Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q4AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q4AAD 

Daahir Garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ayuu ka soo degay dhammaadki sanadki 1980 isaga oo xanbaarsan dareen ah, in uu la yimid karti uu ku muujiyay dadaal dheeraad ah iyo in uu ku guulaystay garaacida albaabki u horreeyay oo uu ku gaari lahaa mustaqbal wacan.Maalinti u horraysay oo uu yimid magaalada Muqdisho wuxuu ku degay guriga habaryartii(aayadiis) oo ahaa gurigi uu qurbaha ka aaday markuu waddanka ka tegayay ,Daahir laba maalmood keddib imaantinkiisa wuxuu u gudbay gobalka Hiiraan degmada Baladweyne oo hooyadiis deganayd si uu u soo arko hooyadiis iyo qaraabadiisa dhammaan.

Is arag hilow badan loo qabay ,farxad iyo rayrayn lagu kulmo keddib,Daahir hooyadii wuxuu uga warramay sidi ay ku sugnayd xaaladiisa guud iyo middiisa gaar ahaaneed tan iyo inti uu joogay dalka Sacuudiga ,Daahir hooyadiis wuxuu uga warramay dhibaato,wanaag ,guul iyo guul darrooyin wixi uu la kulmay muddadaas uu ku maqnaa dalka Sacuudiga .Daahir hooyadiis iyadana aad ayey ugu faraxday guusha uu soo hooyay wiilkeeda iyo tilaabtaa nololeed ee wacan oo uu horay u qaaday .Daahir hooyadiis waxay ugu ducaysay in uu noqdo wiil baari ah,waalidkiisana daryeelo,kana warhaayo si joogta ah, dadkana u naxariisto iyo in uu noqdo kii ku guulaysto adduunka, Aakhirana helo janatal firdows.

Waxaa kale oo ay wiilkeeda u sheegtay, odagi dhalay Aabihii wuxuu la jeclaa in ay ahayd isaga oo noqdo Shiikh barto diinta Islaamka,dadkana baro.Laakin waxay u raacisay “wiilkaygiyow , taa ma suurta gelin haddeer ,laakin ku dadaal in aad barato diintaada si aad uga korto ku dhicitaanka boholadda uu Shaydaan u dhigo dadka uu imaankooda daciif yahay” Waxa ay Hooyadiis u sheegtay in uu maqnaashihiisi geeriyooday Abtigii oo ahaa reer miyi, isla markaana ahaa wiilka kaliya ee la dhashay iyada iyo habaryartiis iyo in uunan wax ciyaal ah ka tegin.

 

 Daahir in ka yar laba usbuuc keddib, wuxuu hooyadii ku wargeliyay in uu ku noqonayo magaalada Muqdisho si uu safaarada Sacuudiga ee magaalada Muqdisho uga soo qaato Fiisihi Iqaamadi oo uu ka soo iibsaday dalka Sacuudiga, looguna soo diray safaaradda dalka Sacuudiga ku leeyahay magaalada Muqdisho.Daahir Guuleed Muqdisho ayuu soo gaaray,is macsalaamayn farxad ku dheehan tahay iyo dardaaran dheer ee naxariis badan xambaarsan kolkey Hooyadiis is dhaafsadeen ,wuxuu ku dhaqaaqay in uu u howl galo sidi uu Safaaradda uga soo qaadan lahaa fiisihi loogu soo diray,Daahir howshan waqti badan kuma aynan qaadan wuxuuna ku dhammeystay usbuuci afaraad oo uu joogay dalkiisa hooyo. Daahir marki uu gacantiisa ku hubsaday Baasoborkiisa oo loogu soo dhuftay fiisihi iqaamada, wuxuu u tegay shirkada diyaaradaha Somali Airlines si uu wax uga beddalo maalinti u ku qornaa bixitaanka, ka hor intaanan fiisaha iqaamada loogu dhufan Baasaboorkiisa ,wuxuuna soo sii qoondeystey maalinti uu ku laaban lahaa dalka Sacuudiga oo ku beegnayd maalinti soddon maalmood u buuxsantey ee uu joogay waddanka.

 

Daahir weli niyadiisa waxaa ku taagnaa hamigiisa ahaa in uu ku dadaalo sidi uu wax u baran lahaa, mustaqbal wacanna u gaari lahaa.Daahir firfircoonidiisa iyo hawadiisa badnayd marnaba hoos umadhicin,waxaana maskaxdiisa hareereeyay arrima badan oo uu ku taamayay yaraantiisi iyo sidi ay u suurta geli-karto in uu mar kaliya ka wada dhaqaajiyo isaga oo shaqo helo,waxbarashana helo keddib marki uu Sacuudiga ku laabto.Daahir fekir iyo welwel weyn ayey ku haysay halka uu wax ka bilaabi lahaa, kolki uu ku noqdo Sacuudiga.waayo madaxiisa waxaa ka guuxayay sidi uu uga faa’ideysan lahaa sharciga uu soo qaatay, illeyn aad iyo aad ayey u yarayd muddadi uu joogay dalka Sacuudiga in uu la kulmo dad waxbartay,iqaamana ku leh dalkaas, kuna shaqaysto iqaamadooda, walow uu haddana khibrad fiican oo howleed ka qabay qaab nololeedka iyo sida   looga shaqaysto dalka Sacuudiga iyada oo aan la haysan sharciga deganaashaha dalkaas .

