Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q8AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q8AAD 

Haddii aan kasii amba qaadno halkii ay noo joogtay. Qormadeynii Xeerka iyo xikmadda Shiribka, maadaama aan tireyntii wali noo dhamMaan waxaan qormadaan ku soo qaadaneynaa tireyntii qeyb ka mid ah lana magac baxday

Kabbo walxaato” Kabbo walxaato waa hab iyo hannaan aan inta badan la adeegsan laakin ka mid ah tireynta Xeerarka Shiribka. waxaana laga curin karaa Xaraf kasta oo kamid ah Afkeenna Hooyo sidaa awgeed ma jiro Xaraf ay gooni u tahay ama loo gaar yeeli karo “Kabbo walxaato” Taariikhda inta la ogyahay ama la xasuusto, waxaa hal Abuuray oo ku Shirbay Qarnigii 20aad Dabayaaqaddiisi ama dhammaadkiisi Alle How naxariiste Laashin Xuseen Sheekh Axmed kadare iyadoo la joogo isu imaad Aroos ah Gabar uu laashin kadare Adeer u yahay Ayaa lagu yiri: duceey maadaama Da’a ahaan, afmaalnimo ahaan iyo Laashinimo ahaanba looga baqayay. qiima iyo qadarinna loogu haayay markaas ayuu ku duceeyay:

  • Kabbo walxaato kaaf ku taal
  • Iyo kabbo kalaad koree!

Markaas wuxuu laashinku dareeriyey ilaa labaatameeyo Shirib ahaa uguna ducaynayay Gabadha uu adeerka u yahay.

Mar laashin Ibraahin Cali raage weydiiyay Laashin Kadare intuu noolaa Shiribkii ugu badnaa ee laashin bixiyo ama Gole laga sheego wuxuu yiri: Kabbo walxaato ma dhicin markaa ka hor iyo kadibba anigana Illaah unbaa igu toosiyay. Ee maskax iyo maanba iiguma jirin, Wuxuu yiri: Shiribka amminkii hore marka goobaha lagu shirbaayo laashimiinta Gole ka fuulka ah isugu yimaadaan Seddex seddex laashin ayaa  goobta loosoo gali jiray mana jirin Laashin la bixi karay hal shirib ka badan Laashinkii badiyana Xeer ayaa qabanayay; laashinkii Seddex walxaat ama Afar walxaat Sheegana waaba la yaabi jiray, macnaha waa la Cawryi jiray ayuu yiri, Qarnigii 20aad sidaas ayaa Xeerka Shiribku ahaa hal-abuurada seddexleey iyo afarrey Sheegi karaahina waa tirsanaayeen Macnaha dhif iyo naadir ayeey ahaayeen! Laakin Qarnigaan 21aad laashimiin tira badan ayaa soo baxay sidaa ayaana faraha looga qaaday Shiribka in qof walba waxay awoodo sheegto iyadoon xeerka u yaalna laga gudbeyn! Haddaba Eebbe Ha u naxariistee Laashin Xuseen Sheekh Axmed Kadare iyo Qarnigii 20aad Kaddib iyadoon la bixin lana sii curin “Kabbo walxaato” Ayaa Laashin Ibraahin Cali Raage qarnigaan aynu ku jirno ee 21aad Curiyay Kabbo walxaato sidaasna ku noqday Laashinkii labaad ee ku Shirba Kabbo walxaato inta la ogyahay laashin ibraahin cali Raage ayaana sidaan u dhigay:

 

  • Kabbo walxaato Xa  ku taal
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xiddigo cir ku yaal xisaab
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xis laawaa doorashuu xuslaa
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xaraanaan ka dhigaa xalaal
  • Xujeey naqee xal nooma yaal:
  • Xabashadaan ku xeernaqaa
  • Xujeey naqee xal nooma yaal!(Eithopia)
  • Soomaali kala xoorideer
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xillo ninkeed qabaan xiraa
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xeer gaal islaam lagu xugmaa
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xawaal qod aayadnuu xariiq
  • Xujeey naqee xal nooma yaal’ (qabuura faagid)
  • Xeer jajab ka jeclaaw xadiis
  • Xujeey naqee xal nooma yaal!
  • Xaq aadanaan ku soo xejaa
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xaakin waxaa naqaa Xanloow
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Ximaarya geel isku ximneey
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xamar waxaa le xoogya Boob
  • Xujeey naqee xal nooma yaal,
  • Xamar hargeyso waa ka xeer
  • Xujeey naqee xal nooma yaal!
  • Xukunka Gaalo waa xalaal
  • Xujeey naqee xal nooma yaal;
  • “Nikax”
  • Xanaaqay yaanse soo xiraa
  • Xertoo gobal xarfaan yihiin?

 

Markii laashin Ibraahim Cali shiribkaa soo direy ayaan anna isku dayay anoo is leh yaan kaalinta Seddexaad lagaaga hormin maxaa yeelay? Hab cusub haddii la hal abuuro oo la soo saaro goor ay ahaataba waala adeegsanaya waana faafayaa sidaa aawgeed anna Kaalinta Seddexaad ayaan cariirsaday waliba anigu Su’aal ayaan ka dhigay halxiraalayaal fudud Laashimiin aan hal-abuurnima ku ogaana waan hor dhigay iyaguna si Xushmad iyo xilkasnimo iyo Shirib aqoonnimo leh ayeey ugasoo jawaabeen illaa dhowr Laashin wuxuuna u dhacay Sidaan:

 

