Garo Sacaaga!! WQ: Hassan Mudane

 

Garo Sacaaga!

Inta badan dadka cudurdaarka sameeya way dhibta qaadista masuuliyada sababtuna waxay tahay in uu yahay qof diidan qaadista boqolkiiba boqol masuuliyada wixii dhacay iyo in uu naftiisa difaacaya oo ka leexinaya eedda kaga imaanaysa wixii dhacay. Bal isweydii adigu maxaad u cudurdaarataa?

Dadka cudurdaarka badan waxay marwalba isku shuqliyaan sidii ay naftooda uga dheereyn lahaayeen gafafkii ka dhacay iyaga oo dusha kaga tuura dad kale ama waqtiga. Haddaba, cudurdaarku waa been abuur ku dhisan xaqiiq aan dhammaytirneen.

Waxaa jirta sheeko ku saabsan dadka cudurdaarrada sameeya. Sheekadu waxay ku magac dheer tahay sacaaga dil. Waxayna ku qoran tahay buugga (Himillaadaada Hano) ee uu qoray Dr. Mohamed siibed, (2013). Asalka sheekadan waxaa laga soo xigtay buugga (Bari baa waxaa jiray sac) ee uu qoray Dr. Cruz Camilo, (2006). Waxaa jiray nin xikmad badan oo dadku talo iyo waano u raadsadaan. Maalin malmaha ka mid ah ayaa waxaa u yimid wiil dhallinyaro ah oo weydiistay xikmad waxtar u leh noloshiisa si uu wax u qabsado adduun iyo aakhiraba.

Xikmad badane wuxuu wiillkii yaraa la galay socdaal dheer wuxuuna ku yiri “Anaa ku tusaaya waxa xikmaddu taha.” Maalin la socoy oo maalin kale la socoy oo tuulooyin badan la mar kaddib markii muddo la socday ayaa ninkii xigmadda badnaa wiilkii wuxuu u sheegay in uu raadinayo reerka ugu saboolsan tuulada ay marayaan. Muddo kaddib ayay arkeen guri doqosh ah, guriga bannaankiisa waxaa ku xiran sac reerku leeyahay, reerku waxay ka koobnaayeen sideed qof, sideedaas qof waxay dhammaantood ka shaqeeyaan sacaas, mid lisa, mid caws u dhiga, mid daajiya, mid moorada u ooda. Xikmad badane wuxuu wiilkii ku yiri “Caawo reerkaan ayaan la baryaynaa.”

Reerkii waa soo dhoweeyeen martida u timid iyaga oo ka cudurdaartay in sacaas caanihiisa mooyee aysan wax kale awooddin. Wixii ay haysteen ayay la wadaageen. Xikmad badane wuxuu reerka u sheegay in ay baxayaan oo socod dheer sugaayo waana nabdeeyay reerka maadaama aysan is arkayn subaxdii. Intaan qofna kicin ayuu kacay wuxuu ku leexday mooradii saca ku jiray markaas ayuu bilaawe ama toorrey la baxay kaddibna sacii gowracay. Wiilkii ayaa qayliyay oo yiri “Saca kaliya ayaa reerku lahaa ee sidee uga dili kartaa.” Xikmad badane qayladii wiilka dheg jalaq uma siin ee hawshiisa ayuu sii watay, markii uu saca dilay kaddib socodkoodii ayay sii wateen.

Hal sanno kaddib ayaa xikmad badane iyo wiilkii waxay yimaadeen tuuladii ay saca reerka kaga dileen, wiilkii ayaa garan waayay gurigii waayo gurigii doqoshka ahaa waxaa beddalay guri cusub oo dhagax ah oo ku horyaal beer aad u balaaran oo dadka jooga ay mashquul ku yihiin; qof walbana hawl gacanta kula jiro.

Gurigii ayay yimaadeen oo reerkii nabdeeyeen, waa la is gartay oo la is warraystay. Reerkii waxay u sheegeen in habeenkii ay ka tageen subaxdeedii mid inkaar qaba uu sacii ka dilay, in ay maalmo barooranaayeen deriskuna u soo gurmaday, tacsidaa kaddib in ay garawsadeen in ay u baahan yihiin in ay ka faa’ideystaan isbeddalka ku yimid noloshooda is ay u qabsadaan wax hor leh.

Waxay go’aansadeen in ay beer tabcadaan maadaama ay qoys ballaaran yihiin, abuurkiina way dayn qaateen. Markii beertii usoo go’day waxay bixiyeen wixii dayn lagu lahaa kaddibna waxay iib geeyeen wixii u haray, sidoo kalena waxay la hareen abuur iyo soor ay xilliga dambe ku sugaan.

Faa’iidadii ka soo gashay badeecaddii ay iib geeyeen waxay ku dhiseen gurigooda cusub hadana waxay qorshaynayaan in ay soo gataan lo’ badan si ay caanaha ugu ganacsadaan. Waxay yiraahdeen “In kasta oo markii hore aad ugu barooranay dilkii saca haddana waxaanu ogaanay waxa horumarka noo diidaayayba in uu haa saca aan ku mashquulnay.” Markaas kadib xikmad badane wuxuu ku yiri wiilkii “Xigmadda nolosha ee lagu horumaro waa adiga oo dila sacaaga.”

Qof walba wuxuu leeyahay sac ka hortaagan in uu horumar sameeyo marka waa adiga qofka larabo in uu garto saciisa kaddibna dil si aad u gaarto isbeddal horumar leh. Anigu waan garan karaa saceyga balse adigu ma garan kartaa sacaaga? Saca aan tilmaamayo maahan kii aan caanaha ka cabi jirnay ee waa mid aan kuu ogoleen in aad horumar samayso oo aad ku noolaato nolol ku dhisan gobannimo iyo guul.

Bal aan kula wadaago sacaas magaciisa si aad isaga ilaaliso suntiisa. Sacaas magaciisa waa cudurdaar! Adigu ma isweydiin kartaa labo su’aal: maxaa cudurdaar ii ah? Sideen ku garan karaa saceyga? Markii aad hesho jawaabta saxda ah ee su’aasha hore waxaad si fudud ku heli kartaa jawaabta su’aasha dambe.

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 5naad, bogga 80naad.

 

SHEEKOOYIN