Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q9AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Haddaan hore u sii wadno tireyntii aannu ku jirnay, Xeerka iyo Xikmadda Shiribka. Tiradaan waxaan ku soo qaadaneynaa tira ku cusub Xeerka shiribka waana tallaab kale oo hore loo qaday, Shiribkana runtii sii qiimeynaysa.Sidaan kasoo sheekeynay qeybihii hore; waxaa jira tira cusub oo ah Toban iyo toban ka dul dhalatay macnaha fasireysa oo haddii leysku daro noqonaya laabaatan “Lug” oo Shirib ah waana Tira laga curin karo xarafkasta ee ka mid ah Afkeenna hooyo, kuna habboon tusmo iyo tallo adduun oodhan. 

Mar haddii tira go’an la sheegay waa inaanu dhaafin intii loogu talagalay Shiribka tusaale: haddaad tiraa Toban walxaato inaad tobban iyo shan walxaat la baxdo maaha suurtagal, oo xeerka shiribka u degsan kuma jirto tobankaas aad magacaawday ayuunbaad ku ekaanaysaa.Waxa kaliya ee la isla ogolyahay ama aad ku dari karto waa hal Nikax ah ama Afmeer sidadaad u taqaanno, sidaa awgeed hab curitaankaan cusub anaa bilaabay horena uma jirin inta aan xasuusto, ama aan ka ogahay taariikhda shiribka iga dibna ma arkin laashin kale oo halkiisa kasii amba qaada. waana bilaaw u baahan in laashimiinto ogaadaan Wuxuuna u dhacay sida tan:

 

  • Tobban walxaato ha ku taal
  • Nin helay hodomoow fadhaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Tobban kaleeto ha ku taal,
  • Nin hooyadiis habiin gashoow
  • Duca u hurto waa hodmaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Habaar qabuhu waa holcaa
  • Hoteelya ninki hooy dhisnaay
  • U hoyday  hodamoow fadhaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Hanti la’aano waa hinaas 
  • Hanuunka Eebbe nin hellee
  • Salaadda haybsha waa hodmaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Hoog iyo arki maa habaas
  • Ninki u hiilsha kaan heleyn
  • Waxoow ku hoydo waa hodmaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Haddiisyadaad kasoo helee
  • Horrin ilmaaya hooyadood
  • Nin heesta hodamoow fadhaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Haween la’aano waa habaar
  • Horwaynta geelya hartigood
  • Nin heesta hodamoow fadhaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Lama is hiiftay woow heshiis
  • Howl kar ninkii ah hammigiis
  • Iyo hankiisa waa helyaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Hurdaaye gaarimaa hirkaas
  • Ninki ku hirta hooska Diin
  • Waa hodan laysna haybi maa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Harka jannaad ayoow harsaa
  • Ninki higaadshay Ha qur’aan
  • Huud gaaray hodomoow fadhaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Heeraarka subac woow hoydaa
  • Hoggaanki fiican oon hagreyn
  • dadkoow horboodo waa hodmaa
  • Waxaana kuu haqeejihee
  • Habiinya maalin woow hagreyn!
  • Nikax
  • Wixi hallaabay soo hilmaan
  • Heshiisna gala aan hurdee!

 

Haddaba anoo soo gaabinaya qormadaan waa in Shiribka xeerkiisa iyo dhumucdiisaba la ilaaliyo si aanu u yeelan deelqaaf oo haddii shiribka qaafiyadiisa iyo xaraf raaciisa hal eray ka hallaabo macnaha ku kororyo ama ka dhinmo wuxuu noqonaya  deelqaaf sidaa darteed haddii laashin xeerkiisa yaqaan hibana illaahay u siiyay curiyo kama daaleysid macaantiisa waana in lagu baraarugsanaadaa kaydintiisa maxaa yeelay waa murti dhaxalgal ah oo oraah ahaan ama maahmaah ahaan loo isticmaali karo haddii loo baahdo

la soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo

W/Q: Xasan Kaamil Cuute(Shiribmaal)

 

SHEEKOOYIN