Murti iyo Miid Q4AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

Murti iyo Miid Q4AAD 

Qeybaha kala duwan ee waalida, waayahaan danbo dadkeena soomaaliyeed waxaa aad ugu badan qacda  dhaqanto,aan si kale u dhigo, qof aad moodo inuu ruux fiican yahay,ama fayoow haddana aan fayoobeen.Inkastoo aanan dhaqtar aheyn, haddana waxaan ogahay aqoonta guud iyo qaababka badan ee aan waayo araga ka ahay. Waxayaabaha sababa in in qofku waasho,oo uu kala garan waayo sax iyo qalad, waxaa  ka mid ah, Daqar madaxa kaa gaara, dhaawacaas oo maskaxda wax u dhima. Naxdinta dagdaga ah, walwalka joogtadda Shakiga iyo jikaarka,kuwaas oo aan inta badan u naqaan BUUFIS waa xanuun ka mid ah xannuunadda dahsoon ee waalida iyo qaar kaloo badan aan halkaan ku soo koobi karin.Hadaba waxaa is weydiin muddan,dadkeena oo inta badan, cudurka waalidda dahsoon,taasoo aad ku garan karto, haddii aad u kuur gasho,naftaadda oo aad la xisaabtanto si dagan. Calaamadaha aad ku garan karto, waxaa ka mid ah, 

  • Kaalay aan muranee, 
  • Jikaar qof aan wax kuu dhimin, fikirkaaga aadan xor u aheyn, laab la kac 
  • Difaac iyo weerar
  • 24ka saacadood adigaa isla gar leh
  • Ku qabso ku qadimeysid.
  • Odoros la’aan
  • Seef la bood
  • Macangagnimo
  • Aqoon la’aan iyi jahli
  • Wax walba waan daadshay
  • Quursiga qof aanu aqoon
  • Dhaar aan loo meel dayin.

QABIILKA aad ka soo jeedo, markii la ammaano, ama fal danbiyeedyo uu geysto oo aad ugu faraxdo, kolkii wax laga sheego uu dhiiga kuugu kaco, oo aad hurdi weydo waa qayb waalida ka mid ah, waayo qabiilkaagu ku masruufo wax gaarana kuma siiyo waa dad xumaan iyo samaana  wey leeyihiin,  sooyaalka dhabta ah ee beeshaada laga sheego gefkeeda ka garoow, Sooyaalka  wanaagsan ee beeshaada laga sheego ee ay kasbateyna ku bogaadi.Qof qof xambaarsan oo dalka iyo dadkaba qofkaasi kala weynyahay, haddana  aan marnaba ogolaaneyn in qofkaasi gef falay ama fali karo.Waxyaabahaas oo dhan waa qeyb ka mid ah,WAALIDA DAHSOON oo aan u naqaan nin karmeed, rag rag dhalay,walee iney gob tagay ma  aragtay,sida ay afka u goosatay, naag iga dheh.

Waxaana lagu daaweeyaa in wax badan lagula sheekeysto lagaa dajiyo geedka aad dusha ka saaran tahay, waxaana adeegaas sahli kara Dhaqaatiirta cilmi nafsiga kuwaas oo ku taqasusay arrimaha bulshada.Waxaa kaloo kuu sahli kara, inaad adiga is xisaabiso oo aad is weydiiso, maxaa kaa qaldan. Ninkii dhagoolka ahaa waxa uu yiri inaan gardaranahay waxaan ku ogaaday dadka dhan ayaa farta igu soo fiiqay.Maxaa na takooray oo aan isku qaban la’nahay  CAANO DAATAY DABADAA LA QABTAAYE maalinba maalinta ka danbeysa waa ka sii liidanaa, oo hoos ayaan u sii tiinbaneynaa dhibku adduunku waa nala qabaa ee ma aha mid aan ku kaliyoownay, balse waxa ay u sameysteen nidaam iyo hannaan diintooda waafaqsan, yaa naga hortaagan sidoo kale? 

Waxaan suuqa bakaaraha kula kulmay, nin kaligiis meel fadhiya oo iska neecaawsanaaye sigaarka iska daba shidaaya geed talaal harweyn oo dabeyl macaan ka dhaceyso, dadka oo dhan waa ka cabsanaayeen oo ma jirin ruux xataa agagaarkiisa u dhawaanayay. Balse anigu daal i haayay aawgii ma arkin ninka hoosta waxaa u yaalay 2 xabbo(bonbo) oo canuuni ah,(F1)

Intuu sidaa ee soo eegay ayuu igu yiri naftaada miyaa kuu beec ah? waxaan ku iri maya, suuye miyaadan ogeyn inaan waalanahay? oo 2 xabbo oo bonbooyin i agyaalaan, waxaan ku iri yaa ku yiri waad waalan tahay? dadka ayaan ka maqlay ayuu iigu war celiyay. Waxaan ku iri anigaba sidaas ayey igu yiraahdeen laakiin kama yeelin, waa uu xanaaqay ku yeh waa i qiyaameen nacalaa iskaarbahooda ku yaalle, ninkii waxaa na dhax martay sheeko dheer oo aan halkaan ku soo koobi karin,  banbooyinkiina waa ka qaaday.

Waxaa uu ii sheegay inuu ahaa sargaal ciidanka milatariga, oo uu ka qeyb galay dagaalkii 77 waxaan uu i tusiyay caddeyntii waxaan weydiiyay sababta ay ku dhacday in la ogoleeysiiyo inuu waalan yahay waxaa uu yiri, anigu ma waalni ee umad wada waalan ayaan dhaxda ka soo galay, oo waxaa leygaaga soo geed iyo gole fariistay dagaalkii jabhadaha inaan hoggaamiyo oo waan diiday, kolkii dowladdii kacaanka la saaray ayaa mar kale la iigu yimid iney dadkii shalay aan u dhaartay inaan difaacayo aan laayo, haddana waan ka diiday.

Intaa la iigama harin ee xaaskiina way isku kaaya direen oo waa kala tagnay, waxaan kali oo cidna saaxiibadeeydii iyo qaraabadeyda oo dhan waxaan ku kala dhimanay. Dan gaar ah ay lahaayeen taasoo ah inaan noqdo salaankii ay ku kori lahaayeen boobka iyo dhaca iyo baneysiga dhiiga, waxaase is weydiin mudan goormaa dan gaar ah la helaa? Dan gaar ah waxaa la helaa markii danta guud la helo. Si kastaba arrintu ha ahaatee waan iskaaga aamusay. Aamusnaantii aan aamusay waxaa la igu shabeeyay inaan waalanahay, muddo badan ayaa ka soo wareegtay in aan qof la hadlo maanta ayaa iigu horreysa oo aad adigu daris ila soo noqotay ma laha adiga iyo aniga isku cudur ayaan nahay.

Wax badan markii aan wada hadleynay ayuu iga ogolaaday in maanta wixii ka danbeeyo uu  noloshiisa dib u hanto dad iyo warkooda iska daayo, waxa uu ii sheegay inuu dhaqaalo heysto ku filan uu wax ky qabsan karo balse garaneyn meel uu wax ka bilaabo.maalmo badan iyo kulamo xasaasiye ninkii waxa uu noqday ganacsade soomaaliyeed oo miir qaba, waa guursayay noloshiisiina dib ayuu u hantay.Waxaa iga su’aal ah  ninkaas ma waalnaay mase dadkaa waalnaa? 

 W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

SHEEKOOYIN