Askarigu waa Aadane W/Q: Hodan Sh. Cumar

Askarigu waa Aadane

Maxaa askariga ku waajibay, oon adiga kugu waajibin? Askarigu waa qof bini-Aadam ah. Wuxuu leeyahay naf sida adiguba aad u leedahay. Waxa uu leeyahay, oo ka dhacda, dan badan sida adiga ay kaaga dhacdo dani. Waxaa la xariira carruur iyo xaas marwo/mudane. Waxaa ka dambeeya hooyo, aabbe, iyo walaalo, laga yaabo in uu u weyn yahay/ u wayntahay. Haddana waxaad u simantihiin askariga lahaanshaha; carriga, ciidda, calanka, dadka, duunyada, dhirta, badda, beriga, dhaqaalaha iyo dhammaanba qaybaha qaranka ee dhaxayska ummadda Soomaaliyeed ah. Askarigu, asaga oo sidaan soo xusay ku la mid ah, haddana kuu la siman waxa idinka dhexeeya ee aan xusay, maxaad u maleyneysaa in ay ku qasabtay, in uu ka tago, kana fogaado, xaaskiisa/xaajigeeda, carruurtiisa/carruurteeda, waalidka dhalay, qaraabadiisa, iyo dhammaanba ahalkiisa, ka bacdina uu difaac, ilaalin, u dagaallan, halgan, iyo ka taxadarid, u galo dalkii, dadkii, calankii, ciiddii iyo duunyadii idinka dhaxaysay oo aad wada lahaydeen? Taas haddii aadan warcelin u haynin, ayada warcelin ma u haysaa, waxa adiga kaa hor taagan intaas ilaaladooda, difaaciddooda iyo ka taxadariddooda? Taasna haddii aadan jawaab u haynin, wali ma is waydiisay, horta haddii aadan labadaas midna sameynin, ama aad ka gaabisay, askariga ayaa intaasba qabane, ku kaalmee? Ku garab is taag? Ku gacan qabo? Hal bil ka farxi hal askari? Carruurtiisa oo laga yaabo in aysan dab shidan dabka u shid? Marna ma is waydiisay qaybtaan saddexaad? Horta ma ogtahay waxaan uu u dhimanayo, furinta horena ugu jiro, asaga oo u bareeray xabbadda cadawgeenna in aysan ahayn wax asagu gooni u leeyahay? Mise ogtahay in aysan jirin baahi gooni ah oo ku qasabtay qoriga?

Waa run, ma jirto, maxaa yeelay wuu u shaqaysan karaa/kartaa sida aad adiguba u shaqaysatay, wuu u wax baran karaa askarigu, sida aad adiguba wax u baratay, hormar kale wuu gaari karaa, oo ka fiican qoriga iyo baalootada ku jirta in uu ku rarnaado. Garashadaadu wali ma ku tustay, in aad isku xilqaanto, qofka intaas u dhimanaya, misne ku dhimanaya wax idinka dhexeeya, oo aysan jirin cid ku qasbaysa oon ahayn wanaagga, jacaylka iyo waddanimada uu u qabo dalkiisa, in aad ku kaalmeyso? Taas ruuxeeda haddii aadan jawaab u haynin, wax dheef aad tarto Allaa qabee, ma is waydiisay sababta aad ugu gafto, una aflagaadeyso, ood darbiyada u la taagantahay, waa mooryaan! Waa ciidan beeleed! waa magac u yaal! waa meel xun joog! Difaaco daacad ka ma ahan, iyo hadalla kaloo badan oo sharaftooda iyo sumcaddooda dhaawacaya? Is kaba daa ayagee, adiga ku dhaawacaya? Ama Soomaali oo dhan dhaawacaya? Maya, qaran ahaanba noo dhaawacaya?

Ka warran haddii aad dugsi hoose, mid dhexe, iyo mid saraba ka baxdo, ood haddana jaamacad aaddo, laba sano, afar sano, lixsano, iyo 10 sano midkood, ood soo qaadato shahaado adiga kaa dheer, ee dadku ku yiraahdo waxaad tahay af-habartile ama aqoon laawe “jaahil” ma kuu qalantaa? Ma tahay wax aad mudantahay? Bal qiyaaso, in yar noqo qofkaas.

Askarigu askarinimada waqti ayuu galiyay, waqti ayuu ku dhimiyay, intuu dalkiisa ka waayay, waxaa dhici karta in uu ugu dhoofay dalal kale si uu ugu soo tababarto sida adiguba aad waddama kale ugu aaddo si aad u noqoto, dhaqtar, macallin, injineer iyo qaar kaloo badan. Dabcan waajib baa ka saaran askariga difaaciidda dalkiisa, laakiin miyaad is leedahay waa waajib asaga saaran soon aduga ku saarneyn? 

Xaqiiiqadu waxay tahay, waa waajib saaran qof kasta oo Soomaali ah, waa waajib aniga i saaran, adiga ku saaran, ayada saaran, asaga saaran, ayaga saaran annaga na saaran, dhammaanteenna na wada saaran. Waxaan kaga seexannay oon ku aamminnay, waxa kaliya een dunidaan dhaxalka u leennahay, oo ah: diinteenna wanaagsan, dalkeenna fiican ee hawada macaan leh, een baraf iyo balaaya kale lahayn, een aadka u jecel nahay, ciiddeenna wanaagsan, calankeenna quruxda badan, baddeenna iyo nafteenna oo ah waxa ugu qaalisan.

Toloow gaf qalad, gardarro, ceebeyn, caay, iyo dacaayad ma mudan yihiin ciidankeennu? Walba ha ku eedinnina waxba haddii waddankeenna la qaato, haddii ciiddeenna la dhaco, haddii calankeenna la rido, iyo haddii dadkeenna la laayo midna ha ku eedeynina af iyo eed toona ku ma lihidin. Waxaad ku leedihiin markaad xushmeysaan, markaad xaqdhawrtaan, markaad wanaajisaan, markaad walalsataan, markaad isku dhiibtaan, markaadnan cadaw u arag, markaad ciidan qaran u aragtaan, markaadnan ciidan qabiil u arag, markaadnaan caynin, markaadnaan dacaayadeyn, markaadnaan xumaantooda uun kaliya raadraadin. Askari ammaan ayuu naga mudan, ee eed naga ma mudna.

 

W/Q: Hodan Sh. Cumar

SHEEKOOYIN