Home Curis Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:25AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:25AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

0
SHARE

 

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:25AAD

Jabaq iyo aabihiis ayaa kadin-ku-sheeggi weegaarkii ay xaarxaarteen is hor yuururay illaa laga gaaro saqdhexe. Marmar waxay u ekaayeen kuwo sheekeysanaaya, marar kalena waxaad u qabtey in afkoodu juuqdi gabey. Milay ay tahay saqdhexe ayey hiindadi guriga agtooda timid, iyada oo ilmihi muluqshada ahaa ku hubsatay jiif iyo hurdo deggan. Odaygi ayaa yiri, “Walaasheey, xaad saacaddaan la soo jeeddaa?” Iyada oon ka jawaabin su’aashi saygeeda ama sayigeeda ayay tiri, “Maandhow, adaa indhahaagu wax laga fajaco la tusay ee wax yar isku qabso, si indhahaagu hummaaggi sharta watey ee la tusay kaga kabsadaan. Waxaad aragtay iyo huqda ku gashay waa waxa dad badan oo kaa da’weyn ku waayaan dhimirkooda e. Haddaanba belaayo ku dhafoor dheben waa kheyr. Bal waxyar indhaha gaduudso.”

Jabaq ayaa yiri: “Hooyo, waa fiicanahay oo wax igama hallaysna. Muggeey gamaanyo i qabato anaa seexandoona. Hurdana iyadaanba lagu aadin oo markey dig soo tiraa geddacad kuu rideysa. Haddase waa soo jeedi karaa.”

Odaygi ayaa yiri, “waxoogaa hurdaa aad haddaayay gashatay, oo anoo kula hadlaayo aadan i maqal, ee hooyadaa warkeeda yeel.” Sidaas ayuu jabaq ku dhacadiidsaday labadi dhashay dhexdooda. Waxa uu barkaday dhabta hooyadiis, usuga oo lugahiisuna xigaan dhinaca aabihiis. Hooyada ayaa adoogi kutiri, “Arrin Allaa Eebahey keeni, ee anqawga ama canqawyada u riix riix igaarkaaga.” Waxa odaygi uu bilaabay in uu Jabaq u daliigo anqawyada. Wax yar kadibna, waa kii Jabaq hurdo biriq la yiri. Mar mineey igaarki hurdo ku hubsadeen ayay hooyadi guriga tiri, “Eeboobow, inteey inkaartu nooga timid? Wax aan bi’inay iima muuqdaan. Dadna ma dulmin, xoolo ma dhicin, xaasidnimo nalaguma aqoon, gardarro iyo eex iyagu iskaba dhaaf. Xaa hee dhacay oo ay saan noo qabatay? Xaa nagala goyhaa oon galabsanay?”

Odaygi ayaa yiri, “Haddeey wax jiraan waxaa eeddooda iska leh qawleysatadi nala damacday mooradduuga. Ununka wax aan geeysanay ma jiraan. Tuug iyo tarooxna meel kasta ayay joogaan oo ma ahan wax duul ama cid gaarihi loo saarikaro. Magac kasta oo ay la baxaan ama loo bixiyo: Tuug waa tuug, daffana waa daffo.”

“Mineey saas tahay, xeey hee aafadaanu noola soo deristey? Xaa hee …”

“U kaadi bal walaasheey. Xow la qarwaa?”

“Ma waxowna qarwinaa? Dhadhabku waa qarjajac kuu sheegaysa sida igaarka loo dhagaatiyo dhebey.”

Isla’hadalkii Jabaq ayaa u ekaa in uu la sheekeysanaayo sicci cidda: Waa ogaay in aad soo naqahayso. Waa naxay marki aad horteyda ku misisiqday sida dhar dhammaday. Intaad aadday? …Haa, geberti iyo ri’diba waa baxsadeen, laakin meel ay ku dambeeyeen ama jaan dhigeen weli lama oga. …Ma la hubaahee? Waa kheyr hadday fakadeen oo ay meel nabad ah u baqooleen. …Haye, waa ku maqlaa. Naaso, maa tiri? …Intaan ka doonaa? …Kuma garan….Geedkee? Haye, waa ku dhegaysaa… Mahaas iigu soo celi. …Haye, naasahaagi ayaan aabe iyo aniga ka soo baxeynaa ama ka soo saaraynaa meeshi ama kobti aad ku habsatay. …Xaanhee ku suubaynaa? …Yaah. Haye. …waa kaa daba dhahaa, laakin xasil iigu sheeg. … toman iyo sagaalka naas ee ciidda ku duugan aad adiga iyo aabahaa soo faageysaan. …Waxaad ku kala duugaysaan toban iyo sagaal geed …Ii Kaadi, hayga dhexgelin, anaa kuu sheegaaya geedaha waxa ay kala yihiin. Meelaha laga helo geedahaas aabahaa ayaa yaqaan…Adiga si qumman uun u qabo magacyadooda. …Waa ballan. … Waa kuwaan ee dhug u yeelo: Babaay, Beydaan ama Hinfaal, Cowbaar, Bun, Damal, Galool, Garas, Qurac, Gob, Kobash, Maraay, Mukay, Masaarojebis, Murcud ama murcood, Qararro, Raqay, Shillan, Yaaq, Yicib ama jicib. Iigu soo celi.

Jabaq ayaa magacyadi geedihi sey isugu xigeen haddana u tiriyey. …Mar kale soo tiri adiga oo gadaal ka soo bilaabaaya. … Waa tahay… Yicib ama jicib, yaaq, shillan, raqay, …Waa tahay, waxa keliya aad sheegtaa labadi aan ku bilaabay? …Babaay iyo beydaan ama hinfaal. …Waa tahay. …

Jabaq ayaa markaas hurdadi jaf ka soo yiri, sida ruux sasay. Waxa uu bilaabay in ow neeftuuro, sida qof ruclays ama roor aan muuno lahayn ku jiray. Minow hareerahiisa deymooday waxa uu dhex fadhiyaa labadi waalid ee dhashay. Foolka ayow kaduuday, asow haddana indhaha libiqsaday. Neecaaw yar ayaa ku soo noqotay, mug haddii uu yaqiinsaday in ow dhexfadhiyo hiindadiis iyo aabowgiis. Inta uusan hadlin, ayaa odaygi habsiiyay igaarkiisi, iyada oo hooyadiina madaxa u salsalaaxeyso.

La soco Q.31aad
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHARE