Halgankii laba Xaaji Faarax W/Q: Prof Yaxye Sheekh Caamir

Halgankii laba Xaaji Faarax.

Laba Xaaji Faarax waxa ay ahaayeen halgamayaal lagu xasuusto doorkii ay ka qaateen halgankii Gobannima doonka, midkoodna halgankiisa uma isticmaalin hub uu ku dagaalamey, laakin waxa ay muujiyeen in la halgami karo ayada oo aan hub la isticmaalin.Xaaji Farax Oomaar & Xaaji Faarax Cali Cumar.

A-Xaaji Faraax Oomaar Ileeye Xaamud

Halgama Xaaji Faarax Oomaar

Xaaji Faraax Oomaar ( 1871-1949) inkasta oo qoraallada qaarna ay leeyihiin waxa uu dhashay 1879kii. Waxa uu ku dhashay Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil. Dugsi quraankii miyiga kaddib waxa Aabbahii u waday magaalada Berbera, halkaa oo uu ka sii watay barashadii qur’aanka kariimka ah iyo Af-carbeedka.Xaaji Faarax waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee culuunta iskoolada bartay kaddibna bilaabay halgan gobanima doon.Soomaalida oo 100% muslim ahayd ayaa markii ingiriisku soo galay dalka heshiis kula gashay in uuna diin kale dalka ku fidin Karin.

laakin ingriisku heshiiskaa waa ka baxay asaga oo deegaanka Dhaymoole oo u dhow Berbera ka furay Dugsi Baaderi oo lagu barto diinta masiixiga. Dugsigaa oo lagu xareeyay 11 wiil oo uu Faarax Oomaar ka mid ahaa. odayaashii ayaa ku kacay, dugsigiina waa la xiray. Laakin Baadarigii ayaa si qarsoodi ah 11 arday ugu qaaday dugsigii Marry Church School ee magaalada Cadan si loo soo baro diinta masiixiyada, wiilashaa waxaa ugu weeynaa Farax oo 10 jir ahaa. Wiilashaa waxaa ka mid ahaa:

  • Ciise Faranji
  • Fideer
  • Xuseen Kaatoli
  • Axmed Cali (Micheal Mariano aabihii)
  • Maxamud Diiriye Suulaawe .

Kow iyo tobankii wiil ee baaderigu qaatay, shan ka mid ahi waxay noqdeen kiristaan lixina muslim, wuxuuna Faarax Oomaar ka mid ahaa lixdaa muslimnimadoodii ilaahay u badbaadiyey. Faarax dugsigaas ayuu ku dhammaystay waxbarshadiisa ilaa dugsiga sare halkaas.Faarax Oomaar wuxuu dalka dib ugu soo laabatay muddo kaddib, Waxa uuna isla markiiba guursaday Shaqlan Buureed, waxayna u dhashay wiil keliya oo lagu magacaabi jiray: Jaamac Faarax Oomaar kasoo dhintay isagoo aabbihii X. Faarax Oomaar weli nool yahay. Jaamac X. Faarax waxa uu ifka kaga tegey gabar keliya oo lagu magacaabi jiray Ugaaso Jaamac X. Faarax Oomaar.

Markii uu soo dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare ee uu dalka ku soo laabtay 1904 ayaa dawladda ingiriisku u magacowday inuu noqdo taliyaha ciidamada bariga Somaliland ee Rakuublayda (Regiment sergent camel crops) waxa uu diiday dulmigii gumeeysiga. Ingriiska ayaa weeydiiyay, maxaa ninka madow ku filan oo aad rabtaa? Waxa uuna ku jawaabay:(In ninka madow ay ku filan tahay inta ninka cad ku filnaan karta dhinac kasta!). maalintaa wixii ka dambeeyay ciidama gaar ah ayaa la daba dhigay.

Sannadkii 1911, Waxaa la sameeyay qoraal been abuur ah oo ku socda Sayid Maxmaed Cabdille Xasan oo xilligaas dagaal kulul kula jiray gumeysigii Ingriiska. Warqadaa oo wadatay shaabaddii iyo saxeexii Faarax Oomaar lana yiri asagaa qoray. Warqadiina waxaa loo geeyay DCgii (District Commissioner) xukumayay magaalada Burco.

Kaddibna waxa uu bilaabay Xaaji Faarax hal-ku-dhigyadiisa caanka ahaa sida kii: “Hayaay na cunyeey; Naga soo gaadhaay!” Waxa uu hal-ku-dhiggani ahaa hordhacii warqad uu Xaaji Faarax Oomaar u diray Golihii Ummadaha (League of Nations) dagaalkii kowaad ee dunidu markii uu dhammaaday 1918kii, iyo halku dhagii kale ee ahaa: “Ingirisku waxa uu xuquuqda binu-aadamka kaga yimaaddaa xafiiska la yidhaahdo Colonial Office ee London ku yaal.”

Muddo kaddib waxa uu ka helay deeq waxbarasho (Scholarship) Jaamacad ku taalla India oo la yidhaaho Aligar University halkaas oo uu ku bartay cilmiga shuruucda (law).Waxaa kale oo xilligaa uu India joogay u suurto gashay in uu la kulmo dhaqdhaqaaqii gobonimo-doonka ee Hindiya oo ay hoggaaminayeen Mahatama Gandi, Juwahaaralal Nehru iyo Maxamad Cali Jinaax. Waxa uuna ka bartay halgankiisii lagu yaqaanay gacan- ka-hadal la’aanta (non-violent).

Markii uu waxbarshadiisa jamacadeed soo dhammaystay ayuu Faarax Oomar dalkiisii hooyo dib ugu soo noqday waxa uuna furtay xafiis qareen si uu u difaaco halgamayaasha gardarada lagu soo xiro.Waxa kale oo uu suurto gelisay in Faarax Oomar uu ku biiro Ururka Qareenada ee Ingriiska (British Lawyers Association) maadaama ay Somaliland ka tirsanayd maxmiyadihii Ingriisku dunida ku lahaa.

