XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 22aad                                                                       

 

                                           MARWADA WANAAGSAN

Marwada ugu wacan marwooyinka waa midda masaariifteeda xajisata micnaha dhaqaaleysata, una noqota ninkeeda mid ka kaalmaysa in uu wax badan kaydsado, ma han marwo wanaagsan midda ku fakaraysa in xoolaha ninkeed ay dhamayso iyada oo uga dan leh in uu ninka bari naag kale la guursanayo.

Waxaa wanaagsan in ay dumarku fahmaan waajibka ka saaran badbaadinta hantida ninka ay nolosha la wadaagayaan, ninka aad wax la wadaageysid waa qayb ka mid ah jirkaaga sida aad doonto adiga u fahan ama u garo, dhabta ayaa waxey tahay inta badan ee aad isaga hagar ku sameysaa ama dhibaato u geysataa in ay la macna tahay xubin jirkaaga ka mid ah oo aad dhaawacayso adiga oo ogayn xanuunka kaaga imaan doono cawaaqibkiisa.

Mmusa

                                                   QIIMAHA ADAABTA

Adaabta midda ugu qiima badan waa midda ku garansiisa in aad Alle ka xishooto.

Mmusa 

                                                   QIIMAHA ABUURISTAADA

Nolosha laguuma siin in ay noqoto taariikh laga sheekeeyo, ama buugaag qoran oo la daalacdo, macanaha saxan ee abuuritaankaaga ka dabeeyo ayaa ahaa in aad camirto oo qurxiso Dunida aadna ugu diyaar garowdo noloshaada dambe ee Aakhiro, gurigaaga jannadana aad uga dhisato, intaas wixii kasoo haraa waa dhisasho aad dhisanaysid guriga aan la mahdin ee Naarta ah.

Mmusa

                                              CEEBTAADA ALLE AYAA ASTURO

Hadaad aragto dadka oo la yaab ka muujinaya muuqaalkaaga, ogow in ay la yaaban yihiin quruxda uu Alle kaa soo saaray, qofka qasab maahan in uu wada yeeshaa astaamaha quruxda, waxa quruxda muujiya waa cajaa’ibta Alle.

Waxey u jeedaan oo kaliya qurxudaada muuqato, balse ma oga foolxumadaada sida uu Alle u asturay, Alle uga mahadi wanaagaaga uu mar walba muujiyo iyo asturidda uu ku asturo, hana noqon mid ku kadsoomo dhal dhalaalka dunida iyo dhagarta dadka.

Mmusa 

                                                    KU SABAR DHIBKAAGA

Haddii uu dhib kugu dhaco xanuunka dhibka yuusan kuu muuqan ee xusuuso inta dhib ee uu Alle kaa soo nabad galshay ee ku dhacday inta kula midka ah, waxaadna ogaataa in Alle marka hore kaa nabad galshay kaana soo caafiyay dhibaatooyin badan oo kugu dhacay in uu isla Allahaas taagan yahay mar walba rajadaada ha ahaato in uu kaa caafin doono dhibka maanta ku haysta.

Waan dareemi karaa in xanuun badan oo qalbi ah ama jismi ah aad dareemayso, balse xusuusnow in dadka ahlu iimaanka ah ay ka doorteen intii dunida lagu caafin lahaa ay jirradooda iska haystaan si malaa’igta ay usoo booqato mar walba, qaarkoodna jannada ay ku doorsadeen u sabridda xanuunka hayo.

Mmusa

                                                                    U fiirso
Inta aadan afkaaga u kala furin in aad wax eedayso marka hore bal ka fakar u jeedooyinkaaga ku aaddan waxaas aad eedeynasyo.

Miyaadan u maleeynayn inta aad wax eedeyn lahayd in aad gacan wanaagsan dhiibi karto, wax wanaagsana qaban karto, adiga oo koontaroolaya caradaada iyo ficilkaaga ku aaddan aargudashada.
Mmusa

 

 

                                                                Cabsida
Mar walba si wacan u fakar, hana ka cabsan guuldarrada, waxaa wanaagsan inta aad dhisan lahayd Darbi aad kaga dhuumato cabsida guuldarrada in aad hesho dariiqa guusha, kaas ayaa kaga khayr badan wax walba.
Mmusa

 

                                           CAAQILKA WAA KEE?

Caaqilka waa midka u garta ama u fahmo hadalada dadka in ay digniin u tahay dhaqanadiisa xun ama gafka ka dhaca, halka qofka doqonka ah ay u tahay dareemidda dhaawac loo gaystay iyo xanuujin isaga si shaqsiyan ah loo xanujinayo.

Qofka caqliga leh hadalada dadka ay ku hadlayaan inkastoo aysan saamayn ku yeelan dhaqamadiisa iyo hadafkiisa nolosha, hadana waa mid uu kala baxo Khibrad, digniin ahaana uu naftiisa u siiyo in waxa laga sheegayo ay wax ka jiri karaan, sidaa darteed, looga baahan yahay n uu isi saxo.

Balse kan aan caaqilka ahayn mar walba oo aad wax u sheegtid waa kan mooda ama is leh in isaga loogu dan leeyahay ama lagu xumeynayo shaqsiyaddiisa, dadka marka ay hadlayaan waxba kaama dhibo kan ku amaanaya ama dhinac wanaagsan wax kaaga tilmaamaya, mar walba waa in aad foojignaan ka muujisaa oo wax ku qaadataa kan dhinacaaga xun wax ka sheegaya.

Mmusa

                                        DHAAWACYADA QALBIGA

Dhaawacyada qalbiga ee kusoo gaara waa laga yaabaa in ay saamayn badan ku yeeshan shaqsiyaddaada, balse ma ahan in aad u ogolaatid dhaawacyadaas in ay kaa dhigaan gabi ahaan shaqsi dhalan rogmay oo is baddal guud uu ku dhacay.

Isla dhaawacyadaas waxaa laga yaabaa in ay sabab ahaan ka yimaadeen dad kuu dhow ama ay sabatooda lahaayeen, waa In aadan u ogolaan qofna in uu burbursho noloshaada, maxaa yeelay adiga ayaa dhistay noloshaada qofkana waqtiga ayaa idin kulansiiyay isla waqtiga ayaana idinkala wadi karo, sidaa darteed, waa in aadan u burburin noloshaada qof darteed ama aadan u ogolaan in qof uu dhaawaco jiritaankaaga noloshaada.

Waxaa kaloo taas ku dari lahaa in ay kaa dhici karaan Gafaf sababteda aad adiga leedahay,  waa in aadan u ogolaan gafafkaas in ay cariiriyaan ka fakarka hor u socodka noloshaada.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN