Tuugsigii dadbanaa Q4AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

Tuugsigii dadbanaa Q4AAD W/Q: Cabdul Cabdikariin(Ugaaska)

Waxaan dhax bilaabay inaan aqriyo tijaabadii labaad, anigoo la yaabanaa  qaybtii hore  waayo  isma lahayn  nin noocan oo kale ah ayaa magaalada kugula nool,  qaybta labaad waa ka sii darantahay qaybtii hore   waxa ayna u qorneyd sidaan soo socota:

Waxaan la hadlayaa, waa adiga aqrinaaya, qormadaan aan ka diyaariyay, tijaabaddii labaad, isku day in aadan sameyn, oo aad ka fogaato. Maxaa yeelay ma aha wax wanaagsan, aniga ayaa dib uga qoomameeyay falkaan oo aan ka fiirsan, fudeyd iyo dhallinyarranimo. Si kastaba ha ahaato ma aha wax Dhaqan iyo Diin midna ku habboon, ka fogoow, waan ogahay inaad rabti inaad ka sal gaarto oo isla markiiba maskaxdaada su’aalo is daba joog ah is weydiineyso, iska ogoow waa wax horay u dhacay oo anigu sameeyay.”

Waa qeyb ka mid ah, nolosheyda qeybta mugdiga ah oo aadan marna aadan iga maleysaneynin haba yaraatee, waxaana laga yaabaa iney amakaag kugu noqoto, intaas waa iga digniin aqristaha sharafta lahoow! Haddana waxaan guda galayaaa TIJAABADEEYDII 2AAD ee aan ku guuleystay kuna waxyeeleeyay dad badan oo soomaaliyeed hantidooda oo aan waxba iga galabsan. Balse ay dan isku keen geysay, macnaha adiguba garo.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan soo toosay, waabarigii aniga oon ogeyn meel aan ka bilaabo ama meel aan u shaqo doonto, markii aan in cabbaar ah  fakaraayay, waxaan go’aansaday in aan ka war doono buug aan hada ka hor aqriyay, oo la yiraahdo  SIRTA TUUGADA CASRIGA buugaas oo ku qornaa luqada talyaaniga, waxaan durbadiiba bilaabay inaan u kuurgalo sidii aan ku hirgalin lahaa iyo dhammaan macluumaadka aan u baahanay, anigoon cidna dilin, xoogin oo aan boobin, madiidana ku aqrin indhahooda oo shan ah, inaan xoolahooda ku hor qaato.

Si ay arrintas iigu hir gasho waxaan u baahnaa ugu yaraan saddex qof oo ila howl gasha iyo qarash ugu yaraan 10,000 oo shilin ah.Waxaan isku soo duba riday saddexdii qof waxaa caqabad igu noqday oo aan helli waayey tobankii kun, sidaas ay tahay uma joojin waxaan howl galiyay asxaabtii, ayagoo macluumaad kasoo aruurinayay suuqa sarifka  qiimaha uu doolarku maraayo raashin nooc walba iyo qiimahiisa, nin walbana goonidiisa inuu warbixin iigu keeno, anigana waxaan u tagay wiil aan ilmo adeer nahay, waxaan weydiistay inuu i siiyo 50.000 oo Sh,so inuu i siiyo, madaxa ayuu gacmaha saartay, asagoo ka naxay damac waalideeyda, illeyn waligeey kun ama shan boqol wax ka badan ma weydiin. Asagoo walli yaaban inuu ii deyriyo ay ku adagtahay ayuu igu yiri, Daahirroow suuq xumaa jirto, adne waxaad i weydiisay waa igu badan tahay.

 

Markaa waxaan ku iri haddii aamindarro ku heyso sabarloogadda guriga rahan ma kaaga dhigaa si aad ii aamintid, maya maya ayuu la soo booday laakiin lacagtaas ma awooddo inaan hada ku wadda siiyo, waayahaye imisa ayaad ii helli kartaa?

Waxa uu yiri ilaa iyo labaatan kun, hoos ayaan ka farxay maba sii daahin labaatankii ayaan kasoo qaatay, waxaan ku soo laabtay guriga duhurkii kaddib. Saddexdii nin ee aan xog aruurrinta u diray, nin walba waxaa iu soo laabtay, asagoo, meelihii ay tageen iyo qiimaha wax lagu kala iibsanayay, iyo illaha ugu waaweyn oo baqaarada ay wax ka soo qaataan. Markii aan nin walba xogtii uu siday ka dhageystay, ayaan u soo bandhigay qorshaha aan damacsanahay, inuu yahay ganacsi ayagana ay noqon doonaan gacan yarayaashiisa balse aynan cidna kala sheekeysan, wax walba oo ay sameynayaan ay gudahooda ku koobnaato.

 

Kolkii aan isku af garanay ayaan isa soo raacnay afarteenii waxaan nimid harqaanle,waxaan ka dalbanay nin walba inuu u tolo labo isku joog afar jeeble ah sideed isku joog oo kala nooc ah. Ka dibna waxaan ku soo laabanay gurigeeyga. Waxaan billoownay in aan sameyno labo bacood oo xaanshiyo loo ekeysiiyay lacag kaash ah, oo u xiran 10.000 shillin somaali, waxaan diyaarinayay, wax lacag u eg oo gaaraya illa 2.000.000. Saaxiibadeeyda aad ayey uga dhacsanaayeen fikirka aan wato inuu shaqeynaayo iyo in kale mararka qaar ayey igula kaftamayeen waallidaada anagaad rabtaa inaad badweyn nagu tuurto, ballaayadaan aad la wareegeyso hanagu halaagin.

