XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) QORE: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 24aad                                                                       

 

 

                             DOONISTA QALBIGAADA IYO DAMACA NAFTAADA MIDEE

Marka aad qorsheynayso mustaqbalkaaga waa in aad naftaada is aqbashaan idinka oo wada jira, ma ahan idinka oo shaki kala qaba in aad wax wada qorsheysaan, si hadhow dagaal nafsaani ah uusan idinkaga dhex dhicin.

Jumlada hadalkayga waxey u dhacaysaa si aan la fahmi Karin, laga yaabee, balse waxaan uga jeedaa in qalbigaada doonistiisa iyo damaca naftaada ay isla socdaan ayna heshiis ku yihiin waxa ay doonayaan in ay qorsheeyaan, micnaha ay isku ujeeddo ka yihiin waxa ay sameynayaan.

Mmusa

                                         KU NOOLOW NOLOSHAAD HADDA

In aad ugu noolaato noloshaada sida aad rajaynayso ayaa wanaagsan balse haddii aadan sidaa samayn Karin waxaa wanaagsan inta aad haysato noloshaada in aad ugu noolaatid, ma ahan in aad mustaqbalka u hanqal taagto oo ku xirto hor u socodka noloshaada, haddii ay taas dhacdana hubaal in aad wayn doonto inta aad hadda haysato, midda mustaqbalkana  maba haysid oo ma ogid waxa ay  noqon doonto oo maba haysid.

Mmusa

                                                 AFARTAAN IGA EEG BAL

Qanaacada naftaada waxey daliil u tahay daganaanta naftaada

Daganaanta naftaadana waxey daliil u tahay in aad tahay mid mahadnaq badan

Mahadnaqaaga oo batana wuxuu daliil u tahay nimcadaada oo badata

Nimcadaada oo badatana waxey daliil u tahay noloshaada oo noqota mid khayreysan.

Mmusa

                                                             ISKU DAYGAAGU HA BATO

Caruurtu socodka kuma bartaan daawashada ay wax daawadaan, inta aysan socon waa istaagaan ayaga oo dhaca boqol jeer ka badan, hadana waxay isku dayaan in ay talaabada qaadaan, misana boqol jeer ka badan ayey dhacaan,.

Dadaalkaas ay caruurta sameynayaan waxaan ka baran karnaa in aan sameyno wax walba oo wanaagsan oo noo kordhin kara fikrad wanaagsan iyo kalsooni nafeedba, sidaa darteed, inta badan uu isku daygaagu bato waa inta badan ee aad heshid khibradda naftaada.

Mmusa

                                       BADDALKA QOFKA AAD LA DHAQMAYSO

Haddii aad qof xun xumaan kula dhaqanto, taas macnaheeda waa in aad ku dhiiri galisay in uu sii xumaado, wuuna sii xumaanayaa, balse marka qof xun aad wanaag kula dhaqanto iskuna daydo in aad dhex galiso duni ka duwan midda uu ku nool yahay, wuu wanaagsanaanayaa, maxaa yeelay mar walba dhaqanka qofka ee joogtada ah waxaa ka saameyn badan jawaab celinta loo sameeyo ficilkiisa, taas oo ka dhigi karta qofka in uu ficilkiisa kusii adkaysto ama wax ka baddalo.

Mmusa 

                                                          HADALKA

Wuu dhamaadaa hadalka wax dhaawaco, balse qalbiga ayuu ku daba dheeraadaa xanuunkiisa saamaynta uu reebo.
Mmus 

                                QOFKII KUU CAROODAA SADDEX JEER

Wuxuu yiri mid ka mid dadkii Caaqiliinta ahaa  qofkii kuu carooda Saddex jeer, misana aan ku dhihin hadal xun, ka yeelo qofkaas saaxiib wanaagsan, maxaa yeelay, caradu waxay soo saarta shaqsiyadda dhabta ah ee qofka.

                                                   Nolosha
Nolosha waa mid Dulmi badan, cadaadis badan, Caddaalad darro badan, Mugdi badan, waxbase ha eedin, waasa dhamaanaysaa maalin ay noqotaba, waa safar gaaban, waxaa tagi doontaa meel uusan dulmi ka jirin, caddaaladduna dhaqankeeda ay tahay, qofna aan lagu xad gudbayn.
Mmusa

                     DADKA QOFKA UGU DABACSAN AYEY KU TIIRSADAAN

Dadka qofka ugu dabacsan ee u heelan mar walba ixtiraamkooda iyo difaacooda ma arkaan, ee waxay ka jecelyihiin kan madaxa uga istaaga ee aan waxba ugu deeqin.
La yaab iguma ahan igumana cusba arrinkaa oo dhaowr jeer ayaan indhaha saaray, qiimaha qofku leeyahay in aad dhowrto waa muhiim, balse in aadan u dhaafin ama wax ugu darin waxa ay kaa doonayaan ayaa wanaagsan, si ugu yaraan isku dhelitirnaanata qalbiga loo eego, maxaa yeelay, adiga oo wax badan oo ixtiraam ah iyo ka badanba ku deeqay haddii qofkii aad ugu deeqday uusan sidaa u fahamsanayn lagana yaabo in uuba kuu arko caqabadda naftiisa, markaas waxaa imaanayaa iskaraahsasho, is nacayb, iyo cuqdad caloosha la iskugu qaado.
Dadka ixtiraam, balse waxba haka rajayn, dadka waxa ay ku waydiistaan ku caawi haddaad awoddo, haddii kalana ka nabad gal.
Mmus  

                                       INKIRIDDA XAQIIQDA

Dadka qaarkood waxay cimrigooda ku dhamaystaan ayaga oo aqoon u lahayn naftooda, kuwa kalana ayaga oo inkiraya Xaqiiqda naftooda, kana cararaya dhabta waxay tahay.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

SHEEKOOYIN