Gabayga: “Wayrax” Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

Gabayga: Wayrax

 

Waswaas beerka, wax xun faafintiyo, wiirsi dhagaraynta

Waraf tuurka, caay weerarkiyo, been la wadanwaadka

Dulmi wahanka, waaw qayladiyo, eed walaanwalinta

Walaac muranka, xujo weecadkiyo, laba wejiileynta

Wiswis gelinta, hadafkii walbaba, ee waqti dhammayska

Wax yuu noqonta, hebel wiiqiddaa, ku walwalaaloowga.

 

Warbaahinta walaahonka badan, soo wicwicitaanka

Wilwilada wareegtada dahsoon, wariye sheegsheegga

Waabaryaba dan welimeysigaas, ii dheh uun wedidda

Doqon waalan, waahiir caqlila’, run u waraabsiinta

Wabwab oradka, waalootintiyo, soo wahwahateeyta

Weli qayrle, waayeel cuddoon, waa wayaan dhihidda

Walcan shalay waraaq kii ku dhigay, ii waddaniyeynta.

 

Waa wadaay’e, wood ugu shubkiyo, wadar ku taageerka

Is warwaridda, waaseelintaa, weersan ku hadaaqa

Ku walcida, wanaag sheekadiyo, samo u weydaarka

Wax kastaba, anuumbaa waddici, ballan wakiil qaadka

Waayaynta, shacab woohowdiyo, qiiro wada waalka

Waawareeyda, wiitaxwiitaxdiyo, wayrax alalaaska

War waxqabadki waa weliye sugo, kaan ku waaniyaba

Waalidkeey wasiirtuu dhaliyo, warasadeey caayga!

 

Dhamamad.

26/02/2017

 

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN