Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q10AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Haddii aan kasii  wadno qoraalkeeni iyo faaqidaadii iyo falanqeyntii “Xeerka iyo Xikmadda Shiribka” maadaama aanay noo dhammaan tireyntii aan uga hadleeynay xeerarka loo maro Shiribka iyo inta Farac ama nooc ee uu u kala baxo macnaha inta hab ee loo curin karo, iyadoon sharcigiisana la jabineyn. Haddaba qeybtaan waxaanu kusoo qaadaneeynaa tiro ka duwan kuwii aan hore usoo qaadannay maadaama ay lahaayeen xad go’an iyo xeer aan la dhaafi karin. Tiradaani waa ka duwantahay, waana tireyn aan laheyn goob lagu istaajiyo iyo meel ay ku dhammaato in laashinku markaas meeshii uu damacsanyahay gaaristeeda uga haro maahane.

Waxayna u kala baxdaa laba farac, farac aad dhereyn karto, ilaa iyo intaa doonto oo lugood ka dhigi karto. Iyo farac aad gaabin karto laga bilaabo Afar lug ilaa toban lug, hadba inta laashinku kusoo koobo ujeeddadiisa. mana lahan magac u gaar ah ee hadba laashinka curinayo magaca uu ula baxo ayeey ku xirantahay, waxaa inta badan loo yaqaan “Shirib furan” waxaana ku soo qaadaneynaa dhowr Shirib oo midna dheeryahay, midna gaabanyahay, si aan u fahanno habka ay uga duwantahay Shiribyadii hore ee magaca lahaa, sida Seddex walxaat, Affar walxaat, Shan, Siddeed, sagaal, toban, ilaa Kabbo walxaat, ee aan hore ugasoo hadalnay! Ma aqaan laashinka bilaabay, waxayse ka mid tahay Shiribyada aan Goobaha iyo golaha laga sheegin ee casrigaan dambo soo shaac baxay kana mid ah Shiribyada aad loo adeegsado ama laashimiinto u curiyaan: haddaan kusoo qaato Faraca dheer waa “Shirib furan”  oo aan anigu bilaabay waxaana ugu magac daray “Dareen Shacab” waana sida tan: 

 

  • Waa deriskee haddeey dumaan
  • Daruuf hor leh ammaan degnaa?
  • Ammeey inya kusoo durgaan
  • Daayniile gobal soo degaan?
  • Dalkaan awal horoow dumee
  • Daadku amoow lasii degaa?
  • Debki holcaayay soddon daaw
  • Duful ammeey kusii daraan?
  • Waa duni dhinac loo duwee
  • Ammeey da, yarta duufsadaan?
  • Nin ku dirqaa ma daalayee
  • Deked hobyood ammeey degaan?
  • Daawyaa lasoo dadaalayee
  • Dabaq dhisnaay ammeey dunshaan?
  • Waa duul hammaa dhulkaan degnee
  • Diinsoorya xeeb ammeey degaan?
  • Dalkaan holcaahu waa dunyee
  • Dareen Shacab ammaan dignaa?
  • Mase inya ku daawanneey
  • Dib ka dib noogu soo gurgaan?
  • Dadkaan qaxee Denmaagya Jaad
  • Degay ammeey is dooriyaan?
  • Diin gaalo iyagoo duxaa
  • Ammeey dib noogu soo darmaan?
  • Dareen fog adigoo damqaa
  • Oon daalin danaheeyna sheeg?
  • Markoow derisku daaqsadeey
  • Nabaddu daafahaaga taal.!

Waxaa isla markiiba Silsillad ahaan u furay Jawaab deg deg ahna ka bixiyay Laashin Ibraahim Cali Asigoo i leh wel welkaas iyo dareenkaas iska saar hadda ayaa waddankeynii is raacayaahe Shiribkuna wuxuu ku socday waddanka Itoobiya oo markaas dagaal ka qarxay iyo cabsi iyo dareen shacabku qabay in ay nagusoo qaxaan intaas oo milyan naguna milmaan, yaanan aqris kugu daaline Laashin Ibraahim wuxuu yiri:

 

  • Waa deriskee miney dumaan
  • Dalkeenu waa dhalaa dalxiis 
  • Dal dumay diris wow qaxyaa 
  • Meheey degaanna woow daryeel 
  • Dadkii dunshaa daba kecee 
  • Dabbaal deg u diraar garow 
  • Debki holcaayay soddon daaw 
  • Dadki shidow ku sii durgaa 
  • Dad is diloo an diin leheyn 
  • Xey duufshaan waa ku daadatee 
  • Deked hobyood mineey degaan 
  • Nin is dillaaya daahi maa 
  • Nin soo degay waxma dunshee 
  • Dib u dhis u diyaar garow 
  • Damaacigoodi waa dunyoo
  • Dalkoodiyaan dad loo arkeen 
  • Diriskaan kuu nexeyn dilkiis 
  • How damqan waa dareem hellee 
  • Dulli amxaaro is dilkeed 
  • Daawowgu jirta dadka qaar 
  • Danmaakya jaad dadkuu qaxeen 
  • Doorsoon ku milma woow diraar 
  • Kuwuu daneeya diinta gaal 
  • Dalka haddeyba soo degeen 
  • Dareen fog la daryeelimaa 
  • Lagase daali maa digniin 
  • Dagaalki daba dheerahaay 
  • Dadki Shidaayay waa dummeen!
  • Duuduub warkee diraar garow 
  • Daawo allaa digsoo dhahdee!

Markii Laashin ibraahin Cali Raage halkaa Soo dhigay laashimiin kale ayaa soo gashay aad ayuuna u dheeraaday, sidaa awgeed intaas ayaan uga kaaftoomeynnaa Faraca dheer. Waxaana u galeynaa Faraca gaaban macnaha Shirib aan badneyn ah, oo lasoo koobay laakin ujeeda fog xambaarsan, Haddaan ku bilaabo Shirib aan uga hadlayay Suuradaha Qur’aanka ku jira ee Xarafka”W” ka bilaawda ama wel weltirayaasha loo yaqaan wuxuuna u dhacay sida tan: 

 

  • Wasaafaat maan kasoo wadee
  • Wadaariyaat iraa i waab!
  • Wadduur ku xeji waanadee
  • Wannajmi wehelkiisa yeel,
  • Wal mursalaad Wan-naazicaad
  • Weylun lil muda fifiin ku waab
  • Labada was-samaa’ina 
  • Waa waanee is walaala yeel!
  • Wal fajri wala yaalinya
  • Washamsi Woow yadiisa Sheeg!
  • Wal-laayla walluxaa Xigtee,
  • Wattiina werintiisa sheeg,
  • Wal-caadiyaad waanaaga yaal
  • Wal-casri waa wakiillan yaa,
  • Weylun likulliyoon hal woow
  • Walaashaheeyna waa Wadaa!’
  • ‘Waabaay dagaal mugeey waddaa
  • Werintu marna waa wanaag!

 

“Suuradaha Ka Bilaawda Xarafka “و” Ama “WOOW” Ee Ku jira Qur’aanka Kariimka ah Waa (17) Suuradood! Haddaan kusii xejiyo Shirib kale oo faraca gaaban ah wuxuu yiri: Laashin Ibraahim Cali Raage

 

  • Dhibaa jiroo waxbaa dhecee 
  • Dhulkeena yaan u dhaarinaa? 
  • Nin dhintay geelma dhaaniyee 
  • Dhulkeena yaan u dHaarinaa? 
  • Dhiigya cabaa Dadkaan dhibee 
  • Dhulkeena yaan u dhaarinaa? 
  • War gaal dhahaan dhegeysanee 
  • Dhulkeena yaan u dhaarinaa?? 

 Afmeer 

  • Dhulkaan la qeybiyeey dhibee 
  • Yaa dhiigle waa dhanaantehee?

Waxaan ku soo af xirayaa Shirib kale oo ka mid ah isla faracaan gaaban laakin wax badan koobaya waxaana curiyay Laashin Cabdinuur Xasan Cali(Waddani)

 

  • Nimaa dhalaa nimaa dhimmaa
  • Ninna aroos ayow dhigaa, 
  • Nimaa dhacaa nimaa dhaxlaa
  • Ninna dhulkiisiyow dhummaa, 
  • Nimaa dharsiin nimaa dherjaa
  • Ninna dhashiisu waa dhacsaal, 
  • Nimaa dhunxaa nimaa dhammaa
  • Ninna hal toog is dhaafi maa, 
  • dhurbeele waa adduun dhibkaas
  • dhankasta waaka dheelihaa, 

Haddaba Shiribku xeerarkaas ama habkaas ayow u kala soocanyahay asigoo dhihitaan ahaan iyo dhedhen ahaanna is heysta sidaas ayuuna u koobaya arrar wax badan kugu qaadan laheyd dhihideeda waana in lagu dedaalaa adeegsigiisa maadaama uu ka mid yahay hantida la wada leeyahay iyo hidda suugaaneedkeenna  wuxuu kaalin firfircoon ka qaataa horumarinta Afkeenna sidaa awgeed waa in lagu baraarugsanaadaa macaantiisa iyo awooddiisa Shiribka. la soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow(Shiribmaal)

SHEEKOOYIN