Waxaa la soo dhawaaday maalintii bixitaanki, wuxuuna dib ugu laabtay shirkadda diyaaradaha ee Soomali Airlines si uu soo hubiyo bixitaankiisa maalinti uu ku qornaa. Daahir si lama filaan ah wuxuu maalintaas oo Sabti ahayd shirkada Diyaaradaha kula kulmay Wiil dhallinyar oo da’diisa ah, Fasalna ay wada fadhiisan jireen waagii uu dugsiga sare ka dhiganayay degmada Baladweyne ee gobalka hiiraan.

 

Is aqoonsi keddib, Waa la is bariidiyay , waa la isku soo booday  isaga iyo willki oo uu aad u fiicnaa xiriirkooda ardaynimo waagi ay isku fasalka ahaayeen,waxaana ka dhexeeyay isaga iyo wiilkaa tartan waxbarasho, maadaama ay labadaba ka mid ahaayeen ardayda ku tartanto keenista dhibcaha ugu sarreeyo ee waxbarasho iyo in uu mid walba noqdo ninka ugu dhibca badan fasalka iyo dugsigaba.Daahir baa yiri “Muraad, caafimaadkaaga ka warran? xageesa ku danbaysay kolkaad dugsiga sare ka baxday kuuguma aanan arag Jaamacadda”

 Muraad baa yiri “iska Aamus war ma haysid ninyahaow,war mahaysid Daahiroow, Alxamdullilah wax walba waa Ok ,Aabbahey baa dhintay,maciishadina waa adkaatay ,anigana reerka ayaan u weynaa, sidaa darteed   dalka waan isaga tegay kolkaan ka baxay dugsiga sare waxaana I saaciday Adeerkay oo joogay dalka Sacuudiga oo ii soo diray Iqaamo.waxaana hadda deganahay magaalada Riyaad Caasumadda dalka Sacuudiga oo aan ka shaqeeyaa, ee adiga xageed ku danbaysay ,xalkaadase waa sidee”.

 Daahir : “waa adduunyo ,haddii aan la dhiman, waa la is arkaa,saaxibow aniga waxaan bilaabay Jaamacadi laakin nasiib darro dhaqaale xume ayaa diiday in aan dhammaysto waxbarashadi, walow ay haddana Jaamacadda lahayd jiif iyo cuntaba,waxaana aaday dalka sacuudiga,waxaana rafaad iyo shaqo adag keddib soo qaatay iqaamo ,waana tan, iyada ayaan doonayaa in aan maanta kula laabto dalka Sacuudiga si aan uga shaqaysto halkaa,waxbarashadiina u dhammaysto haddii ilaahey idmo”

  Daahir iyo Muraad inti ay iswareysanyeen ayey haddana dhammaysteen in ay hubiyaan bixitaanki maalinti ay Diyaaradda ku qornaayeeen oo ku beegnayd maalin kaliya.Banaanka ayey shirkada uga soo baxeen, waxaana Muraad uu Daahir ku yiri “walaal, meel ayaan ku degdegsanahay ,waxaana kala warbogaynaa maalinta aan baxayno ee xageen ku geeyaa haddeer “.

Daahir : “walaal magaalada ayaan waxaan balan ku leenahay asxaab hore oo aan jaamacadda wada dhigan jirnay ,sidaa darteed fasax ayaad tahay ee waa inoo maalinta Isniinta, Sideeda subaxnimo iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ,Ilaahey idinkiis”.

Daahir ,weli wuxuu dhex dabaallanayaa badweyn feker iyo walaahow ah isagoo maskaxdiisa ku mashquuliyey sidi uu uga faa’iideysan lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badan fiisaha deganaanta iyo ka shaqaysiga dalka Sacuudi Carabiya oo gacantiisa ku soo dhacay, dadaal dheer iyo shaqoooyin ad-adag oo uu ka soo qabtay dalkaas Sacuudiga keddib.

Daahir wuxuu isweydiiyay Xaaladfa Muraad iyo heerka isku filnaasho oo uu gaaray  iyo sida uu ku gaaray iyo kala duwanaashaha u dhaxeeyo magaalada caasumadda u ah dalka Sacuudiga Riyaadh ee uu Muraad u sheegay in uu ka shaqaysto ,degan yahayna iyo magaalada Jeddah oo uunan isaga meelna u dhaafin tan iyo inti uu joogay dalka Sacuudiga, marka laga reebo in uu dhowr maalmood shaqo dhismo ka soo qabtay dib u balaarinta dhismaha Xaramka Illaahey ee magaalada barakaysan ee Maka. Daahir Guuleed  hadaladi Saaxiibkii Muraad oo ay ka muuqanaysay in uu yahay nin isku filan, mustaqbalkiisana isku aadan yahay iyo gaarigi uu ku yiri xageen kuugu geeyaa quraxda ka muuqanaysay, waxay ku sii beertay tartan iyo hawo fara badan oo kor u dhaafsiisan firfricoonida iyo kartidi uu isku tabayay in uu Daahir leeyahay,isagaoo haddana mar mar isku canaananayay war ninyahoow “Dadka amaan ha kaa helo, wixi calaf ah waa la helayaa oo illaahey kuu qoray”.

W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

SHEEKOOYIN