Saaxiibkaan Eersadey Q16AAD

Saaxiibkaan Eersadey Q16AAD

Salaan aan iyo is bariidin kaddib waxay Luul iyo Ladan isla meel dhigeen goobta iyo wakhtiga ay kulmi karaan, inkastoo ay Ladan  jecleyd in kulankoodu ka dhaco labadooda guri mid uun , guriga  Luul ama kan Ladan, waxaase arrinkaas gaashaanka ku dhuftay Luul, oo ku adkeeysatay inay meel seddexaad oo aan labadooda guri midna  aheyn ay ku kulmaan. Ugu danbeyntiina si  buuxda ayay isugu waafaqeen inay isku arkaan kuna kulmaan beer weyn oo caan ka ah guud ahaan dalka Ingiriiska, gaar ahaana magaalada London oo la gu magacaabo Hyde Park.

Hyde Park waa xadiiqad ama bustaan  aad u weyn oo ay dadku ku nastaan , waxaana ku yaalla  geeda waaweyn oo tiradooda lagu qiyaaso inay ka badan yihiin 4000 oo geed, waxaa dhex  mara kanaal biya mareen ah oo weyn oo ay gudihiisa ku nool yihiin inta badan xayawaanada biyo ku noolka ah kuwooda ugu  quruxda badan.Maqalka  codadka shimbiraha kala nooca ah ee ay dhaguhu u bogayaan dhawaaqooda  kuwaasoo  kolba xeyn xeyn u duulaya iyagoo hadba geed ku dagaya, waxaa dheer ubaxyo  ceynba ceeyn  oo kala midabyo ah oo ku yaala dhexdeeda , kuwaasoo si ku talo gal a loogu beegay halka ay yaalaan kuraasta dadku ku fariistaan iyo hareeraha  diqdiq lugeedyada tirade badan ee ku dhex wareegsan beerta gudaheeda.

Luul iyo Ladan waxay ku ballameen inay afarta galabnimo isugu yimaadaan halkaas labadooda oo kaliya.Beertu uma dhawa labadooda guri midna, ka sokoow bilacda iyo muuqaalka quruxda badan ee beerta, waxay sidoo kale ku wanaagsan tahay in lagu dhex falanqeeyo arrimaha qaaska ah (privacy-ga) maadaama ay ka soo fog tahay goobaha laga yaabo inay dad iyaga yaqaana yimaaddaan. Markii ay Luul iyo Ladan wada hadleen kaddib, Luul waxay u sheegtay walaasheed Layla xiliga iyo goobta ay ku balameen iyada iyo Ladan, Leylana waa u riyaaqdey waxayna kula dardaarantey walaasheed in lacala haddii uu hadalku ka xumaado aaney wax gacan ka hadal ah oo dambe dhicin.

Waxaa la soo dhawaadey wakhtigii balanta , waxaana labada dhinac ka bilaawdey isu qaban qaabintii balanta. Labadoodiiba way kasoo tageen gawaaridoodii waxayna mid kasta iskeed u soo raacdey tareenada dhulka hoos mara (Undergroud Trains). Ladan oo waligeedba ballamaha iyo dhowrista wakhtiga ku fiicneyd  ayaa goobtii balanta timid 30 daqiiqo ka hor xiligi balantu aheyd. Ladan waxaa ka muuqdey degenaasho iyo isku kalsooni waxayna ku labisneyd dhar iska caadi ah oo aan aheyn kuwa xafladahaha waxayna ku sugeysay Luul albaabka weymn ee beerta laga soo galo.

Luul intii ay tareenka soo saarneyd waxay  ka fakareysay oo ay marba dhinac iska taageysay arrimaha isku cakiran ee ka dhaxeeya ayada iyo Ladan, waxayna dhex muquureysay mowjado xusuus iyo fakar ah isku dhafan ah, kuwaasoo markii danbe sabab u noqday inay Luul dhaafto halkii ay tareenka uga dagi laheyd oo uu la gudbo . Luul waxay mar kaliya kusoo baraarugtay iyadoo ilaa shan STOP soo gudubtay halkii la rabay inay uga dagato tareenka. Luul dib ayay hadana tareen kale usoo raacdey si ay goobtii ay soo dhaaftey dib ugu noqoto, taasoo keentay inay Luul balantii kasoo daahdo.

