganaa, laakiin caawa waxaa ka soo galay dan weyn iyo baahi ku kaliftay inuu u soo muraado, baahidaas oo uu qabay muddo fara badan oo gaareysa ilaa seddex sanadood in ka badan, asagoo weliba deganaa xaafadda.


Horaanti 1978ki ayuu Bashiir jeclaaday Haboon oo waddada gurigooda loo maro intuu fariisto iska fiirsan jiray laafyaheeda, markaa Habboon waxa ay aheyd fasalka 7aad Dugsiga Dhexe, waxayna aheyd gabar edeb badan oo aan ka soo bixin gurigood ilaa inay dugsiga waxbarashada ama Suuqa aadeyso ma ahaane, waagaas Bashiir wuxuu ahaa fasalka 2aad Dugsiga Sare, wuxuuna ku fekeray inuu sugo intay Habboon ka soo koreyso ama ka gaareyso xiliga lala sheekeysan karo, waxay u aheyd keydkiisa mustaqbalka, waxa uuna ku kalsoonaa inuu helidoono Habboon hadduu firaaqo u helo wakhtiga ku haboon.


Inta badan xiliga ay Iskoolka ka timaado wuxuu fursad u heli jiray inuu fiirsado socodkeeda, marmarna waxay is dhaafsan jireen salaan aan gacmaha leysi saarin Habboona ay socodkeeda sii wadato, Bashiir wuu aaminsanaa inay indhihiisu saameyn ku yeesheen Habboon ayna dareensan tahay fiirintiisa badan inay wax kale ula jiraan balse Bashiir muddadaas dheer oo sannadaha gaaraayay wuxuu xulanaayay wakhti uu dareenkiisa cusbooneysiiyo, laakiin ma aheyn mid maalin walba fadhiya halkeey Habboon soo marto, wuxuu u isticmaalaayay xusuusin inuu uga dhigo iyo inay iloobin inuu weli daneeynaayo wakhti ku habboona la sugaayo sheegashada baahidiisa.

Haboon markeey gaartay fasalka 2aad Dugsiga Sare, markaana uu Bashiir soo dhammeystay shaqadi qaranka isuna diyaarinaayo inuu Jaamicad galo ayna ka guureen xaafaddi uu deganaa ayna degeen Degmada Yaaqshiid oo aad uga durugsan, fursadna u waayay qoftii uu indhaha ku korsanaayay ayay ku kaliftay inuu markaan u istaago sidduu wax uga qaban lahaa beerti uu abuuraayay, wuxuu maalin soo aaday xaafadi Habboon si uu u soo salaamo asaxaabti uu ku lahaa, nasiib wanaag wuxuu fursad u helay gabar yar oo ay Habboon isku da’ yihiin, gabadhaas oo boog uu qarsanaayay ka damqisay kaddib markuu ku yiri “Intaan xaafadda ka guurnay waa soo koreen gabdhihi yar yaraa, sida adiga iyo Haboon ” hadalkaa ayaa keenay inay isku difaacdo gabadhi ” Haboon saaxiib ayay leedahay ma ayadaa yar” madax xanuun ayuu ka soo qaaday eraygaas ah “Haboon saaxiib ayay leedahay”

Bashiir wuxuu isku canaantay inuu ka gaabiyay hanashada Habboon asagoo heli karay fursad uu ugu gudbiyo dareenkiisa, waxaa maskaxdiisa ku soo laalaabatay sideey Habboon gadaal ugu soo fiirin jiray markuu indhaha la sii raaco, markaana ay niyadiisu ku farxi jiray saameynta uu ku leeyahay iskuna qancin jirtay (way kula socotaa, weyna ku ogtahay inaad jeceshahay).Bashiir wuxuu fahmi waayay sideey Haboon ku yeelatay saaxiib, waayoo Guriga iyo Iskoolka meel aan aheyn kuma ogeyn iyo inay heli karto fursad loogu sheekeeyn karo, laakiin wuxuu go’aan ku gaaray inuu soo baaro dhabta arrintaas iyo inuu sirtiisa u kashifo cidduu isleeyahay wax beey kaala qaban kartaa oo afkiisa furto.

Bashiir dhaqankiisa kuma jirto inuu la sheekeysto gabar uu ogyahay inay saaxiib leedahay, ha ahaado miduu yaqaan ama aanu aqoon intaba, howsha ugu muhisan ayaa ah inuu xaqiijiyo jiritaanka warkaas looga sheegay Habboon, hadduu run noqdana uu ku hungoobey sugidiisi dheereyd, hadduu been noqdana uu markaan xoogga saaro siduu uga mira dhalin lahaa hanashada Habboon.Waxaa yaab leh cid aad deris aheydeen muddo fara badan, gurigoodana aanu idinka fogeyn wax ka badan seddex guri,wiilashoodana  xiriir saaxiibnimo  idinka dhaxeynin salaanta wax dhaafsiisan, waalidkoodna aad taqaano, laakiin aanu isdhexgal idinka dhexeynin balse ay ku ogyihiin inaad tahay wiilka reerka ugu weyn uguna degan, lagana yaabo inay wiilashooda ku canaantaan maxaad sida Bashiir oo kale u noqon weyday, agtoodana aad qadarin weyn ka mudan tahay, reerkaas hadduu muraad weyn kaa soo galo sideey suuragal ku noqoneeyso inaad xal kaga gaarto.

Bashiir wuxuu billaabay inuu yimaado xaafaddi si uu u xuuraansado, wuxuuna la kulmay wiil saaxiibkiis ah oo ay aad iskugu fiican yihiin wiilasha la dhashay Haboon oo la yiraa Yuusuf, markeey cabbaar sheekeysteen ayuu Bashiir hoos ugu soo degay muraadkiisi, wuxuu yiri ” Saaxiiboow sir aan rabaa inaan kugu qarsado, waana aaminsahay inaad ii qarineyso laakiin waxaan kaa rabaa inaad wax igala qabato inti karaankaaga ah” Yuusuf ayaa ugu warceliyey: ” Waa khasab inaan wax kaala qabto inti karaankeyga ah ee soo deey saaxib”

Bashiir oo ka xun inuu kashifo sirtiisa ayaa ku yiri: ” waxaan  in muddo ahba gaad gaad ugu jiray Haboon, laakiin waxaa la ii sheegay inay saaxiib leedahay ee arrintaas wax ka ogtahay?” Yuusuf intuu qoslay ayuu yiri ” Maya saaxib waxba kalama socdo, balse waa kuu soo ogaan karaa arrintaas, laakiin marba haddaan la qabin maxaa kaa galay saaxiib inay leedahay iyo in kale? Howshaada maad qabsatid?”. Bashiir ayaa ku yiri ” Waxaa iigu muhimsan inaan ogaado inay saaxiib leedahay oo kali ah inta kale waa sahal”

Yusuf ayaa ugu jawaabey “Igu halee middaas inaan geed dheer iyo mid gaabanba aan u fuulo, wuxuu sii raaciyay ” Saaxib khabiir weynaa tahay oo waxaad taqaan miisaanka ay kala leeyihiin qofta saaxiibka leh sida loola hadlo iyo midda aan laheyn sidda loo shukaansado” Bashiir ayaa ugu halcelshay: Maya saaxib haddeey leedahay qof ay wada socdaan aniga boos iigama bannaana waxaana gadaal u liqaa cadhuufteyda”.

W/Q: Axmed Xaayoow( AUN)

SHEEKOOYIN