Ingiriisku waxa kale oo uu isticmaalay xirfadihii gumeeysiga asaga oo 35 Caaqil beeleed mushaar u qoray kana hor keenay Xaaji Faarax , Taasi oo ku kelliftay in Faarax Oomaar uu iskii dalka dibadda mar kale uga baxo. Safarkaas Faarax wuxuu ku tegey Cadan, wuxuna ka qayb qaatay asaaskii ururkii (Somali Islamic Association), oo la asaasay sanadkii 1926dii, waxaana kula jiray rag ay ka mid ahaayeen Illeeye Xaashi iyo Cabdi Siciid Xuseen.

Halkaa wuxuu Faarax Oomaar uga sii gudbay Ingiriiska, wuxuuna qabtay shirar badan oo uu kaga hadlayo dhibaatada gumaysiga, waxa uuna wax ku qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriska, kuna caddeeyay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa, waxa uuna wakiilka London u doortay nin lagu magacaabi jiray Ismaciil Telefoon oo reer London ahaa.Intii uu joogay London ayaa Faarax Oomaar mar kale kula kulmay saaxiibkii Mahatma Gaandi, waxa uu dib ugu soo laabtay dalka asaga oo soo maray magaalada barakaysan ee Maka, halkaas oo uu ku soo gutey waajibaadka ballaadhan ee Xajka. Wuxuu soo maray Cadan waxaana loo doortay madaxii ururkii (Somali Islamic Association) oo uu wax ka aasaasay xubin buuxdana uu ka ahaa, waxa uu dalka soo gaaray Berbera sanadkii 1943kii, wuxuu uga sii gudbay Magaalada Burco halkaas oo uu ka sii huriyey halgankiisii.

Ugu dambeyntii Xaaji Faarax Oomaar waxaa loo taxaabay xabsiga, waxaana lala xiray Shiikh Ibraahim Xujaale oo ay saaxiib ahaayeen. Xaaji Faarax iyo Shiikh Ibraahim oo Cadan laga soo qabtay waxa la isugu geeyey jasiiradda Saqdara oo ku taal biyaha Yemen, waxaana laga ilaaliyey inay ciddi ku soo booqato oo ugu tagto xabsigaas, Waxa uu Xaajigu halkaa ku xidhnaa muddo dheer.Ururkii Garyaqaanada iyo Ururukii Islaamka ayaa Ingiriiska dacwad u direen ay kaga ashkatoonayaan xariggiiisa.. Xaaji Aadan Axmed Af-qalooc oo xarigaa ka gabyaya ayaa yiri:

  • Isagoo dulmiga aad qabtaan, Dood ka celinaaya.
  • Da’dii uu ahaa Faarax baa, Jeelka loo diraye…
  • Loo diid dadkii uu dhaliyo, Duunyaduu dhaqayee.

Waxaa xabsiga laga sii daayay asaga oo aad u xanuunsan da’na ah, waxa uuna yimid Hargeysa.Mar kale ayaa ingriisku ka shakiyay waxaana loo masaafuriyay magaalada Harar si mar walba isaga iyo shacabka loo kala ilaaliyo, Harar ayuu aad ugu sii xanuunsaday dib ayaana loogu soo celiyay Hargeysa, waxaana la geeyay isbitaal waa uuna ku geeriyooday asaga oo 70 jir ah. Hadaladiisii ugu dambeeyayna waxaa ka mid ahaa: Dalkaygu ka yar mid shan meelood loo kala qaybiyo; … Dadkiisuna ka itaal yar wax la rarto!Xaajiga waxaa loogu magac daray dugsiyo wax barasho iyo maraakiib uu lahaa qaranka Soomaalidu si loogu xasuusto.

B-Xaaji Faarax Cali Cumar

Halgamaa Xaaji Faarax Cali Cumar

Xaaji Faarax Cali waxa uu ku dhashay Magaalada Hobyo 1907dii, laakin qoraalada qaar ayaa leh waxa uu ku dhashay magaalada Jammaame, qoyskiisuna in mudda ahba waxa ay ku noolaayeen magaalada Shalaambood.

Xaajigu waxa uu bilaabay halgankiisii markii uu ku biiray Xisbigii SYL 1944, waxa uu ahaa siyaasi soomaaliyeed oo muujiyay halgan gumeeysi naceyb ah waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulkii ku meelgaarka xuriyada ka hor, asaga oo ahaa wakiilkii Leegada ee maamulka maxmiyada 1952-1956 si uu uga ilaaliyo in talyaanigu ku xad gudbo heshiiskii xoriyad gaarsiinta ee UN, xuriyada ka ddibna waxa uu noqday wasiirkii dhaqaalaha.Xoriyada ka hor iyo kaddiba waxa uu ka mid ahaa wufuudii loo diri jiray USA iyo UN si uu caalamka uga dhaadhacsiiyo qadiyada Soomaalida. Waxa uu noqday ku xigeenkii Baarlamaankii 1955 iyo xubi dowladii hoose ee ugu horreeysay, waxaa dib loogu doortay xildhibaannimo 1964, kadibna 1967 waxa uu noqday R/W xigeen ahna wasiirkii maaliyada.Xaajiga waxaa loogu magac daray waddada ka bilaabata Baar FIAT ee sii marta dugsida sare ee Saqaawudiin.

 

FG: Fadlan wixii ka dhiman waad dhammeeystiri kartaa,wixii ka khaldanna waad sixi kartaa.

 

Qore: Prof Yaxye Sheekh Caamir

SHEEKOOYIN