Gabayga Maardhood W/T Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)

 

Gabayga MAARDHOOD

 

 

 

 

Gabayga Maardhood waxaa curiyey  Hal abuurka  da’da yar ee Ibraahim Cismaan Afrax(Nolosha)  Waa gabay  guubaabo iyo  wacyigelin ah, oo uu kula dardaarmayo Bulshada Soomaaliyeed  iney qayb ka qaataan, Gurmadka, Gargaarka,  Kaalmada, iyo is garabtaaga walaalaha Soomaaliyeed  ee naf iyo  noolba  abaaruhu saameeyeen,   waa arrin laga gilgisho una baahan in si wadar iyo wadajir ah looga hortago wuxuu yidhi Laashin Ibraahim:

  • Murti togan adaa maxamedow, macallinkeedaahe
  • Inkastooy malaayiin rabaan, mala’awaalkeeda
  • Miisaanku woow udub dhaxaad, maanso idilkeede
  • Aniguna masiirkeey laheyd, meelna kama ridine
  • Miinleeyda gabay wiil tirshoo, meeriyaan ahaye
  • Mabda’eed anoon doorin baan, miir u daabiciye
  • Wuxu maanku maamuuriyaan, kuu maldahayaaye
  • Aan majilo ujeedkaan wadoo, Meersho Dulucdeyda.
  • Ammin dhexe maqaaddiir allaa, leygu soo miraye
  • Maardhooday toban goor anoo, maaro aan heline
  • Makeekiga waxay baday xalay,  murugo weeyaane
  • Maskaxfaarka waxaa iigu wacan, mooshin ii yimide
  • Mahadhada aan kuu marshee, maqal bal hawraarta
  • Gabay miida oo soo burqaday, mug iyo miisaan leh
  • Manfaciyo wanaag badan ku jiro,  mariyey goortaase
  • Mudanoow dadkiyo duunyadii, waa madluun weli
  • Miyigiyo dhulkeenii ma helin, Madar qaboojaaye
  • Macluul, harraad baa u dheer, maaro li’ideede
  • Surbacaadna leyskama mutiyo, dhib iyo maayiire
  • Moowluhu wuxuu eegayaa, waa manuunsiga’e
  • Midse inan ogaannaahi waa, lagama maarmaane
  • Mixnaddii timaadaba ducaa, lagaga moodaaye
  • waxse marag ma doontaa inuu, milaygu dheeraane
  • oo maqaarka feeraha ku dhegay, muunad uu heliye
  • wax la sugaba mayeygoo curtaan, milicsanaayaaye
  • is maciina Soomaaliyeey,  Xaalku waa muruge
  • War maqlaay farriin bey siddaa, maansadeydaniye
  • Marna yaan quraankiyo dikriga, subac la moogaane
  • Madal weyn oo baxa maalinoo,  maganshe  weydiista
  • Muraadkiina inuu soo sahlo,  Daadku mulucyeeyo
  • Muggii aad gacmaha hoorsataan, waa maqlahayaaye
  • Miiraaluhu ma joogsanahayoo, Weyska maaruqiye
  • Maandhoow cirrooliyo carruur, halla midraareeyo
  • Midig furan intey kari laheyd, maato ugu deeqda
  • Ilaah baa muraadkey laheyd, muran la’aan siine
  • Maalintaa qiyaamahana waa, jaaso meel tubane
  • is maciina Soomaaliyeey,  Xaalku waa muruge
  • Dad midoobay baa hiilya hoo, maal ku taakulo’e
  • Kaalin baase maqanoo haddeer, lagu murmaayaaye
  • Maqaam sare raggaan geyney baan, milicsi dheereyne
  • Moogayaal intaan sugu laheyn, yaan maduudicine  
  • Aan maciinno gacal baa jira, maanta taag darane
  • Maqro kale anoon kuu fureyn, miinka aan xero’e
  • Marrastiyo intii taag yar waa, lala murgoodaaye
  • Galgaduud Mudug iyo ilaa, mininka hiiraana
  • Marko iyo baraawe iyo luuq , Minanka baardheere
  • Beled xaawo meydkii tubnaa , marasho loo waaye
  • Marinnada bakool iyo ilaa, baay ma moogganiye
  • Xoolihii mareegtiyo lahaa, Jiitintiyo miinka
  • Fiidkana la meeyrici jiree,  kuraygu maalaayey
  • Ee mooro lagu hoyn jiree, megag-kun gaaraayey
  • Buto iyo maddooyaa bixiyo, mirrawgi loo waaye
  • Geeslaydii maratiyo dhammaan, miin samoow ariye
  • Geeliina mirarbaa ka haray, Magaga weynaaye
  • Macaluul ayaa loo bixiyo,  Mawd aan dami hayne
  • is maciina Soomaaliyeey,  Xaalku waa muruge
  • Dad midoobay baa hiilya hoo, maal ku taakulo’e
  • Kaalin baase maqanoo haddeer, lagu murmaayaaye
  • Maqaam sare raggaan geyney baan, milicsi dheereyne
  • moogayaal intaan sugu laheyn, yaan maduudicine 
  • Aan maciinno gacal baa jiroo, maanta taag darane

    W/C: Ibraahiim Cismaan Afrax

SHEEKOOYIN