Saacdu waa 4:20PM Ladan waxay beerta albaabkeeda taagan tahay  50 daqiiqadood, waxaa ku dhashay shaki ah inay Luul baaqatey oo aaney dooneyn inay kulmaan. Waxay go’aansatey inay taleefan u dirto si ay bal u ogaato waxa jira, markii ay is tiri garaac numbarkeeda ayay waxay ka argtay meel horteeda ku began Luul oo waddada soo gooyneysa. Isu dhoola caddeyn kaddib waxay Luul iyo Ladan si cuqdad la’aan ah ayay isu salaameen iyagoo dhabada iska dhukadey inkastoo ay dhunkashada Luul aad moodeysay inay lug u duugneyd , Ladanse si kal iyo Laab ah ayay u gudatay saalaanta noocyadeeda kala duwaneyd.Luul lafteedu waxay u labisneyd si iska caadi ah maadaama halka ;lagu balan san yahay aheyd beer (Park).

Xilga lagu jiray oo ahaa xagaa (summer), heerkulku maalintaas wuxuu marayay 28 (degree C)  Luul waxay gacanta ku sidatay caag yar oo biyo ay ka cabeysay, boorsadeedii ayay furtay waxayna u dhiibtay Ladan caagad kale oo biyo ah. Waxaa la tagey geed weyn oo beerta ku dhex yaalay hoostiisa oo nadiif ah kabahii ayaa leyska saarey , Ladan ayaa soo saartey macmacaan iyo cunto fudud oo ay gurigeeda ku soo sameeysay. Waxaana halkaas ka biloowaday hadalkoodii oo ugu horeyn ay Ladan biloowdey waxayna tiri:

Lanadan: Luuleey  wax kasta oo dhibaato ah oo aad iga tirsaneysid  galabta aan kawada hadalno, waxaa igu balan ah inaan kaa gar baxo oo aan garteyda qaato aniga oo aan ku jikaareynin.Waxa aan maanta halkan labadeenuba isugu nimid waa inaan xalino dhibaato  kasta oo jirta. Fadlan waxaan kaa codsanayaa inaad si calool fiyoobi ah, oon  aan leexleexad laheyn u wada hadalno. Faataxadana aan marano inteynaan hadalka furin ee maxaad ka qabtaa intaas ama aad ku dareysaa?

Luul: Ladaneey waxba kama qabo intaas ee faataxada noo mar.

Faataxadii ayaa la wada  aqriyay oo isku mar la dhammeeyay, Ladan baa markaas hadalka ku noqotay oo duco billowday oo ku duceysay.. “ Illaahoow towfiiqda na waafaji, oo ilaahoow waa si is fahan iyo nabad  leh arimaheena noogu dhamee’’.  Luul  oo labada sacabood isku heysa ayaa ‘’Aamiin’’ ka daba tiri. Intaas kaddib waxaa hadalka qaatey Luul waxayna ku billoowday:

Luul: Ladaneey horta nolosheyda iyo noloshii carruurteyda  oo dhan ayaad ku ciyaartey saameyn xunna aad ku yeelatay. Inta aadan adiga ku soo dhex dhicin nolosheyda waxaan ku noolaa farxad. Sida aad la socotid ninkeygu xabsi buu ku jiraa, xabsiga uu ku jirana sababtiisa adigaa lehoo u sabab ah marka gunta  hoose laga soo bilaabo arinka.Aniga iyo Liibaan waan kala maqanahay carruurtiisana mudo badan muusan arkin marka laga reebo hal maalin oo aan xabsiga ugu geeyay.Dabcan, taasna adigaa u sabab ahaa oo ninkeygii nolol qarsoodi ah ku qudba sireystay.Adigu waad ogeyd in Liibaan uu aniga i qabo oo uu xaas lahaa markaad si dhuumasho ah ah ku galeysay, aniguse guurkaada qudba sirta ah waxba kama aanan ogeyn waxaana ahaa qof la qayaamey. Qayaamada la igu sameeyay adiga iyo Liibaanba waad isla ogeydeen , heshiis ayaadna ku wada aheydeen.