 

Waxaan u sheegay in  aan ku guuleysan doono laakiin aanan ku dheeraan doonin. Ugu danbeyn ayagoo ka walaacsan sida aan wax u waddo iyo sida ay u adag tahay, war yaan kuugu daalin nin walba labadiisa joog ayaan farta ka saaray waxaana u sheegay in maalin walba howl galka ka dib in aan dharkaan lagu sii arag maalinta ku xigta. Waxa ay igu qaadatay 10 maalmood aruurinta macluumaadka iyo is diyaarinta, waxaana bilaabay inaan howl galo, waxaan ku balanay subaxda talaaddada labo qof in suuqa bakaaraha aado, labo qofooodna suuqa xamarweyne labada dhinac waxa ay u baahan yihiin. Maalintaas suuqa bakaaraha waxa uu aad ugu baahnaa baasto halka suuqa xamarweyne uu u bariis iyo sokor. Waxaan la heshiiyay walliba lacag ka jaban suuqa xamarweyne lacagta ay ku qaadanaayeen, taasoo howlgalkii ii fududeysay, sababtoo ah hal baqaar ayaa iga dalbaday 100 loor oo sokor ah iyo boqol bariis ah, waxaan weydiiyay nin amaan ah oo aan agabka ugu soo dhiibo inuu igu darro, lacagta ninka aan ku soo dari doono uu iigu soo dhiibo. 

Sidii ayaan yeelnay anigoo gaariga shirka ka saaran ayaan suuqa bakaarahaa oo ay labadii waddaayadeey oo bacyaalkii kaashka bugtaa ku jirtay la fadhiya,cabdalla Shideeya ayaa ii farmuuqay baqaarka ugu qiimo macquulsanaa midkii la heshiiyay baqaarlaha ayaa iskeen baray barasho wanaagsan waa kan batroonigii waana reer gobol toddobaadkiiba labo ilaa sadax safar ayuu yimaadaa, ee soo dhaweey, barasho wanaagsan   aw batroooni maxamed ayaa la yiraa ninkaan, isla markii intaan hadalkii ka boobay ayaan ku iri ma ina hebel hebel baa ileyn waa nin aan bari hore soo aqriyay, waaba isku naxyay ku oo adeeroow yaa i kaa baray?  waa adiga ii abtirinaayo waxaan ku iri anigoon waligeey ku arag ayaa wanaaggaaga iyo ammaantaada i soo gaartay sida aad safarada u caawiso heedhe qof ahlu qeyr inaad tahay warkaaga hada ogoow intaa neenta iyi qubxiga aan daldallaayo, gaarigii waa la raray oo xanarweyne ayuu ku sii socdaa sidoo kale intii aan warka wadnay kii baastaddana waa yimid idla ninkii baqaarkiisa aan ka raranay bariiska iyo sokorta ayaan ku dajinay, oo asagaa toos ula wareegay, waliba asagoo abaal nooga haayo xisaabiyaheyga guud ahna ninka lacagta bacyaalka bugtaa hayay, farxad iyo isku bog bog ayuu ku waashay, maxaa yeelay lacagtii bariiska iyo sokorta oo kaash ah ayaa lagu wareejiyay.illeyn waxa uu ii qaabilsanaa ag fadhi baqaarkii la tagaba, milkiilayaashana kor ayey ka illashanayeen inta aan iska daba gadoonka iyo kala wareejinta ku jirno.

 

Galinkii hore wax walba sidii aan igu tallo galay ayey u dhaceen, labada suuq ayaan madaxa iskugu dhuftay, erayga madaxaan iskugu dhuftay waa kugu adkaan doonaa ee aan kuu jilciyo ayaga oo aan wax dareen ah galin labada baqaar ee saldhiga noo aheyd maahane intii kale wax umaan celin.Nin walba nasiibkiis wixii ka lumay,Casirkii waxaan la soo cid galnay lacag caqligaagu diidaayo oo aan cidna laga soo xoogin balse la soo qiyaameeyay. Waxaan ka dhiganay joogto, ayaan markii la joogaba inaan meel cusub ka bus kicino dhac iyo boob casriyeysan.Muddo kaddib waxaa la qabtay mid asxaabta ka mid ah xabsi ayaana loo taxaabay aniga iyo labadii kalane waan iska deynay. 

Waxaase illaah mahadiis ah dadkii aan sida xun ula dhaqmay oo aan hantidoodii turufeeyay intii aan aqoonsaday inaan cafis weydiistay qaarna wixii aan u celin karo ayaan u yaboohay, balse hal nin maahee inta kale ee aan helay waa ay ii cafiyeen, maadaama anoo socdo u imid ninkassna waxa uu soo istaagay bartaas ii dhig, haddii kale inuu i dilayo waxaan u sheegay waxaad doonto sameey intaan awoodo qaado haddaad diidayna bada gal awoowgaa la naaryee.Qir iyo qir ayey naga gaartay dadkii oo dhan ayaa isku soo baxay, xaalkayaguna meel xun buu gaarey.

 

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cabdul Cabdukariim(Ugaaska) 

 

SHEEKOOYIN