  • Kabo walxaato ta ku taal
  • Soo tuuji maskaxde tilmaan.
  • Taladi waalidkii tuseen
  • Ninkiiska tuuray ii tilmaan.
  • Tubti falneyd nin tooxiyee
  • Tiin ku tallaalay ii tilmaan.
  • Taajir faqiir ka toosanee
  • Tala ka qaata ii tilmaan.
  • Towsya xanuun ku taahiyoo
  • Tisxi ka sii yar ii tilmaan.
  • Tayo waxay tari kartooy
  • Tabar ku heyso ii tilmaan.
  • Turraabti ninki tiimbiyee
  • Tahriib ka doortay ii tilmaan.
  • Tacdaadu maalinkeey timaad
  • Takbiir wax dheerna ii tilmaan.
  • Toosani koo tilmaansanaay
  • Tabtaad ku seegtay ii tilmaan.
  • Tacaddii ruuxi taabtayee
  • Ta’kiibis doona ii tilmaan.
  • Taatiko ummadaan tusee
  • Tunkiiga gooysay ii tilmaan.
  • Tusmaan ku siiyay toog horood
  • Tebeyso hadda ii tilmaan.
  • Tolkaagi nin takoorayee
  • Kuuna talaaya ii tilmaan.
  • Taariikhdi ninki been tirshee
  • Toolmoon u dhaartay ii tilmaan.
  • Tubtaad ku timid waa taqaan
  • Tacbane diiday ii tilmaan.
  • Taliye deble toosihaa
  • Tuugii na baray ii tilmaan.
  • Tolkaaga boqoree kan tuur
  • Tabtaan ku qaadhay ii tilmaan.
  • Tixya tirraabo ways tebshaan
  • Tiirkaad ku diiday ii tilmaan.
  • Tabbat ninkeey ku timidee
  • Takooray Ebbe ii tilmaan.
  • Taqilla sheekh tafsiiriyee
  • Toowxiidku dhaafay ii tilmaan.
  • Tira toddobo teymis too
  • Tisca ka jare ii tilmaan.
  • Taariikhda aqal tiir la’aan
  • Taatiko taagtay ii tilmaan.
  • Towradda cidda taagatee
  • Turuf dhebeysa ii tilmaan.
  • Tiisi nin meeldhigtee tan keen
  • Tafta u xeytay ii tilmaan.
  • “Afmeer”
  • tartiibso heesku tiimbanee
  • Tix waaye laashin soo tirshee!

                        (Shiribmaal)

Waxaa isla markiiba soo galay Hal-abuur sare Laashin Seed-abuukar Taqi Axmed  oo waliba aan ka leexleexan si sax ahna uga wada jawaabay Su’aalihii aan hordhigay Laashimiinta wuxuuna u jawaabay sida tan:

 

  • “Tilaabsay ninba tabartiis
  • Teeydaansa anna tuujihaa,
  • Taladi waalidkii tuseen
  • Nin tuuray caasi muu taqaan?
  • Tubti falneyd nin tooxiyee
  • Tiitiin talaalay sii tagyee
  • Taajir faqiir ka toosanee
  • Tala ka qaato waa tuhmaa
  • Towsya xanuun ku taahiyaan
  • Taf yar dhilmaayadaa tuwaad
  • Tayo waxay tari kartooy
  • Tabar ku heyso waa takoor
  • Turraabti ninki tiimbiyee
  • Tahriibay soo tanaadi maa
  • Tacdaadu maalinkeey timmaad
  • Takbiir wax dheeru waa tahliil
  • Toosani koo tilmaansanaay
  • Tiisaa la qumman toog gashoow
  • Tacaddi ruuxi taabtayee
  • Ta’kiidsha waa turuufa toor
  • Taatiko ummadaad tusee
  • Tunkaaga gooysay waa tolkaa
  • Tusmaad i siisay toog horoon
  • Tebaayo waa ila tacliin
  • Tolkaagi nin takoorayee
  • Talaayo tiim kaloow wadyaa
  • Taariikhdi ninki been tirshee
  • Toolmoon u dhaartay waa talshaa
  • Tubtaad ku timid waa taqaan
  • Tacbane diiday tuugsayee
  • Taliye deble toosihaa
  • Toogaan turaabtiyeeyba taal
  • Tolkaaga boqoree kan tuur
  • Tacaddi waayay tab xumaa
  • Tixya tirraabo ways tebshaan
  • Toloow aniga weeyla toos
  • Tabbat ninkeey ku timidee
  • Takooran  lahab muu taqaan?
  • Taqilla sheekh tafsiiriyee
  • Toowxiidku dhaafay waa takfiir
  • Tira toddobo teymis too
  • Tisca ka jar shanaa ka taal
  • Taariikhda aqal tiir la’aan
  • La taagay ta ku keeni maa
  • Towradda cidda taagatee
  • Turuf dhebee shaleey tageen
  • Tiisi nin meeldhigtee tan keen
  • Tafta u xeytay waaba tuug
  • “Afmeer”
  • Tilmaamo isku toosanoo
  • Tixeeysan anna weeyla taas

Waxa aynu ka soo billowney shiribka xeerkiisa iyo habdhiciisa Hal leey, ilaa aynu keenay, Kabbo oo aan lahayn tiro cayiman, haddaba  heer kasta oo shiribku soo maray  waxay leedahay  rag ambaqaaday oo hirgeliyey,  waxaan qabaa in laashin  walbaa  uu habraac cusub ee uu keeno ama soo kordhiyo ku saleeyo hannaan aan dhaafsanayn kii aynu soo baranney kana hor imanayn xeerka shiribka.

 

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

 

SHEEKOOYIN