Guurkiinu wuxuu ahaa guur ku bilowday qayaamo iyo tuuganimo. Wax kastoo qayaamo iyo tuuganimo ku billowdana waxaan shar iyo xabsi iyo reera burbura aheyn ma keenaan, waana tan maanta taagan ee aan aniga iyo Liibaan ku kala maqan nahay, Liibaan iyo carruurtiisu ku kala maqan yihiin , Liibaan uu xabsiga ugu jiro, Looyaana uu u jajaban yahay.Arrinku marka uu halkaas maraayo, adiguna aad sabab u tahay waxaasoo mashaakil ah, aan su’aal kooban ku weydiiyee maku faraxsan tahay noloshaada aad dad kale oo bini’aadam ah ku waxyeeleysay?

Ladan oo hadalka Luul si qota dheer u dhuuxeysay isla markaana fahmeysay dulucda iyo ujeedada Luul ayaa si kadis ah ugu  jawaabtay ‘’maya marnaba kuma faraxsani nolosheyda iyo farxaddeyda haddey dad kale oo aniga ila mid ah ku tahay dhibaato iyo waxyeelo’’

Luul oo ay jawaabta kooban ee Ladan ay ku noqotay ‘lama fillaan’ ayaa hore isii wadatay hadalkeedi ayadoo markaan toos u abbaareysa dulucda iyo ujeeddada hadalkeeda, waxayna si kalsooni leh usii wadatay hadalkeeda ayadoo ay kusoo duxayaan qibraddii iyo waaya aragnimadii ay u laheyd arrimaha doodaha la xiriira maadaama ay aheyd garyaqaanad aan looga gar heli jirin maxkamadaha iyo goobaha dacwooyinku ka socdaan marka ay ku mataleyso ruux eedeysane ah, ka hor inta uusan maseyrka waalani ku dhicin oo aaney Ladan iyo Liibaan ku ridin kalsooni darradda, waxayna iyadoo ku nuuxnuuxsaneysa hadalka kana faa’iideysaneysa jawaabtii Ladan , kusii dartay hadalkeedii hore:

Luul: Maadaama aad qirsan tahay inaadan ku faraxsanaan karin nolosha kaala dhaxeysa Liibaan ee intaasoo dhibaato ah sababta u noqotay, lagana yaabo inay weliba sii horseedi karto dhibaatooyin kale oo ka baaxad weyn, inta ilaa iyo hadda dhacdey, adigoo ku xisaabtamaya damiirkaada iyo qofnimadaada, isla markaana halbeeg uga dhigaya kuna dhererinaya dhibaatooyinkii dhacay maxaa kula gudboon oo aad u argtaa inay xal noqon karaan?

Ladan oo indhaheedu ay soo yara cascasaadeen isla markaana ay gilgileen hadalada calculus ee Luul ayaa markii ugu horreysay heshay fursad ay isku difaacdo ama ugu yaraan ay aragtideena ku dhiibato, waxayna hadalkii ku biloowday iyadoo uu codkeedu tone-ka ugu hooseeyo ee hadalka uu yahay:

Ladan: Luuleey waan ku baraarug sanahay inaan khalad adiga kaa galay, sidoo kalena aan nafteeyda ka galay! Inkastoo laga yaabo inaadan ku qancin hadana waxaan rabaa inaan kaa siiyo sawir sida uu xaalkeygu ahaa markii aan la ka ogolaanayay Liibaan inaan is mehersano isla markaasna aan ku noolaado nolol qarsoodi ah oo aan runtii aheyn mid ii qalantay.

Luul: Si wanaagsan  baan kaa dhageysanayaa maanta wax kasta oo aad igula garammeyside wado hadalkaada.

Ladan:  Walaaley  anigu weligey kuma fekerin inaan nin naag leh guursado, waxaan ahaa Xaas  waxaanan u dhaxay mid aan dad isugu xignay, waxaan intaas raadinayey Farxad iyo nolol inta asaagey haysto, balse  arrinku sidaa ma noqon,  wuxuu iga dhigtey sida neef u xidhan oo markuu u dhalo uu caano ka sugayo, ma sida digaagad uu leeyahay oo markay Ukun dhasho uu ka helayo wax dheef, iima arag qof raba intuu rabo muddo Laba ilaa saddex sanno u dhaxaysa oo aan ku noolaa mugdi iyo murugo, laguna eedeeyey  qof ganacsigii laga lahaa ku  guuldareystay maadaama aanan ubad  helin oo dhalan aniguba aan u baahnaa inaan ku ildoogsado, waxaa laygu furey dhali maysid, dhakhtaradu waxay caddeeyeen inaanan dhalayn.

