Gu’yaal badan iyo guurka Maandeeq W/Q: Cabdifitaax Maxamed Xaambe

Gu’yaal badan iyo guurka maandeeq.

Maandeeq waxay hanaqaaday 1960kii, waxayna la aqal gashay ninkii ugu horreeyey ee gabar-nimo ku helay, maadama ay gabar ugub ahayd aadbaa loo soo dhaweeyey aqal-galkeedii, wuxuuna ahaa guur loo soo maray habdhaqankii saxda ahaa waana la soo doonay, lana gudoon siiyey ninkii loo arkayey inuu ahaa kii ugu mudnaa intii u xusul duubaysay in ay hantiso.Inkastoo mudanahaasi ahaa kii ugu horReeyey laakin ma noqon kii ugu dambeeyey!

Wixii intaas ka dambeeyey Maandeeq waxay gashay oo guursaday dhowr nin oo midba waddo u soo maray guurkeedii, qaarbaa jajuub ama qasab ku guri-gaystay, qaarbaa qarash iyo qarda jeex kale u soo maray in mar uun meher ugu dhaco, hayeeshee midna ma noqon guurkiisa mid waaraa oo lagu nagaado.

Maandeeq oo muunad, meeqaaan, muuq, qurux, qaayo, qalanjanimo kulansatay laakin nasiibkeeda guur xumaaday ayaa noqotey mid nin walba u hanqal taago ama hammiyo mar uun inuu hoy gaysto!

Rag badan ayaa u soo xayt-xaytay oo xodxodasho u galay in ay xillo u noqoto, qaarkoodna hadda ka hor ayaa horey calaf u kala direy oo marbeey minanka u joogtay kumasa nagaan gacantooda.Maandeeq ayadu mar walba oo ay quus ku dhawaato ayna niyad jab ka dareento guurka dhanba waxay daarataa oo ay nafta ku dajisaa heestaa tiraa;

  • Caashaq lagu hungoobiyo
  • Nin xuni ciilkuu ku baday
  • Ragba ha uga caagine
  • Cidlo nolosha kellinimo
  • Caku kuuma qalantee
  • Cadrayahay gayaankaa
  • Nasiibkaa markale cugo.

Maandeeq mar kale inay calafkeeda tijaabiso, ayey caqliga galisay, waxaana helitaankeeda isku garbiyey calafdoon badan, mid walibana siduu uu isaga iibi lahaa ayuu ku dhaqaaqey,kuwa badan ayaa yiri:

  • Marwo daacadoo
  • Kuu diir naxdaa
  • Dumar laga xushaa
  • Dahab iyo xariir
  • Key doontabaa
  • Dusha loo suraaa!

 

Maandeeq oo aad moodo wax dan ah inaysan ka lahayn nin lacag ku tookhaya ayaa cod dheer ku tiri:

  • Doqon maaha liitaa
  • Dirac maaha kii ladan
  • Maaha dahab iyo lacagoo
  • kalgaceylku waa dookh.

Ugu dambeyn Maandeeq waxaa calfaday mid ka mid raggii jaceylka daran u hayey hanashadeeda howl badan iyo waqtina ku bixiyey helisteeda, waa loo hooy-geeyey, waa loo mashxaraday loo heesay loo hambalyeeyey loona hanweynyahay inuu noqdo mid guurkiisa lagu gamashiyo,waxaa loo daaray heesta ah:

  • Alalaaska baxaya
  • waa aroos waa aroos
  • Indhihii kalgacal
  • la ilmee jiraaa
  • Farxad ololayeee
  • Aqal jaceyl iyo
  • Udub dhigiis.

Mar haddii Maandeeq galbatay ayaa mid ka mid ah calaf doonayaashii wuxuu yiri;

  • Geedi dheer muxuu calaf
  • Gacal ooman kala raray
  • Misna geed ku kala xirey
  • Maxaa samirka gaaxda
  • Nasiib gaabiya dilay
  • Misna gaari waayaa.
  • Godob qaaday waayuhu
  • Anna gooni may dhigay
  • Gabaahiir ma igu furey
  • Geeriyaad maku ambadaye.?

Mid kale ayaa asna yiri isaga oo guuldaradiisa  la cataabaya

  • Ma qadarin Ilaaheey
  • Calaf inaan wadaagnee
  • Oori kaad u noqotaaan
  • Leeyahay dhib iyo oon
  • Uma qalanto hadimeee
  • Ka ilaali lahashada.

Midbaa si laxaw ku beeranyahay kula dar-daarmay ninkii gudoontey  ee la gadoomey guurka iyo gacanta maandeeq.

  • Wiilkaan calafku sooree
  • Cesha suuban helayoo
  • Nasiibkiisu siiyoow
  • Wuxuu mowle kugu simay
  • Haldhaa sama u dhalatoo
  • Sinjigeedu wacanyoo
  • Soddonkii quraankiyo
  • Sunne lagu anqariyeee
  • Sida loo bar-baarshaa
  • kuugu filan sareedee
  • Sayid noqo ilaashada
  • Sida weli karaameee
  • Sida sebi sabaalee
  • Sida hooyo wax u siii
  • Sida hoobal ugu hees
  • Saaciidadeedaad
  • ragba kaga sarayniye
  • Sida Boqorad maamuus.

Qaar ma quusta yaal ah oo weli damac kaga jiro in ay Maandeeq mar uun heli doonaan ayaa ku luuqeeyey:

  • Wallee ama go’oo
  • Godka ciil la galay
  • ama gu’ga xigaaan
  • Ayadoo gamba leh
  • garoob-nimo ku heli

Maandeeq  waagii hore ninka karti iyo ragganimo meel isu taagaa u hanqaltaagi jirey, haddase waa hortaa bannaan oo nin walbaa haweystay, taasoo hoos u dhigtay hammigii laga qabay  guur heer gaara iyo  reer horumara oo Maandeeq u hirgala.Maandeeq mar qudha  ayay asay qaaday, inta kale  xuurtaa lagu haystay oo guur xeeladaysan iyo mid xoog ahba aragtay,  qaarbaa xitaa qudba sire ku qabay.Maandeeq maanta waxay  u bugtaa  in  aysan  mar dambe  nin dambe inaysan xoog, xeelad iyo xoolo midna ugu guri gelin ee talo wadareed  dadkeeda oo dhammi ka mideysan yahay ay ku guursato kuna  guri gasho guulna laga gaaro.

W/Q: Cabdifitaax Maxamed Xaambe

SHEEKOOYIN