Luul ayaa  aad u argagaxday oo si bani aadminimo iyo dumarnimo ah  uga  gilgilatey arrinka, waayo waa qof diini iyo maadiba og xuquuqda  dadnimada iyo aadanaha,  waxayna tiri: Bismillaah  alla dadkeenu xumaa oo aqoondarro badanaa Haye”

Ladan oo markaan aragtay in walaasheed u garowday ayaa tiri waxaa laygu furey soddogey iyo soddohdey hortooda iyagoo ku faraxsan in wiilkoodu helo naag kale oo dhalaysa aniguna aan sidaa ku samro,  waxaan hortooda ka ogolaadey in walaalkay is tijaabiyo aniguna aan reerkayga dhaqdo,  waxaase hooyadiis tidhi  yaa wax ku falaya nin naag qaba?

Waxaa isoo maray maalmo madoow oo murugo leh,  waxaan wehel la noqday  tiiraanyada,  waxaanan  isu arkay qof aan cawo iyo ayaan lahayn, qurux kasta oo aan lahaa waxay noqotey waxba yahay, anigoo han lahaa ayaan arkay inaan ka liito qof walba, waayo waxaan yeeshey iin iyo boog aanan waxba ka qaban Karin.

Haddaad sabool tahay waxaad ku riyootaa inaad maalin uu  hodan noqon doonto, haddaad tahay  qof aan waxbaran maalin bay kuu suuroobeysaa, haddaad shaqo la’aan tahay maalin baad heli, haddiise  adigoo 20 jir aan ka bixin laguu sheego inaad Goblan noqoneyso sideed noqon lahayd? niyadaaduse siday noqon lahayd?

Luul oo yaab iyo amakaag ku dhacay, aadna uga xumaatey qofka raja xumada intaas le’eg la deristay ayaa  shaydaanka iska naartey oo tiri: Walaaley walaahay waa arrin dhiiladeeda leh, balse miyaad weyday nin kale oo aad nolosha la wadaagto maxaad aniga ciriiriga  ii gelisay?

Ladan ayaa tiri: Ciriiri kuma gelin walaaley  Liibaana  isagaa I shukaansaday, walaahay wax badana waa diiday,  waxaanse  ku arkay intaad ku aragtay, qof  qalbi wanaagsan,  gob ah, daacad ah, karti leh,  habeen iyo maalin adiguu iiga kaa sheekayn jirey, siduu kuu jecelyahay iyo inaad  jeceshahay, haddana wuxuu shuruud iiga dhigay inaan marnaba kala hadlin arrin dhankaaga ku saabsan oo uu awooddo inuu labadeenaba na maareeyo.

Ugu dambayn  haddaan diiday, cagajiiday, leexleexday oo ka weecweecday, Calafkaa ii sanduleeyey isagana ii soo jujuubey,  sidaa ayaana ku ogolaaday heshiiska qarsoodiga ah,  Luuleey weligaa miyaad  farxad la ooyday  saacad dhan?

Luul ayaa tiri: Maya

Ladan: Maalintii iyadoo lay furey aan  is garan waayey  ee aan tegay isbitalka layna sheegay inaan Uur leeyahay waan rumeysan waayey,  100 jeer ka badan ayaan weydiiyey,  ilaahaay ayaa markii lay xumeeyey  wax badan baryey, walaaley ducadeydiina  waxay ila gashay albaabka Guriga Luul ee Liibaan, waxaan ahay gabar walaashaa ah oo dhib iyo dhaleeco ku taalay ninkaagu sabab u noqdee miyaan qaldanahay?

Luul ayaa si geesinimo leh u tiri maya, Xaasha alle hakuu adkeeyo ubadkaaga, anigu cadow kuma ihi ubadkaaga waa carruurteyda walaalahood, sheekadaaduna waa I taabatey  ee haddaan wax kaa codsado mayga yeelaysaa?

Ladan ayaa tiri: Haa  waan kaa yeelayaa  haddii ay tahay  wax suurta gal ah.

 

La soco qaybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN